Afar kulan iyo waxaan ka bartay 

Somaliland:  Sifooyinkiisa Hoggaamineed ee Cheif of Staff-ka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Abdulkadir Eidleh

 

1. Hotel Hayat, dabayaaqadii September 2024, ayaa markii u horaysay ayaanu si’aan ku talagal ahayn ugu kulanay, iyadoo laga soo dareeray seminar/tababar hogaanka xisbigu noogu qabtay hawl wadeeno iyo masuuliyiin tii Xisbiga oo gaadhaysay 300 qof. Eidle intuu isagoo dhoola cadaynaya isoo approach gareeyey ayuu i waydiiyay ma Axmed baa? Haa walaal, iyo Salaan iswaydaara baanu isku dhaafnay.

Waxaan fahmay in Eidle leeyahay maskax iyo qab balaadhan, aan keliya focused ku ahayn Madaxwaynaha iyo hogaanka iyo Creiska ku xeeran, balse uu leeyahay Commonsense ay xataa Daljirka-Dahsoon kuwada socdaan.

Madaxda kale oo dhani Musharaxa Madaxwayne ayay ku mashquul sanaayeen ama dhex dooday isku mashquul sanaayeen, way adkayd inay qof shacab ah attention siiyaan.

2. October 2025 isagoo gaadhi igu dhaafaya aayar taayirka rogaya, Madaxtooyada Ceerigaabo dhexdeeda, ayuu daaqada igala hadlay “Ahmedow waan kuu soo noqonayaa walaal” ayuu si ka gaadhsiisa ii yiri. Habeenimdkii kulan hall ka Madaxtooyada kasocday, oo Madaxwaynaha, Wasiirada iyo Odayaasha dhaqanka Ceerigaabo ka socdo, ayaan shirka kasoo dhex saaray intaan siiyay ishaaro. Banaanka ayaanu ku wada hadalay 2 daqiiqo oo 2 saacadood ma qiimo badnayd.

Waxaan bartay nin daacad ah, go’aan qaadasho leh, leex leex aqoon, oo abaaraya nuxurka, wax dadka qaar ku qaadan lahaa saacad sharaxaada ay isaga 3 kelmadood ku filan tahay inuu qorshahaa digest gareeyo.

3. Kulan 3aad wuxuu ahaa official, meeshaan ku kulanay iyo waxaanu is niri ka hadli maayo, wakhti aad u dheer oo koobsaday qadarin, ixtiraam, sheekaysi, xurmayn iyo is tix gelin heer sare ah kadib;

Waxaan ka bartay in Eidle koobsaday dhamaan sifooyinka Hogaamiye mustaqbal kaleh siyaasada. Laakiin Markale oo ay ku haboon tahay ayaan tan kahadli doonaa, hadase maya.

4. Kulankii u dambeeyey Hotel baanu isugu soo galay, waa Ictiraafka kadib, 5 daqiiqo oo aanu sarajooga kuwada hadalay, kelmad kasta aan ku iri way ka qoslisay. Waa nin farxaana, pressure kasta oo jira, aana dareemayn cadaadis xaaladkasta.

(Handling pressure is his biggest strength).

Hal kelmed ayuu igu deeqsiiyay warkii aan 5taa daqiiqo daldalayay. Waad garan kartaa sifada shakhsiyadaa aan kahadlayo, hadaan sawir fiican kaa siiyay.

NB: Qormadan waxaan ku koobay kulamadii iyo is aragii oo keliya.

Mawduucani ma khusayn; Qoraalada aan is waydaarsanay iyo waxaan kagabartay; Profitionalism kiisa, kartida, masuuliyaddisa siduu u yaqaan, hufnaantiisa, sifooyinkiisa hogaamineed, inaanuu ku koobnayn xayndaabka dawladda iyo madaxtooyada, balse uu u noqday nin isu dhigay inuu joogo xafiis dadwayne, sidoo kale uu yahay machine kii ugu haboonaa ee meenta Xafiiskaa uu joogo Madaxwayne Cirro u joogi lahaa.

WQ/ @Ahmed Salah abdi

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.