“Djibouti laga yeelli maayo aan noolaado oo igu ag-dhimo, Somaliland-na haka gudubto Beerka jecli xaydha jecli..”

 

Saleebaan Kalshaale

Hargeysa-Jamhuuriyaddaha Somaliland iyo Djibouti, waa laba dal, Dawladdood, deegaan oo jaar, dhaqan iyo Af-wadaag ah.
Hase ahaatee, maaha laba dal oo isku dan ah oo wadaagg arragti qudha oo ku wajahan masaaliixda u gaarka ah ee Siyaasaddeed, Dhaqaale iyo nabad-gelyo, inkasta oo marka laga hadlayo xagga nabad-gelyada muhiim ay u tahay labada dhinacba inay ka yeeshaan Iskaashi qoto dheer la-dagaalanka khataraha amniga saameeya oo dhan lagaga hortegayo, sida Budhcad-baddeeda, Argagixisada iyo degennaanshiyaha soohdinta u dhaxaysa.
Siyaasadda
Dhanka siyaasadda labadan Jamhuuriyaddood, waxa u dhexeeya farqi weyn oo lagu tilmaami karo inaanay isla jaan-qaadi Karin wakhti dhow, isku soo dhawaanshiyo ay sameeyaanna ku xidhan yahay hadba sida ay Dawladda Djibouti u aragto qadiyada madaxbanaanida Somaliland.
Waayo? Dawladda Djibouti uma aqoonsana Somaliland dawlad ka madaxbanaan Soomaaliyadii ay iyadu ka badbaaday in lagu daro markii ay xoriyada ka qaadatay Faransiiska, balse waxa jirta inyar oo debecsanaan ah oo ay kula macaamisho hogaamiyeyaasha iyo qaybo kamida Bulshada Somaliland, taasoo iminka isu bedeshay fal-gal taban oo siyaasaddeed oo Xukuumadda Djibouti ku beeratay gudaha Somaliland, iyadoo uga faa’idaysanaysa ilaalinta danaheeda khaaska ah (Dan-jireyaal qarsoon oo laba dhalasho haysta), kuwa ay isticmaalaysaana waa Siyaasiyiinta iyo hormuudka Somaliland qayb kamida.
Sidaasoo ay tahay, Inta badan Bulshada Somaliland way ka dheregsan yihiin halka ay Dawladda Djibouti ka joogto madaxbanaanidooda Qarannimo, waana arrin calaamatu su’aal saarnayd rubuc-qarni oo ay ku garaadaysteen aqoonyahanka iyo hormuudka iminka madaxa la galay hogaaminta Maamulka Dawladdu.
Haddana Shacbiga iyo madaxda Somaliland kuma canaantaan hiil iyo hoo wixii ay ka hagratay Djibouti, waxaanay u arkaan Dad, dal iyo Dawlad walaallahooda oo aanay kala maarmi Karin, taasina waa hal-xidhaale reer Jibouti horyaalla oo la sugayo aminta ay ka ka jawaabayaan, wayna dhici kartaa inay nabsi ka dhaxasho mustaqbalka dhow.
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Dhaqaalaha iyo Ganacsigu waa arrimaha udub-dhexaadka gulufka colaaddeed iyo xilfatanka Siyaasaddeed ee caalamka ka socda . Ma jiraan laba dal oo dunida kamida oo heshiis rasmiya ku ah masaalliixdooda dhaqaale iyo Ganacsi. Arrimaha lagu kala tagsan yahay waxa kamida helida Maal-gashiyada, dhoofinta Badeecadaha iyo wax soo saarka Wershadaha.
Tusaale ahaan, hirdanka ka dhexeeya Shiinaha iyo Dawladdaha reer Galbeedku iminka Qaarada Afrika wuxuu marayaa halkii ugu saraysay, waxaannu toos ula fal-gashan yahay siyaasaddaha dalalkaasi ee Khaarajiga.
Ingiriiska iyo Maraykanku isku dan kama aha Bariga dhexe iyo Afrika, haddana waa laba dawladdood oo wadaaga mabaadi’da guud ee ay ku waajahayaan dhibaatooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada u sahlaya inay faro-gelin ku sameeyaan wadamada ay ka leeyihiin qorsheyaasha dahsoon ee Dhaqaale iyo Ganacsi ku salaysan.
Sidoo kale Sucuudiga iyo Dal Imaraadku, iyagoo ah laba dal iyo dawladdood oo carbeed midna midka kale ugama fasax qaato, la-tashina kalama yeesho xidhiidhka Ganacsi iyo Maal-gashi ee ay la leeyihiin Dawladdaha reer Galbeedka.
Tusaaleyaashaas guud ee kooban, waxaan u soo qaatay inaan fahamno sida aanay isku danta uga ahayn arrimaha Dhaqaalaha xullafooyinka Siyaasaddeed ee caalamka iyo duwalka deegaan-wadaagta ahi, sababtuna waxay tahay dal waliba wuxuu raadinayaa fursad aanu haysan kan kale iyo inuu saylad u noqdo illo Ganacsi oo adduunka ku faafa.
Sidaas-darteed, Somaliland iyo Djibouti oo ah labada Wadan ee aynu kor ku sheegnay xidhiidhkooda Siyaasaddeed iyo Dhaqan, ma noqon karaan laba Dal oo dan qudha ka leh cilaaqaadka Ganacsi iyo Dhaqaale ee ay adduunka la yeelanayaan?. Jawaabtu waa Maya, laakiinse iyaga waxa dhexeeya oo ay yeellan karaan xidhiidh Ganacsi iyo Iskaashi dhaqaale oo shuruuc iyo heshiisyo adag ku dhisan, taasoo ka yeellanayaan ama wakhtigan ka leeyihiin is-dhaafsiga Baddeecadaha iyo Maal-gashiyada Wershadaha wax-soo-saarka iyo wixii la mida.
Sidaas marka ay tahay, dhawaan waxa heshiis saddex geesooda qallinka ku duugay Dawladdaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda Carbeed ee DP World. Heshiiskaas ayaa waxa ujeedkiisu yahay Maal-gelinta Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay saddexda dhinacba Shuraako ku yihiin, mid waliba saami leeyahay.
Maal-gelinta Dekedda Berbera ee ay saddexda dhinac ku heshiiyeen waa fursad muhiim ah oo uu Dalka Somaliland helay. Mar labaadka waxa uu dan u yahay oo ka faa’idaysanaya dalka Itoobiya oo aan lahayn Bad uu wax kala soo dego. Mar saddexaadka Shirkadda qaybta ugu weyn Mashruucan ayaa faa’ido dhaqaale oo dhinacyo kala duwan leh ka helaysa, waxaana muuqata inay dhamaan Maal-gashadeyaashu ka najaxi doonaan Maal-gelinta Dekedda.
Dalka Djibouti oo ay hore ula macaamishay Shirkadda DP World, waddanka Itoobiya-na uu wax kala soo deggi jiray, waxa muuqata inay dawladdu walaac ka muujisay Heshiiskan cusub ee lagu daah-furay horumarinta iyo balaadhinta Dekedda Berbera.
sababtuna waxa ay tahay laba qodob oo in la fahmo u baahan, kuwaasoo kala ah;-
1.Baqo ay ka qabto Dawladda Ismaaciil Cumar Geelle in dekedda Berbera ay naaqusto Dekeddaha Dalkeeda oo inta badan u camirnaa dalka Itoobiya.
2.qodobka labaad wuxuu yahay walaac ay ka qabto inuu fashilmo qorshe dawladda Djibouti ay ku doonaysay in dalkeedu uu noqdo buundada isku-xidha Afrikada Bari, Galbeed iyo Sayladaha Carbeed iyo gacanka cadmeed. Labadaa qodob darteed ayey Dawladda Djibouti uga biyo diidsan tahay Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera.
Helida labadan fursadood-ba waa kuwo ay Somaliland iyo, Djibouti-ba xaq u lahaayeen, hadba kii ku guulaystaana uu maali lahaa, iminkana Somaliland ayey guushu gacantooda soo gashay oo la filayaa inay rubuc-qarniga soo socda marti-geliyaan sayladda ugu weyn Geeska Afrika, taasoo isku xidhaysa Bari iyo galbeed Caalamka.
Sidaas-awgeed, Dawladda Djibouti, waxa la gudboon inaanay ku mashquulin sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka Somaliland ay ku talaabsanayso ee waxa haboon inay u diyaar-garoobaan tartan dhanka Dekeddaha ah oo dhex mara Berbera iyo Djibouti, taasoo ah arrin dan u ah labada dal iyo labada Dadyow ee jaarka ah-ba.
Gabagabadii, Djibouti laga yeelli maayo ‘aan noolaado oo igu ag-dhimo’, Somaliland-na haka gudubto ‘Beerka jecli xaydha jecli’

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/ Somaliland
Editor@gobanimonews.com