qoraal

Tukayaasha duulaa,

Warka waysu tebiyaan,

Waa af-tahan Qudhaanjadu,

Geeluna tawaawaca,

Kolka biyaha loo tubo,

Ways tibaax-yaqaannaa.

Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen Maansadii Tanaad Alle ha u Naxariistee uu curiey Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac

(Gaarriye). Waa Duni Jiilba, Jiil Badalaayo, Waa Duni Qarniba Qarni Badalaayo, waa xaalad, xaad-ba badelayso oo duruufo u gaar ah midkiiba ku ladhan yahay oo ay la lagdamayaan jiilasha cusub duruufaha ku xeeran dhaqanada kala gedisan ee awoowayaashood ama Aabayaashood ka dhaxleen, balse qarni waliba marxalado cusub iyo dhaqano kala duwan ayaa jiil cusub oo ka mid ah dunida casriga ah ee maanta uunkeeda aynu ku nool nahay ku suntan yihiin, waxaaney ka tagaan waxyaabihii hore ee ay is ticmaali jireen Jiilashii ka horeeyay ee Soomaaliduna ka mid tahay, kuwaas oo jiilasha cusub meesha ka saaraan ama waxay tirtireen wax walba oo la isticmaali jireen ahna dhaqankii soo jireenka ahaa ee umadda Soomaaliyeed ku abtirsato qarniyadii hore ee tagey.

Akhrsitayaal dulucda Qalinkeenu haddii aynu hoos ugu daadegno waxay maanta diirada ku saaraynaa hab-dhaqano guracan oo xun, kuwaas oo lafjab ku ah dhaqanadii Awoowayaasheen iyo Aabayaasheen inooga tageen ee aynu ka dhaxalnay eek u aroora diinteena suubaan iyo dhaqankii Rasuulka CSW, ilaa maantana aynu ku nahay ummad meel ka soo jeeda oo ku abtirsaneysa, balse waxa jira qaar baabi’inaya oo mukharibiin ah, kuwaas oo ka doorbiday, am aka doortay dhaqamo kale oo aynaan garaneyn meesha ay ka yimaadeen, waxayse u muuqdaan kuwo laga soo dheegtay oo ay iska leeyihiin bulshooyin kale, waana kuwo laf-jab ku ah dhaqankii milgaha ahaa ee lagu majeeran jiray bulshada Soomaalida ah ee ka mid ah dad yawga dunida ama qoomiyadaha ku nool uunka alle.

Jiilalka kala duwan ee umaddaha caalamka ku kala nool soomaaliduna ka mid tahay waxay la soo baxaan habab cusub oo ka duwan kuwii waalidkood, una arkaan inuu la jaan qaadi-karo xadaarada casriga ah ee wakhtigan aynu ku jirno, balse qaar ka mid ah Wiilasha iyo gabadhaha Soomaalida ee la jaan qaaday ama ku barbaaray Sawiradda iyo muuqaalada uu ka milicsaday ama ka daawadey shaashadaha Telifeeshanada iyo goobta bulshada kala duwan ee caalamku ku wada xidhiidhaan ama fariimaha isku weydaarsadaan dhalinyarada ku abtirsata Soomaaliduna ay ka mid tahay.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee isugu jira Wiilasha iyo hablaha gashaatimaha ah, ayaa ku dhex-milmay dhaqanada casriga ah ee waddamada reer galbeedka ee u ololeeya dimuqoraadiyada ayaa ku dhex as-qoobay, kuwaas oo wax sax la ah ama hubsan waxa uu yahay waxan iyo xumaha ama wanaaga uu xabaarsan yahay garaneyn dusha u rita oo iska qaata, waana sababta keenta inaan maanta qalinka u qaato.

“Waxa aan la baxaa timo aad u dheer oo siman , timahaygu waa juro oo way adagyihiin waxaanay u jaran yihiin qaab isku wareeg ah, waana habka xaragada adduunyada casriga ah ee maanta. Ka Waran yaa u eekaadey, Saaxiib sidaan timaha u goostay soo maaha sidii hebel, hebel ee u ciyaari jiray kooxda Maan city, Barsinoola ama Arsean iyo Cheales.” Laakiin Wiilkan dunida casriga ah iyo qarniga maanta ah wuxuu matelayaa ama ku dayanayaa muuqaal Sawirk la qaadey qaab ahaa muddo ku siman 1960-1970-kii oo qofka sawirka laga qaaday xiligaas timahiisa wuxuu u geestay qaab ah “AFRO”, taasoo loo goosan jiray waqtigaas iyo qarniyadaas tegay iyo umaddahaa hore.

“Xaragadeyda Casriga ah, Surwaalka waan dhuubay, dabadda ayaan ka lulay, Dun-baa Ka Soo Fogan. Shaadhkaygu wuu faydan yahay oo sinaha ayuu u joogaa, dhexdena cawradii ayaa muuqata, Sida Anagoo Kale Il-bax Miyaydaan Aheyn?sidaa Sabankan aynu joogno waa saban dhalinyaradii Soomaalidu isugu faanto maanta, isla markaana waxaaba ka daran muxuu taariikh ka haystaa Sawirka iyo surwaalka wuu dhuubay oo dabada ayuu ka lulay, maxay tahay u-jeeddada ka dambaysa? Halkee ayuu hidahaas dhaqanka dharkaa loo xidhaa ka soo jeedaa?

Waxa kale, oo laga dheehanayaa madaxooda ama dhakadooda muuqaalo kala duwan, laguna xardhay Timaha midabka quruxda badan ee Eebosiiyey. Tobankii tin-ba gaar ayey isugu dhagan yihiin, wijigiisa waxaaa ku yalaal laba liid oo dhaadheer midna hoos u qalooco midna kor, surwaalka uu xidhan yahay waa jeemis adag oo lugaha ka cadaaday kana daloola cagaha, waaney fagan yihiin oo duniba meel ayey ka lulataa, isagu wuu isla saxan yahay oo sidaa ayuu door biday.

Haddaba marka laga tago Wiilashaas dhalinyarada ah waxa jira iyaguna qaar ka mid ah hablaha gashaantida ah ee Soomaalida ah, ayaa iyaguna dhinacooda hadh iyo habeen ku mashquulsan duuduubida iyo kor u taagida ama weynaynta madaxa, kadib xitaa biinan iyo waxyabo kale ayay ku gurtaa, kabaheedu waa nooc dhaadheer oo cidhib yar oo sanqadhaysa leh si meeshay maraysaba loo soo qooraansado, laakiin waxay ku keenaan kabahaas dhaareer dhibaatooyin caafimaad ahaan iyo mararka khaar inay halis ku galiso nafteeda, halka hablaha qurbaha ku nool ay inta badan xidhan yihiin surwaal iyo garan oo aad ayay u adag tahay-ba inaad kala garatid ragga iyo dumarka marka la sii wada jeedo markay soo jeesato ayaad arkaysaa inay tahay ruux gabadh ah. Inkasta oo Inanta xidhata dhar usturan waxay ka aamisan yihiin inay tahay ta ugu liidata hablaha ku nool wadamada Yurub, laakii marka xaqiiqda laga hadlaayo waa ta kaliya eek u taagan waddada saxda ah ee diinteenu na faraysa iyo dhaqankeenii suuban ee Soomaaliyeed

Sidoo kale, dusha indhaheeda kolba dharka ay markaas xidhan tahay ayay u eekaysiiyaan, sankuna wuu daloolaa, yaaa rabiiii dhag ayaana ugu jirta, isla markaaba balaayaba, balaayo ayay ka subxaanalaysataa gabalku markuu dhaco ayaa la s oo baxaa, waxaana loo dareeraa Huteel Marba 4 fanaan ay kolba xaflad-yar ku qabtaan, ma shaqaystaan dirqi ayay ku soo xayraabaan qadaadiicda yar ee lagu galo xaflada. Waxa dhibaatadaas u dheer marka ay ka soo baxdo xaflada dhawrka fannaan ka heesayeen inay haddana mar kale ka fekerto Waalidkood si ay albaabka uga furilahaayeengoorta salaada subax ay u soo toosaan, hurdada ay xiligaa gasho waxay ka kacdaa makhribka beri, haddana mar labaad waxa sugaaya u diyaar garawga xaflada iyadana la qabanayo caaws, balse waa Gashaanti ku nool ciilka iyo murugada waayaha oo mar-ba gidaar ka soo jaraaya.

Inta badan Akhriste dhaqamadan guracan ee qarniga waqtigan ee aadka u qaloocan ,ayaa ka soo burqada dhalinyarada sheegta fannaaniinta Soomaalida ee heesa dhaqanka ka fog ama ka caagan ku soo alifa ama ku soo qaada waddamada Yurub, iyo Ameerica, ka dibna xumeeya dhalinyarada Soomaalida ah ee inta badan laheyn arragtida fog.

Si-kastaba ahaatee waxa loo baahan yahay in la badbaadiyo boqolaal ka mid ah dhilanyarada isugu jira Wiilasha iyo gabdhaha ee dhibaatadu ka soo gaadho dhaqamada reer galbeedka eek u faafey qaybo ka mid ah jidhkooda, kana tegay dhaqankii lagu yaqaanay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogto dunida iyo daafaha caalamka, markaa iyana waa su’aal idin hortaala sidaa ka yeeshaane.

By. Amaal MM Kastam.
Natherland