W/Q: Cabdiraxman Yusuf Cartan

Ka Fog Xisbinimada, ka yare fog Qabyaaladda, Somaliland dib bay u faaganaysaaye, maxaa ugu wacan, maxaase ka si ah?

Aan isku dayo inaan su’aashaa ka jawaabo. Somaliland Taariikhdeeda 30-ka sano cagacagaynaysa, guuladarroyin iyo guuloba waa jireen, dagaalo sokeeye bay soo martay, Murano siyaasadeed oo ammaankeeda gilgiley bay soo martay, Laakiin marwalba guulaheeda ayaa hadhaynayey guuldarroyinkeeda.

Doorashooyinkii is-dabajoogey ee nabadgelyada ku qabsoomay imtixaan weyn oo ay ka soo gudbtay buu ahaa. Somaliland waxa caalamku ku naanaysaa, “sirtii Afrika ee ugu wacnayd ee la ilaashay (Africa’s best kept secret), mar kale waxa Somaliland lagu majiirtey inay tahay, “bartii cagaarrayd ee ku taallay lamadegaanka colaadeed” (an oasis in a desert of conflict) oo loola jeedey Geeska Afrika.

Dalal badan oo Afrika ah baa isku dayay inay waxa ka fahmaan sirta Somaliland, qoraalo tiro badan ayay khuburo ajnabi ah kaga hadleen sababaha dal aan la ictiraafin oo sabool ah, aan taclliin badani jirini uu u nabdoon yahay oo weliba dimuqraadi u yahay. Koonfurta Suudaan markay xorriyadda qaadanaysay waxa lagula taliyey inay cashar ka soo qaataan Somaliland. Koonfurta Soomaaliya, waxa lagula talin jirey, “waar Somaliland wax ka barta.”Waa sababta ay Somaliland ku kasbatay, Africa’s best kept Secret!

Maanta, miyeynu isku diidan nahay inay Somaliland dib u soo faaganayso? U malayn maayo. Haddaba xaggee bay cilladdu ku jirtaa? Maahmaah Soomaaliyeed baa leh, “Cudurka kaa dila fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Haddii aynnu cilladda meel qudha saarno, dhibtii lama abbarin.

Cilladda dib u gurashada Somaliland dhowr meelood oo kama kacdo ah bay fadhidaa, ayna ugu weyn tahay HABAC ama FADHIIDNIMO ku habsaday hay’addihii dimuqraadiga ee dalku lahaa.

Waa kuwee hay’adahaasi?

Nidaamka dimuqraadigu wuxu ku salaysan saddex dhardhaar oo isilaaliya, isna dheelitira (check and balance), kuwaas oo kala ah waaxda Fulinta oo madaxweynuhu horjooge u yahay, waaxda Sharci Dejinta (guurtida iyo wakiilada) iyo waaxda Garsoorka. Haddii mid ka mid saddexaa dhardhaar lisan iyo rifan ku yimaaddo dhergii saarnaa wuu janjeedhsanayaa. Ma been baa? Janjeedhsina waxa ku xiga waad garan!

An ku bilaabo dhardhaarka kowaad: Sharci Dejinta, maadaama aan ka tirsan ahay, wixii ceeb ay leeyihiin aan la wadaago.

1. Hay’adaha Sharci dejinta, (guurtida iyo wakiilada): waa laba aqal oo aad u muddo dhaafay, lumiyey kartidii iyo hal-abuurkii looga baahnaa. Waxay isku mashquuliyaan xeerar ay ansixiyaan kuwaas oo aanay cidina ku dhaqmin, way iloween xilalkooddii ahaa dabagalka (oversight) waaxada Fulinta iyo Garsoorka, iyo waajibkoodii ahaa wakiilnimada (representation) cidday metalayeen.

2. Waaxda Garsoorka, intii Somaliland jirtey, waxay ahaan jirtey, hay’adda ugu nugul, dulmi badanina waa dul heehaabi jirey, inkastoo beryihii danbe xaggeeda sare girifgirif aan yarayni ka muuqatay.

3. Waaxda Fulinta, waa tan saddexda ugu awoodda badan, haddii ay aqoonta iyo hal abuurka ka maqan ay la iman lahayd, waa tan keliya ee biyaha fadhiya dhaqaajin lahayd.

Xisbiyada siyaasiga ayaa ka mid ah hay’adaha astaanta u ah dimuqraadiga.

Cidda kale ee biyaha fadhiya dhaqaajin kartaa waa xisbiyada.  Nasiib darro waxay noqdeen fadhiid aan hal abuur iyo karti toona lahayn. Hoggaamiyeyaashu waxay xisbiyada u haystaan salaan kursiga lagu fuulo, siyaasddana waxay u fahmeen keliya, dhaliisha ninka kursiga ku fadhiya.

Ma jiro hoggaamiye qudha oo aragti qaran leh, mid qudha oo xitaa isku dayey inuu bulshada ka soo dabbaalo qabyaaladda barriinsatay, mid qudhoo soo bandhigay ajande uu nabadda ku adkaynayo, mid qudhoo bulshada tusi kara in siyaasaddiisu ka wanaagsan tahay tan madaxweynaha markaa talada haya. Kolkaas, xaalkeenu ma mugdi ka guur oo mugdi u guur baa? Xaalkeenu waa inuu noqdaa Wax Wacan ka Guur oo Wax ka sii Wacan u Guur.

Guntii iyo Gebgebadii:

Hay’adaha Sharci Dejinta ee Fadhiidka ah ee muddo dhaafka waa inay isbeddelaan. Xisbiyada fadhiidka ee magac-u-yaalka noqday waa in dib u habayn qoto dheer lagu sameeyaa. Waaxda Fulinta ee dugsanaysa hay’adahan fadhiidka ee halabuurka iyo kartidu ku yar yihiin waa inay fadhiga ka kacdaa.

Qiimo kasta haynagu fadhidee waa in doorashooyin qabsoomaan. Doorshooyin uu ka garnaqo Komishan xilkas oo dhex ahi. Ha la ogaado in Fadhiidnimo raagtaa ay ku xigi doonto Somaliland oo dunta!

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.