Hani Duniyo Asad ayaa farriintan inala wadaagatay.

Magacaygu waa Hani Asad Daahir, dhawaan ayaan isku arkay caalamadaha #Covid19, waxaan isku arkay Qufac, xumad iyo neef-qabatoow, saa’id ah, waxaan la xidhiidhay telefoonka Heeganka waana layga qaban waayey.

Markaa Kadib wiil ayaa i caawiyey oo usoo sheegay wuxuu igu yidhi, “dawooyin baan message kuugu soo dirayaaye isticmaal, haddaad ku ladnaan waydo igu soo celi”, dawooyinkii baa laysoo iibiyay, waan ku ladnaan waayay, naqaskii baa aad ii qabtay, kadibna telefoonkii ayaan dib u garaacanay maqribkii ilaa dhawr jeer markii nalaga qaban waayay anna naqaskii i qabtay, ayay xaafaddu go’aansatay in lay qaado oo dhakhtarka lay geeyo.

Annagoo dhexda ku sii jirna ayaa telefoonkii nalaga qabtay, waxaana naloo sheegay in Dhakhtarka Wayn (Hargeisa Group Hospital) lay keeno, kadibna dhakhtarkiibaan sidaa ku tagay, qaybta Emergency-ga, markii aan galnay ma jirin adeeg caafimaad oo degdeg ah oo lay fidiyay, waxaana laysoo dhaweeyay qaybta Emergency-ga oo ay joogaan dad xanuuno kala duwan qaba, halkii ay ahayd in goob gaar ah laygu eego, waxoogaa markaan goobtii fadhiyay ee sariir bannaan lay waayay, ayaan wiil dhakhtarka ka shaqeeya oo ay xaafaddayada macaariif yihiin ii shaqeeyay iina gudbiyay Qololka Danbe ee Dhakhtarka (Qaybta Payment-ka).

Halkii ayaa lay dhigay, walaashay oo ila socotay ayaa la yidhi iyada ayaa ku haynaysa, waxaana laygu rakibay Oxygen.

Walaashay lama siin wax ka hortag ah oo qalab ah maadaama ay iyadu i haynayso, xitaa Mask iyo Golf’s ha u yaraadaane, Anigayga Bukaanka ah xattaa layma siin.

Walaashay Nimco Asad, waxay suuqa nooga doontay Mask iyo Golf’s oo halkii mask qiimo ahaan yahay wax ku dhaw $1.

Ma jirin gargaar lay qabtay, xumaddii oo iga yara dejiyey mooyee qufaacii iyo neefqabatoowgii wali waan dareemayay.
Xalay gabadhii neerasta ahayd waxay Ilawday inay isiiso dawadii aan qaadanayey Walaashay ayaa dhawr jeer xafiiska tagtay waanay weydey
Ana waxaan dareemayey xanuun Saacad iyo badh kabacdi waxay isiisay Nimco Dawadii
Oo ay igasiisay kaanoolihii aan xidhnaa
Markii aan dawadii qaatay saacad kabacdi ayey iitimi oo gabadhii Nurse-ta ahayd i weydiisay dawadii waanan u sheegay in aanu weynay dhamaantood oo qaadanay dawadii.

Shiftgii ayey soo galeen qoladii kale, Wuu isoo maray kadib wuxuu i yidhi,
Dawo ayaan kuu qorayaa haye ayaan ku idhi, Xafiiskiisii ayuu ku noqday waanuu ilaabay inuu iikeeno dawadii isna oo sidii ayuu saaka waagu ku baryay.

Meesha ma joogaan Cid nadaafada ka shaqeysaa, waxaanu xaafada ka dalbanay Masaxaad iyo baaldi iyo iskoobe aanu iskaga nadiifino.

Saaka subaxnimaddii ayaan Wiil kamid ah Nurse-ta meesha ka shaqaynayay walaashay ka codsatay in uu Sariirta ii hagaajiyo, Cay iyo Aflagaado ayuu ugu jawaabay , Aniga ayà u kacay oo soo xareeyey nimco
Waliba iyada oo ooyeysa, oo ka ooyeysa Xaalka meesha iyo daryeel la’aanta waliba Kibirku la socdo, Waxaanan u sheegay in Innaku aynu ubaahanahay oo aan iskaga dul qaadano inta uu Xaalkaygu dhinac uun u dhacayo oo soo baxayso jawaabtu, Ayuu Si Cad noo dhahay naa Baxa oo na dhaafa.

Ugu danbayn.Markii aan waayay adeeg caafimaad oo lay qabtay aan ka ahayn Oxygen-taas, markii aan waayay Qalab aniga lay siiyo oo aan isku ilaaliyo, ama walaashay oo i haynaysay la siiyo, markii Nurse-ta meesha joogtaa si fiican noola dhaqmi wayday, ee cay iyo afladaago lay raaciyay, dhakhtarkii waan iskaga soo baxay, hadda qolkaygii ayaan Alle ku sugayaa.

Waxaa layga qaaday baadhis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-May-2020, wali waan sugayaa jawaabtayda. sidaa darteed ii soo duceeya walaalayaal. Ilaahay ayuunbaa inoo maqan