Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sun, Jun 14th, 2015

Somaliland: Dooddii Xukuumadda iyo Xisbiyada

Mahamed SulemanW/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Telefishanka Star waxa uu dhowaan dood u qabtay dhinacyada ku loollamaya siyaasadda Somaliland. Dooddaas oo ahayd mid aad u xiise badan, waxa xukuumadda u metalayay Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, halka xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani na ay uga qaybgaleen Md. Cali Maxamed Yuusuf “Cali-Guray” iyo Md. Maxamed Nuur Carraale “Duur”. Waxa kale oo doodda ka qaybgalay Md. Cabdiqaadir Maxamed Indho-Indho oo ka tirsan golaha guurtida. Halkan waxaynnu ku lafoguri doonnaa dooddii xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Guud ahaan dooddu waxay ahayd mid xiise badan oo jewi deggan ku ibofuratay. Waxa loo dooday si bisayl badani ka muuqdo. Rag qaangaadh ah oo waxyaabo badan ka koray, waxyaabo badan oo kale na iska dhawraya ayaa ku kulmay. Sidii looga bartay doodaha dhiggeeda ah, ma jirin ku jiq sii iyo muran yooyootan u eg. Dhinacyadu may ahayn kuwo mar kasta difaac ku kala jira. Waxa ka muuqday garawshiiyo iyo isku caqlicelin. Wixii daw ah waa la isku qirayay, dhinac walibana wuxuu u muuqday mid gartiisa akhrisan kara. Iyada oo ay sidaa tahay, haddana waxba la iskulama hadhin, waxba la iskuma hambayn.

Jilayaasha Doodda

Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka mid yahay xubnaha loogu hadalhaynta badan yahay ee golaha wasiirrada. Waxa uu sidoo kale ka mid yahay xubno lagu eedeeyo inay talada dalka ka xigsadaan xubnaha golaha kula jira. Waxa lagu xantaa inuu ka mid yahay wasiirrada aan dhicin ee Madaxweyne Siilaanyo. Mararka qaarkood waxa lagu tilmaamaa hormuudka wasiirrada ugu awoodda badan. Waxa sidoo kale lagu sheekaystaa inuu talada madaxweynaha wax badan ku leeyahay. Waxa uu ka mid yahay dad la sheego inay awoodda madaxweynaha ku shaqaystaan.

Wasiir Xaashi isaga oo ah ninka waxaas oo eedo iyo tuhunno ah laga fidiyay, way fiicnayd inuu ku dhiirraday inuu si furan (public) u soo hor fadhiisto afyahanno ku takhasusay ilaynta goldaloolooyinka maamulka uu wasiirka ka yahay. Taas ayuu markan kaga duwan yahay wasiirrada la midka ah oo aan badiba ku dhiirran inay dhegaystaan aragtiyaha tooda ku liddiga ah ama ay ugu yaraan yimaaddaan fagaare iimahooda lagu lafogurayo. Wuxu muujiyay kalsooni uu ku qabo naftiisa iyo waxqabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay labadaba. Taasi kollayba maaha wax inta badan Somaliland ka dhaca.

Cali Maxamed Yuusuf “Cali-Guray” waxa uu doodda uga qaybgalay xisbiga UCID oo uu guddoomiye ku-xigeen ugu magacaaban yahay. Cali-Guray oo hore uga tirsanaan jiray dagaalyahannadii jabhaddii S.N.M. waxa la sheegaa inuu yahay aftahan aad u dhiirran, aad u hadallo cadcad, oo aan gabbashada aqoonnin. Bogga uu Faysbuugga ku leeyahay waxa uu ku qortay ‘Runsheeg’. Ma garan karo in Runsheeg ay tahay naanays uu isagu la baxay ama ay u bixiyeen dad isaga taabacsani. Waxa uu se ka mid yahay xubnaha sida joogtada u dhalliila maamulka Siilaanyo.

Si taa la mid ah, Maxamed Nuur Carraale “Duur” waa aftahan aan la yaraysan karin oo hadalladiisu dadka soo jiitaan. Ka hor intii aanu xisbiga Waddani ku biirin, waxa uu wasiir ka noqday xukuumadda Siilaanyo oo uu kaga soo biiray golaha wakiillada oo uu lix sanno ka tirsanaa. Muddadii uu xildhibaanka ahaa ayay dadku aad u barteen, waxaana xusuus mudan doodihii xamaasadda lahaa ee uu golaha ka gali jiray. Laakiin doodda Star Tv uma hadallo caddaan karo, umana dhiirranaan karo sida Cali-Guray, sababo dhawr ah awgood. Sababahaa waxa ugu mudan in sannad uun laga joogo markii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan xukuumadda. Intii uu xukuumadda Kulmiye ka tirsanaa waxa uu ka mid ahaa wasiirrada loogu neceb yahay dhinaca dadweynaha. Nacaybkaasi waxa uu ka soo jeeday sidii uu wasiirku awoodda dawladnimada shacabka ugu adeegsan jiray. Ka mid ahaanshaha Duur ee dooddu waxa ay fursad u ahayd wasiir Xaashi, maxaa yeelay, Duur xukuumaddii uu shalay ka tirsanaa ma ceebayn karo, eed kasta oo uu dusha ka saaraana waxay dhadhamaysaa cadho ka kacday xilkii wasiirnimo ee laga qaaday. Nin xil waayay eed keen.

NUXURKA DOODDA

Lafagurka nuxurka doodda, waxaynnu ku soo koobaynaa laba qodob: maxaa isku aragti laga noqday, maxaa se lagu kala fikrad duwanaaday? Isku soo minguurinta qodobbadan waxaynnu ku salaynaynaa mawaadiicdii ugu mudnaa ee doodda xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah.

ISKU ARAGTI

Waxqabadka Xukuumadda: Guud ahaan, waxay dhinacyadu isla qireen in xukuumadda Siilaanyo waxqabad badan samaysay muddadii ay xilka haysay. Waxa la xusay inay xagga horumarka iyo dhismaha dalka – kaabayaasha dhaqaalaha; waddooyinka, madaarrada i.w.m. – kaga wanaagsan tahay maamulladii hore. Waxa sidoo kale la carrabaabay horumarka dhismayaasha xafiisyada dawladda. Waxa sidoo kale la isla qiray in aanay xukuumaddu qabannin wax kasta oo ay ahayd inay qabato.

Shakhsiyadda Madaxweynaha: Dhinacyada doodda wadaagayay, siiba labada xisbi mucaarad, waxay si fiican ugu nuuxnuuxsadeen shakhsiyadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ku sifeeyeen qof aad u wanaagsan, samaha jecel oo horumarinta dalka iyo dadkaba daacad ka ah. Haddii Madaxweyne Siilaanyo

Dibudhaca Doorashada: Waxa la wada xusay in qaddiyadda doorashadu ahayd tajribad adag oo muhiimaddeeda leh. In Doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday iyo inay dib u dhac ku yimid ayaa loo arkay mid sidoo kale ka turjumi karta dibudhac qaran.

UCID iyo Heshiis Qaran: Waxa kale oo la isla qaatay in Xisbiga UCID dalka ka badbaadiyay qalaanqal siyaasadeed iyo saamayn dibadeed oo ka dhalan karaysay muddo kordhintii golaha guurtida. Dhinacyadu waxay isla qireen in UCID horseed ka ahaa dedaalladii lagu suurtogaliyay heshiiskii saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjari lahaa khilaafaadkii korodhsiimada ka dhashay.

KALA ARAGTI

Qaanuunka iyo Qofka: In Xukuumadda Siilaanyo sharciga ku dhaqanto ayaa lagu kala fikrad duwanaa. Cali Guray waxa uu ku dooday in xukuumaddani sharcigii baabiisay oo qofka iyo qoladu ka sarreeyaan sharciga. Duur ayaa isaguna aragtidaa u bogay. Waxa kale oo ay labadooduba xukuumadda ku eedeeyeen inay kobcisay dareenka qabaliga ah iyo kala-qaybsanaanta bulsheed. In qof, qofaf ama qoys ama xubno ardaaga madaxweynaha ahi awoodo gaar ah dalka ku leeyihiin ayay si teelteel ah isaga daba mareen. Waxa kale oo ay taabteen dareenka qabyaaladeed ee laga urin karo xilkaqaadis-la’aanta madaxweynaha ee wasiirrada beeshiisa. Laakiin Wasiir Xaashi waxa uu ku dooday in Xukuumaddiisu si gaar ah u ilaaliso qaanuunka, isla-xisaabtanka, haybadda maamulka dawliga ah, isla markaasna tallaabooyinkeeda sharciga ku dhereriso. Waxa uu si gaar ah ugu nastay inay xeerar badan abuureen, golayaasha sharcidejintana u gudbiyeen iyo inay sidoo kale xisaabxidh sannadeed oo miisaaniyadda dawladda ah la wadaagaan golaha Wakiillada, taasoo – sida uu hadalka u dhigay – aan maamulladii ka horreeyay kula tartami karin. Waxa kale oo uu ku dooday inaan xukuumaddiisu abuurin qabyaaladda ee ay tahay wax ku abuuran dadka oo tan iyo aasaaskii Jamhuuriyadda isa soo taraysay.

Eedda muddo-kordhinta: Eedda muddo-kordhinta waa la isku tuurtuuray. Wasiir Xaashi waxa uu ku dooday in doorashadu tahay xil wadareed, eeddeedana la wada leeyahay. Waxa uu intaa raaciyay in xisbiga Waddani jilaafeeyay in doorashadu xilligeedii ku qabsoonto, iyaga oo adeegsanaya awoodaha Cirro ee hoggaaminta golaha hoose ee sharcidejinta. Laakiin Duur iyo Cali-Guray taa lama qabaan wasiirka, waxaanay sheegeen in qabashada doorashadu tahay masuuliyadda madaxweynaha. Waxa kale oo ay ku doodeen in madaxweynuhu jeclaa inuu doorashada xilligeedii ku qabto, laakiin xubno Wasiirro ah oo dano gaar ah lihi ku dudduuceen in muddada loo kordhiyo. Cali-Guray waxa uu si gaar ah guurtida iyo guddoomiyaheeda ugu eedeeyay muddo-kordhinta iyo xuddunta khilaafka ka taagan cayimaadda wakhtiga doorashooyinka.

Xulashada Siilaanyo: Wanaagga ama wanaag la’aanta dadka ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo la iskuma raacin. Cali-Guray iyo Duur waxay ku doodeen in ay Madaxweynaha ku xeeran yihiin xubno aan dan ka lahayn ilaalinta sumcaddiisa iyo taariikhda fiican ee uu leeyahay, bal se leh dano hungurigu hago. Laakiin, wasiir Maxamuud ayaa ku dooday in qofka wanaagsani xusho dad wanaagsan, sidaas darteedna aanay suurtogal ahayn in Madaxweyne Siilaanyo – oo Guray iyo Duur ku sheegeen qof wanaagsan oo samotalis ah – isku xeero dad xunxun oo aan dalka u shidhaynayn. Waxa uu intaa ku ladhay: “Taariikhda ayaa xusi doonta kaaliyayaasha Madaxweyne Siilaanyo inay yihiin dad xun ama dad wanaagsan, shacabkuna waa markhaati.”

Doorashada iyo Caalamka: Mucaaradku waxay iska daba mareen inay hoos u dhacday aragtidii wacnayd ee caalamku ka qabay Somaliland. Laakiin wasiirku taa wuu ka soo horjeestay, waxaanu ku dooday in Somaliland qaddiyaddeedu isku fidisay meelo badan oo aanay hore u gaadhi jirin. Wuxu se qiray in adduunku werwer ka muujiyay doorashooyinka Somaliland.

GUNAANAD

Badiba doodaheennu kuma salaysna aragti aqooneed oo inta la qoro, timaaddada la tixraaci karo. Sidoodaba uma samaysna inay dhaliyaan maxsuul loo aayo. Ma aha kuwo ku jihaysan baadhitaanka iyo deraasaynta mashkilado mujtamac, dhaqan, dhaqaale ama siyaasadeed. Weydiimuhu ma aha kuwo dhisan oo baadidoon ku sal leh. Jawaabuhuna waa la mid oo waxa haga weydiimahaa aan abbaarta sugan lahayn. Ujeeddo aan ka ahayn in la hadlo looma sameeyo. Waa la hadlaa, la hadlaa, la hadlaa… dabadeetana hadalkii ayuun bay dadku maalmo ka sii hadlaan, oo ka sii sheekaystaan. Ilaa iyo hadda, inay sidan doodaheennu ahaadaan cidina kuma eedaysna. Waxaynnu nahay bulshadii hadalka (oral society).

Aqoon ahaan se, doodda macnaha lihi waa inay qeexan tahay, ka hadlayso mashkilad qeexan, soo saarayso natiijo qeexan oo hannaan qeexan loo dhigay. Tan oo lagu daray inay hannaan habaysan oo la hormeeyay u dhigan tahay ayaa keeni karta inay noqoto mid si fiican looga faa’iidaysan karo. Waa inay si cayiman uga hadlaysaa dhibaato jirta, cayiman, oo la isla yaqaanno. Waa inay ka duushaa baadidoonka sababaha keenay mushkilad gaar ah iyo baaxadda saamaynteeda ay ku leedahay laamo cayiman oo dhibtaasi la xidhiidho. Waxa kale oo ay ka hadli kartaa saamaynta ay xaaladi xaalad kale ku leedahay ama doorarka kala duwan ee laba xaaladood iyo wixii ka badani isku biirin karaan ama iska dhimi karaan. Waa in la ogaado haddii mawduucan hore looga hadlay, sida looga hadlay, gol daloolooyinka u baahan in laga hadlo iyo sida qaabka looga hadlay u dhaliyay ama aanu u dhalinnin natiijo la mahadiyay ama aan la mahadin. Sidoo kale waxa u baahan in la hubiyo sida looga hadli karo xaaladdaas haddii aan hore looga hadal, iyada oo la waafajinayo waaqaca, qiyamka, anshaxa, qabitaannada, diinta iyo muqaddasaatka bulshada ay khusayso.

Dooddani may ahayn mid abbaaraysa dhacdo goonni ah ama mawduuc cayiman. La’aanta ujeeddo sugan ayaa doodda ka dhigaysay wax jaantaa rogan ah oo iska hor iyo daba imanaya. Waxay ka dhigaysay ujeeddo-badan marba meel afka saaraysa oo aan lahayn majiire sugan oo ay raacdo. Doodaha caynkaa ahi badiba ma keenaan natiijo xaddidan ee waxay dhalaan maxsuul baahsan oo ay adag tahay in la rogrogo iyo in deraasad mustaqbal looga faa’iidaysto. Sidan ayaa loo bartay, la arkay, lana qabatimay. Markaa waxba kuma jabna haddii xujooyinka aqooneed ee kor ku sheegan lagaga baxsado qiilka jaban ee odhanaya: fursaddan yaan lagu luminnin mawduuc cayiman oo ku aaddan xaalad cayiman oo laga eegayo xagal cayiman ee ha looga wada faa’iidaysto dhammaan xaaladaha jira ama jiray, iyo boogaha u baahan in la damqo.

Waxaan bogaadinayaa wariye Xamse Cali Bulbul oo ku dedaalay inuu si dhexdhexaadnimo ka muuqato doodda u hago. Waxa kale oo aan xusayaa Telefishanka Star oo dooddan inoo soo tebiyay.

Maxamed Saleebaan Cumar

Email: halabuur@hotmail.com

Facebook: Mohammed Suleiman

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp