Somaliland iyo Soomaaliya:
Qoraalkani waa Cashar wax-ku-qaadasho mudan oo isku-xidhaya dareenka jiilka maanta jooga iyo dareenka jiilkii joogey 1960.
Sidoo kalena waxa uu iftiiminayaa #niyadsamida Somaliland ee soo noqnoqotay iyo khiyaamada Soomaaliya.
Bulshadda reer Somaliland waxa cashar ugu filan waayo-aragnimada taariikhiga ah, ee soo taxnayd tan iyo #midowgii_1960 iyo wada_hadaladii_2013, waxay caddeyn u tahay niyadsamida Somaliland iyo khiyaamada Soomaaliya.
Labadan dhacdo (waa tii 1960 iyo tii 2013) waxay abuureen dareen bulsho oo isku mid ah, kaas oo turjumay dareenkii midowga 1960-kii iyo dareenka khiyaamada heshiiskii 2013-kii ee hawada. Arrimaha duulista hawada ee hadda taagan waxay sii xaqiijinayaan in casharkii hore aan weli la ilaawin.
#Midowgii 1960-kii: Niyadsami fashilantay:
Somaliland, oo madaxbannaanideeda ka heshay Ingiriiska 26/Jun/1960, waxay si niyadsami leh ula midowday Soomaaliya oo iyaduna xorriyadeeda qaadatay 1/Jul/1960.
Niyadsamidaas ma aysan helin mahadnaq, mana la xaqiijin midow rasmi ah oo sharci ku dhisan. Halkii laga heli lahaa sinnaan iyo wada-shaqeyn, dadka reer Somaliland waxay si degdeg ah u garwaaqsadeen in lagu khiyaameeyay heshiiskii midowga.
Cadaadis iyo xadgudubyo gaar ah oo lagu hayay bulshada Somaliland ayaa keenay aasaaskii dhaqdhaqaaqii SNM iyo go’aankii dib ula soo laabashada madaxbannaanida Somaliland 18/May/1991.
Casharkii Cigaal iyo Rayaale:
Madaxweyne Cigaal iyo Rayaale waxay si cad u aaminsanaayeen in aan wada-hadal lala furin Soomaaliya ilaa ay Somaliland ka helayso aqoonsi ama ay Soomaaliya noqonayso dowlad cagaheeda isku taagta. Aragtidani waxay ku dhisnayd #digniin iyo ka #foojignaan khiyaamo kale.
Wadahadalkii Siilaanyo iyo khiyaamadii hawada:
Rajadii wadahadalada ayaa soo noolaatay xilligii Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo rajo laga qabo in xal loo helo aqoonsiga.
#Heshiiskii Istanbul, 2013: Waxaa lagu heshiiyay qodobo dhawra, oo uu ka mid ahaa in maamulka hawada oo ay ICAO gacanta ku hayso, lagu soo celiyo gacanta labada dhinac, si wadajir ah. Waxa la isku afgartay in wadajir loo maamulo hawada, lana furo xafiisyo Hargeysa iyo Muqdisho.
Khiyaamadii Soomaaliya: Dowladda Soomaaliya, si badheedha ayey u jabisay heshiiskaas, waxay la wareegtay maamulka hawada, iyadoo xarunta ka dhigtay Muqdisho oo kaliya. Tani waxay noqotay khiyaamo kale oo lagu jabiyay heshiiskii, waxayna caddaysay in aragtidii Madaxweyne Cigaal iyo Rayaale ay sax ahayd.
Saamaynta heshiiskii 2013 iyo cadaadiska maanta
Dowladda Soomaaliya oo si khiyaamo leh ula wareegtay hawada, waxay keentay habdhaqan maamul oo siyaasadeysan, sida nidaamka e-Visa-da, oo sababey carqalad iyo dhibaatooyin socdaal oo lagu hayo dadka reer Somaliland, gaar ahaan qurbajoogta.
#Dareenka bulshada:
Arrinta socdaalka ee maanta waxay isku xidhaysaa dareenka jiilka maanta jooga iyo kii 1961, taasoo muujinaysa in siyaasadaha Muqdisho ay sii hurinayaan colaadda iyo kala fogaanta. #Waa_ciqaab_siyaasadeed si cad loogu hayo bulshada reer Somaliland.
Labadan dhacdo (1960 & 2013) waxay si muuqata isugu xidhayaan dareenka jiilasha maanta iyo jiilashii hore ee reer Somaliland, kuwaas oo:-
= Wada dhadhamiyey in bulshada reer Somaliland dhibane u tahay habdhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliya.
Wadaagey khibrada qadhaadh ee laga dhaxlay midowgii 1960-kii iyo wadahadaladii hawada ee 2013-kii.
Garwaaqsadey in madaxbannaanidoodu tahay dariiqa kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.
#Runtii ficiladda iyo hab-dhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliya waxay shidaal u yihiin xoojinta iyo adkeysiga go’aanka ku aaddan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Guul Gobonimada_Somaliland.
W/Q. Abdirahmaan Aar.
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network


