Muj Budul


Muj. Cabdilaahi Xasan Maxamed (Budul), Oo Ka Mid Ahaa Wariyeyaasha Haatuf

Bishan todobadeedii oo ahayd maalin jimce ah ayay saddex sanadood ku buuxsameen xadhigii wargeyska Haatuf ee aan wariyaha ka ahaa.
Intaanan ka mid noqon wariyeyaasha Haatuf waxaan ka mid ahaa ilaalada wargeyska.
Horteedna waxaan ka mid ahaa ilaaladii xarunta Sooyaal ee tababarka xirfadaha (Sooyaal VTC).
Saddexdaa jeerba waxa shaqada I qoray mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo xiligii SNM-ta aanu isku ciidan ahayn.
Ka hor intii aanan SNM-ta ku biirin waxaan mudo dhawr sanadood ah ka shaqayn jiray Xafiiskii Hargeysa ee Wasaaradii Beeraha ee xiligii Faqashta.
Hase yeeshee halgankii qadhaadhaa iyo dhibaatooyinkiisii iyo waliba hawlo aniga ii gaar ahaa darteed ayaa waxa maskaxdayda ka masaxmay waxbarashadii aan soo maray taas oo aan kaliday igu dhicin balse ay ila qabeen mujaahidiin kale oo iyaguna sidayda ay maskaxdii sii daysay tacliintii ay soo barteen.
Horaantii 1998 Mr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xiligaa ahaa Wasiirka Maaliyada Somaliland waxa uu bilaabay hirgalinta qorshe uu kaga wakiil ahaa Madaxweyne Cigaal oo ku aadanaa in jagada gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidka Sooyaal laga tuuro Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe, sababtuna waxa ay ahayd Yuusuf oo ku ad’adkaa u-doodista xuquuqda iyo daryeelka mujaahidkii soo halgamay iyo agoomihii ay ka tageen shuhadadii SNM, iyo waliba isagoo u dhago nuglaan waayey siyaasadihii xukuumadii Cigaal ee wakhtigaa jirtay.
Mudo yar ka dib markii uu Mr Siilaanyo ku guulaystay qorshihii la soo faray, waxa dhacday inuu joogsaday mashruucii ay Sooyaal waday ee mushaharka la iga siin jiray taas oo keentay shaqaale dhimis aan ku waayey shaqadii ilaalada (Security Guard) ee aan ka hayey Sooyaal.
Mudo dhawr sanadood ah marka aan camal la’aa ayaan xarunta wargeyska Haatuf ilaaliye ka noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan inan Komputerka garaaca aan uga sheekeeyey sheeko aan wakhti hore akhriyey, dabeeto inta uu sheekadii garaacay ayuu Yuusuf u geeyey Yuusuf intuu ii yeedhay ayuu igu yidhi maanta laga bilaabo qori dambe ma qaadanaysid ee Komputerkaas ayaad fuulaysaa, subaxdiina wariyeyaasha ayaad raacaysaa.
Tababarkii waan ku liibaanay oo mudo yarbay igu qaadatay inay maskaxdaydu dib u furfuranto oo tacliintaydii ay igu soo maaxato isla markaana aan aakhirkii noqdo wariye iyo qoraaba.
Waxaan yeeshay aqal. Ilmihii u horeeyey ee ii dhashay markuu todoba bilood jiro ayaa askar qoryo sidataa goor casar ahayd oo aanu ku jirnay diyaarinta cadadkii wargeyska ee subaxda dambe (8/7/2014) ay naga soo dareeriyeen xaruntii Haatuf.
Waa markii labaad ee Siilaanyo uu shaqo la’aan i bado, Laakiin doorkan waxaan la qabay 19 ka mid ah dhalinyarada Somaliland oo Haatuf ka shaqayn jiray.