qoraal
24-kii January 2015-ka ayuu madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud( Siilaanyo) dhagax dhigey wadooyin dherer koodu dhanyahay 8000 oo Mitir, oo ah wadooyinka casriga ee loo yaqaan asfalka, maalintaa la dhagax dhigayey wuxuu balan qaaday duqa degmada Berbera ahna gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera mudane C/shukuur Maxamuud Xassan (Cidin) in wadooyinkan ay ku dhamayn doonaan muddo ku siman ugu badnaan soddon maalmood, su’aashu waxa ay tahay mudane Cidin ma ka run sheegay balan qaadkii uu maalinkaas umadda iyo maaxweynahaba ka hor sameeyey.
jawaabtu iyada oo aan wakhti baddan inagaga bixin waa ‘Haa’ 24/02/2015-ka ayuu madaxweyne siilaanyo xadhiga ka jaray mar kale isaga muddo bil gudeheed ah safar shaqo ku jooga Berbera. waddadan sidda la sheegay waxa ku baxay adduun malyuun doolar ka baddan. Arinta xiisaha leh, dadkana soo wada jiidatay daahana ka rogtay kartida duqa degmada Berbera iyo hawl wadeenadiisa ayaa ah muddada kooban ee lagu dhamaystiray waddadan, waa talaabo ku dhiirasho,go’aan adayg ka muuqdo, go’aanka adagi wax ma taro marka arin murugsani jirto uun, inaad shaqo qurux baddan oo muddo kooban aad ku qabato iyada oo xoolaha ku baxayaana ay badanyihiin waxa ay u baahan tahay go’aan adayg,karti iyo calool adkaan sidda mudane Cidin oo kale.
Waxa iyana yadiidlo gelinaysa bulshada magaalada Berbera iyo dadkii soo doortay golaha deegaankaba in dhammaan adduunka ku baxay waddadan ee qadarkiisa aynu kor ku soo xusnay dhammaantii ay bixisay D/hoose ee Berbera, mana jirto cid ka caawisay ee waa cashuurtii dad weynaha oo dib ugu noqotay. Intaas uun kuma koobna wax qabadka ay degmada Berbera ka wado magaalada Berbera waxa xusid mudan in dhismohoodu socdo 4 garoon xaafadeed oo kubada cagta ah dhismohoodu uu socdo, waxa bisha march iyana bilaabmaya qaybtii labaad ee rugta kutubta Berbera oo ah dhisme casriya oo ka kooban 2 dabaq. Isku soo wada duubo halkan kuma soo wada koobi karno mashaariicahaa socda ama dhamaaday, lakiin qalinka waxa aan u holaday uun wadoonyinkan.

Haddaba shacbiga Berbera maxaa la gudboon. waxa la gudboon
1. In ay ilaashadaan wadooyinkan kana ilaaliyaan waxyaabaha cadawga u ah bilicda wadooyinka oo ay ka mid yihiin, biyaha lagu daadiyo, xashiishka, ciida IWM.
2. In muwaadin kastaa uu bixiyo cashuurta ku waa jibtey, si horumarka qorshaha ugu jira maamulka D/hoose ee degmada Berbera ay halkaas uga sii wadaan.
3. In lagu taageero maamulka looguna duceeyo wixii horumar u ah bulshada ee ay wadaan, wixii ka qaldamana loo nasteexeyo taladana aan lagala bakhaylin.

Guul Iyo Gobanimo
Qalinkii. Mohamoud M.Jama
Berbera,S/land.