Araweelo News Network.

By. Eng. Abdirahman Ismail Nouh

Shuruucda Iyo Xeerarka Dalka Haddii Lagu Jaangooyo Rabitaanka Hoggaanka, Ama Darmo-wadaagta Siyaasada  Ee Markaa Joogta Shuruuc Noqon Maayaan Ee Maxaynu Ku Magcawnaa?

 

Shuruucda iyo xeerarku waa kuwa lagu shaqeynayo ee dawladnimada seeska u ah , waxaana ku jira mustaqbalka dalka , dadka iyo da’yarta dambe oo dhan , yaan la dhayalsan)

Haddii sharciga iyo xeerarka dalku inaga noqdaan in lagu jaangooyo hadba inta umada ugu tunka weyn ama fursada saaxada siyaasadeed heshay, sharcigaasi sharci ma noqonayo ee waxa uu noqonayaa mid la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan laga dhigtay.

Haddaba sida ay baryahaaba muuqatay waxa kaalintii siyaasadeed ee dalka ku kaliyeystay sadexda xisbi qaran ee jamhuuriyada Somaliland oo iyagana xiligoogii yahay mid sii dhamaanaya oo mudo koobani u hadhay, iyo dalkii oo u baahan dardar iyo isbadel mug leh oo cusub .

Waxaa laga maarmaan ah in xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah xeerka ururada iyo axsaabta in la difaaco si aanay meesha uga bixin ama aan loo dhayalsan.

Nidaamka siyaasadeed iyo hogaamineed ee Somaliland waxa uu soo gaadhay xili uu u eeg yahay mid istaagaya oo u baahan nooleyn iyo rajo abuur cusub, maadaama ay siyaasada Somaliland soddon sano hal koox ay haysatay oo iskuwada aragti ah oo aan wax badan ku kala duwanayn , waa sababta ugu weyn ee wax badani aanay xaga maamulka dawladnimada isaga badelin ee dadka uuni ay isbadelaan.

Hadii dadku u arkaan maanta sida ka muuqata in aan la helayn isbadelada marwalba codka lagaga ololeysto, waxa ay gaadheen heer ay ka niyad jabsan yihiin doorasho oo dhan taasi oo ay sababtay markii goleyaashii iyo hay’adihii dawlada in koobani xidhatay, loona arko in ay u shuraakoobeen danta mansabyada qaranka oo maanta uu golihii wakiilada 2005 la doortay ee mudo xileedkiisu ahaa 5 sano uu fadhiyo ilaa 2021 , sidoo kale golihii guurtida ee 1997 la doortay oo mudo xileedkiisu ahaa 6 sanadood uu ilaa 2021 fadhiyo.

Sidoo kale goleyaasha deegaanka dalka oo 2012 la doortay mudo xileedkooguna uu ahaa 5 sanadood ayaa fadhiya ilaa 2021 , waliba waxa aan la garanayn xiliga ay doorasho dalka ka dhici doonto, qaabka ay noqon doonto, in xisbiyada oo kali ahi ku tartami doonaan iyo in ururadii siyaasada tartanka laga qayb galin doono, waxa laga yeeli doono marka xisbiyada mudadoodu dhamaato iwm , dhacdooyinkani hadii ay sii jiraan waxa sii badanaya niyad jabka dadka ee nidaamka dawladnimo, kaasi oo abuuri kara dib u dhac weyn .

Waxaan Gollaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ajendahiisa  ku arkayey in Xeer Lr 14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta uu ku jiro , waxaana isweydiin leh xeerkaasi waxa xiligani keenay iyo ujeedada uu ajendaha golaha ugu jiro , iyada oo loo diyaar garoobayo in muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland isku habeeyaan ururo siyaasadeed oo la tartama axsaabta siyaasada ee hada joogta oo xiligoodii dhamaad yahay , hadii ay noqoto in xeerkaasi la damco in laga saaro in 10 sanadood ba mar ururada la furo waxa ay noqonaysaa in la laalay Xuquuq siyaasadeed oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland lahaayeen waxaana ka dhalan karta cawaaqib xumo qaranka wax yeelo u geysan karta .

Markaa haddii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga yar iska hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso, ganacsigaaga iyo shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa midkoodna kuu shaqeyn doonin haddii xasilooni la’aan siyaasadeed iyo kala shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala gudboon in la isku kaashado in la ilaashado waxii umadu dhigatay ee xaarar iyo shuruuc dalka u yaalay.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Eng. Abdirahman Ismail Nouh.