Baashe X xasan
Sax ma aha ayaan dareemayaa in SNM magaceedii maanta na mar kale laga dhigto maqaarsaar lagu galo ololeyaal doorasho, oo cid gaar ah lagu siiyo xuquuq gaar ah, cid kalena lagaga deedafeeyo xuquuq iyo xaq ay leedahay oo dastuuri ah.
SNM iyo halgamayaashii ka midka ahaa waxa ay soo guteen waajibkoodii. Midhihii halgankeeda ka dhashay waa Somaliland, oo ay wadaagayaan xoogaggii SNM taabacsanaa iyo xoogaggii ka horjeeday ama dhexda ba ka ahaa.
Somaliland waxa wada yagleelay labadaas xoog oo in ay xuquuq iyo xaq siman oo muwaaddinnimo yeeshaan isku afgartay oo dastuur iyo shuruuc taas ku xardhay, hoosta na ka xarriiqay heshiis wax wada wadaag.
Dastuurka Somaliland waxa uu xuquuq iyo xaq gudboon u dammaanaqaadayaa agoontii SNM iyo agoontii ay SNM dishay aabbayaashood.
Sidaas awgeed, ayaanay sax ugu muuqan karin in lagu doodo in hebello SNM ahaa sida anniga oo kale Maxamed Baashe ahaan la siiyo xaq iyo xuquuq aan kaga sadbursanayo kii aan weligii SNM noqon ama ka ba horjeeday ee aannu maanta calanka Somaliland wada hadhsanayno ee uu naga dhexeeyo, annaga oo laba muwaaddin ah.
Aragtida SNM-ayntu waa dib u noqosho iyo dib u socod aan waxtar lahayn oo ma dhalays ah.
SNM waa taariikh mudan ixtiraam iyo kaydin si wax looga barto saxnaan iyo khaladkeedii ba, ma se noqon karto hal-ku-dheg siyaasadeed oo soo noolaada, oo boodhka laga tuntumo xilliyada doorasho soo fool yeelato. SNM Ma noqon karto kaadh markii olole doorasheed soo dhowaado ba jeebka laga la soo baxo oo dadka lagu beerlaxawsado, si taageero loogu helo.
Mujaahid hebel muxuu mujaahidnimadiisii uu SNM ku ahaa oo keliya ugu soo kordhinayaa maanta Somaliland 25 sannadood ka dib, oo aannu keeni karin mid aan weligii ba noqon SNM oo Somaliland maanta ka mid ah, una diyaar ah inuu daacadnimo iyo xilkasnimo ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa, oo aqoontiisa iyo kartidiisa wax ugu qabto?
Ma SNM muu ahayn baa nuqsaan iyo liidnimo ah?!
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaheenna haddu ba, saw SNM ma ahayn, dee muu burhaantiisa mujaahidnimo, SNM-nimo innagu barwaaqeeyo?! Illayn is ba shalay waa kii sidaas ku olole galaye!
Yaynaan dadka waddo qardajeex ah oo qodxaan badan u horseedin.
SNM ma aha qorshe iyo barnaamij doorasheed ee waa magac taariikheed. Nin kasta oo xil ummadda ka doonaya oo magacaas maqaarsaartaa, waxa aad ogaataan in aanu wax ba Somaliland u soo wadin, waayo waxa aanu hayn baa la odhan karaa qorshe iyo barnaamij siyaasi ah oo uu dadka ka iibiyo, si loo taageero, oo taas baa keenaysa inuu isla soo mutuxo halqabsi aan wax ba gudihiisa ku jirin.
SNM magaceeda ha looga tudho ololayaasha siyaasadeed iyo awr-ku-kacsiga ku-meel-gaadhka ah.
Noo keena aan idin taageerno’e qorshe iyo barnaamij ka dhex muuqda sida muraayadda quluubtiinna, laabihiinna, dhaqankiinna, ficilooyinkiinna, garaadkiinna, hadalkiinna, khudbadihiinna, doodihiinna, socodkiinna, fadhigiinna, sarajooggiinna, riyadiinna, khuuradiinna iwm.
Haddii kale cuskashada magaca SNM iyo ku eerashada reeraha badda kula dhaca kollay ba inta badani idinka ma iibsanayso maanta eh!
Dadku maaha kii hee
damdamtiyo mashxaraddiyo
Ku burburay durbaannada,
Ka il-baxe duruustaas!
DHAMMAAD.