Xuska Soomaaliga“Horta Xuskii hore ee Afka Somaliga ee ka Dhacay Djibouti, Madaxweyne Siilaanyo isagoo maxay metelaya ayuu ka qaybgalay? Illeyn Akademiyadda Afka Somaligu waxay ka kooban tahay Afar Degmo oo kala ah Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya”
Maanta waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeisa si talantaalli ah uga dhacay xuska Afka Soomaaliga, labada magaaloba isku taariikh ayay xusayeen isku hal shay, aynu ku horrayno magaalada Muqdisho waxaa xafladdii Xuska ka qayb-galay Madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Djibouti, waxay dhagaxdhigeen xarunta Akademiyadda Afka Somaliga oo u dhexeysa bulshada ku hadasha afka Somaliga oo ka kooban afar Dawladood, Somalia, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inay kala duwan tahay Akademiyaddii hore ee ay lahayd Somalia oo taasi ay gaar u tahay dalkiisa hase ahaatee Akademiyaddan cusubi ay kulmin doonto Afar Soomaaliyeed, waxaana Madaweyne Xasan Sheekh uu gacanta ku fiiqay boodhka ay ku xardhan yihiin afartaas dal oo kala ah Somalia, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Aynu xasuusta dib u celino, mar hore kulan ka dhacay dalka Djibouti oo lagu daahfurayey Akademiyadda Horumarinta Afka Soomaaliga waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo martigelinayey, xilligaas sawirka la bixinayey waxay ahayd in Akademiyaddu dhex u tahay shantii Soomaaliyeed.
Haddaba su’aasha u baahan jawaabta ayaa ah, Madaxweyne Siilaanyo Kulankaas isaga oo ayo metelaya ayuu ka qaybgalay, ma maamul goboleed Somalia hoostaga, oo wuu innaga qarinayey, mise isaga oo Somaliland metelaya oo dib ayaa wax laga bedelay.

Haddii aynu jawaabta dambe qaadano, maxay xukuumaddu xilligan uga hadli weyday?
Waxaan isku qanciyey maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda Af wax cunay Xishoo oo Wasiirada ku safra Baasaboorka Djibouti eek a tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa u habranaya danaha ay ka leeyihiin dalka Djibouti.
Waa runtood inay u habradaan sababtoo ah ma haystaan wax kale oo ay ku safraan, markaa tolow dalkan yaa u maqan? Ka soo qaad maanta waxaa la innaga iibiyey Afar Soomaaliyeed ayaa jira, ka soo qaar berrina waxaa laga doodi doonaa in wax Somaliland la odhan jiray ay jirtay.

Nin baa laga hayaa in la I iibsho maan diidin ee qiimaha lay siiyey Ayaan diiday.
Muuse Daahir

muusedaahir2015@gmail.com

Toronto, Canada