Araweelo News Network | Associated Online Agencies
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Madax-dhaqameedka, Saxaafadda, Dawladda iyo Waajibaadka Difaaca Danaha Guud
Qoraaga: Ustaad M. J. Rooble – Mujaahid
Reading Time: 7 Minute
==========……..======
Qoraalkani waxa uu ka hadlayaa masuuliyadda madax-dhaqameedka, saxaafadda iyo hay’adaha dawladda, ku-dhaqanka sharciga, ilaalinta dastuurka, nabadda iyo qarannimada Somaliland.
=====
Waxa aan isweydiin jirey su’aal odhanaysa – Cuqaasha, Salaadiinta, Boqorrada iyo Ugaasyada tiradoodu sii kordhayso maxay ka dheefayaan koofiyadda ay u tartamayaan ?.?.?.jawaabtii maanta ayay ii caddaatay.
1. Madax-dhaqameedka:-
Madax-dhaqameedku taariikh ahaan waxa uu bulshada Soomaaliyeed u lahaa door muhiim ah oo ku saabsan nabadaynta, heshiisiinta, ilaalinta dhaqanka iyo metelaadda danaha bulshada. Hase yeeshee, waxa maanta muuqda kala duwanaansho u dhexeeya laba qaybood: kuwo ay bulshadoodu kalsooni iyo wadajir ku dooratay iyo kuwo magaca dhaqanka u adeegsada dano gaar ah, dhaqaale, siyaasad iyo saamayn shakhsiyeed oo si dadban loo soo doortay.
Madax-dhaqameedku, waxa uu u kala baxay, Aragtidayda, laba qaybood oo kala ah:
* Alle yaqaan, dadka iyo dalkaba daacad u ah oo bulshada la dareen ah, xul-na u soo doorteen iyo dano qabaa’il oo ah Garabka midig.
* Kuwo la soo waaridey oo ulajeedo gaar ah, can-ka-mud iyo xeelado ku yimi oo ka fog danaha guud oo ah Garabka bidix ee dadku badi yidhaa “ koofiyad-bacle. “.
Madax-dhaqameedka qaarkood waxa ay ka soo jeedaan ururro-diimeed magacyo leh, waana xulashooyin ulajeedo wadata iyo dano wadajireed.
Haddaba, ujeeddooyinka laga raadiyo xilka madax-dhaqameedka garabka bidix, marka la falanqeeyo dhaq-dhaqaaqyada qaarkood iyo facaa’ilkooda, waxa muuqda dano kala duwan :-
* Dakhli iyo dano ganacsi.
* Saamayn iyo ku-milanka maamulka dawladda.
* Siyaasad iyo awood-raadin.
* Faanka reerka iyo hurinta qabyaaladda.
* Baad-doon iyo dheeraad, kicin bulsho iyo dano-shisheeye.
* Macaash iyo dano dadban,
* Mucaaradnimo iyo carqaladayn siyaasadeed oo la iska indho-tirayo danaha dalka iyo halgankii Qarannimo.
2. Milanka Siyaasadda iyo qaybinta:-
Waxa walaac leh marka dad aan bulshadu si wadajir ah ugu igman metelaaddeeda ay magaca qabiilka ku hadlaan, ku faanaan reer hebel, hanjabaado u jeediyaan dawladda ama ku kiciyaan bulshada khilaaf iyo iska-hor-imaadyo.
Madax-dhaqameedku waa inuu noqdaa dhexdhexaadiye, nabaddoon xisbiyada u dhex ah, mucaarid ka reeban iyo mideeye bulsho ee ma aha dhinac ka mid ah khilaafaadka iyo duminta Qaran. Danta reeruhu kama hor imanayso danta qaranka, waana in magaca dhaqanka lagu illaaliyaa wadajirka bulshada iyo jiritaanka Somaliland.
3. Masuuliyadda saxaafadda:
Saxaafaddu waa tiir muhiim u ah isla xisaabtanka, xorriyadda hadalka iyo gudbinta xogo dhab ah. Hase yeeshee, xorriyaddu waxa ay u baahan tahay aqoon, anshax iyo masuuliyad sharci.
Saxafigu waa inuu yaqaannaa xeerarka saxaafadda iyo Dastuurka, xaqiijiyaa wararka, kana fogaadaa faafinta warar aan la hubin, kicinta qabyaaladda iyo fidnada hurudda ee dhaawacaysa nabadda bulshada.
Waxa jira suxufiyiin xirfad iyo damiir leh oo danta dalka iyo dadka illaaliya iyo kuwo kamaraddu aqoon u tahay, bowsi ah. Saxaafaddu waa inay noqotaa il xog sugan ee aanay noqon madal lagu faafiyo dano gaar ah, khilaafyo iyo ujeedooyinka cadaawaha.
4. sharci-dejinta iyo dawladda:-
Waxa aan goleyaasha sharci-dejinta ku baraarujin lahaa inay dejiyaan xeerar cad oo waafaqsan Dastuurka oo qeexaya:
* Aqoonsiga, waajibaadka iyo xuduudaha masuuliyadda madax-dhaqameedka.
* Ka hortagga ku-takrifalka magaca dhaqanka iyo kicinta qabyaaladda.
* Xoojinta aqoonta, aqoonsiga, anshaxa iyo masuuliyadda Saxaafadda.
* Ilaalinta, xorriyadda hadalka iyo xuduuddiisa, sidoo kalena xuquuqda muwaadiniinta iyo isla xisaabtanka.
Dawladda iyo hay’adaha amnigu waa inay illaaliyaan nabadda iyo qarannimada, iyaga oo ku dhaqmaya sharciga, caddaaladda iyo xuquuqda dastuuriga ah oo aanay sharciga cidna laga dhaafin dembi qoorta la gashay.
5. Ilaalinta qarannimada iyo dhaxalkii halganka:-
Somaliland waxa dib-ula- soo-noqoshada xorriyaddii hore uga luntay loo soo maray naf-hurid, maal iyo dhibaatooyin badan, sidaasi darteed, waxa waajib innagu ah illaalinta qarannimada, wadajirka, nabadda iyo jiritaanka bulshada Somaliland.
Haddaanu nahay mujaahidiintii halganka u soo galay xornimadan qarannimada, ma oggolin in midhihii halganka lagu dhaawaco qabyaalad, dano gaar ah ama khilaaf siyaasadeed oo laga yaabo inay gacmo shisheeye ku jiraan, sida aynu wada ogsoon nahay cadowgeenii oo soo batay intii aynu ictiraafka helnay. Mujaahidiin badan ayaa maanta waxa ay ku jiraan duruufo adag, waxayna mudan yihiin xusuus, tixgelin iyo daryeel ee maaha iftiinkii ay shideen in la carqaladeeyo.
Gunaanad:-
Koofiyadda madax-dhaqameedku waa masuuliyad iyo kalsooni bulsho, mana aha marin lagu raadsado dhaqaale, awood siyaasadeed ama dano shakhsiyeed, saxaafadduna maaha in ay qalad iyo sax, gef iyo dembi iyo dano cadowga u adeegaya baraha-bulshada la soo fadhiistaan. xorriyad hadalka kuma jirto waxa aan doonaan ku hadlayaa ee kala garta xume iyo samaha ama dembi noqonaya.
Waxaan ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, saxaafadda, goleyaasha sharci-dejinta, xukuumadda iyo shacabkaba in ay illaaliyaan xuduudaha masuuliyaddooda iyo sharciga, kana wada shaqayno nabadda iyo qarannimada, cadowgana meel uga soo wada jeesanno.
Nuxurka guud:-
* SHARCIGU HA SHAQEEYO,
* DASTUURKU HA SARREEYO.
* CID WALBA OO DEMBI GASHANA HA LA MARIYO CADAALADDA, MAGAC IYO MAQAAM KASTA OO AY SIDATO.
* SHARCIGU CID WALBA HA KA SARREEYO, HALOONA SINNAADO.
* LAYNA SOO DHEX-GELYE HA LA FEEJIGNAADO, bulshooy
Mudan Hambalyo, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ee ka dhabeeyey himiladii 35 sano bulshadu sugeysey ee ictiraafka Somaliland iyo dibloomaasiyadda dadaalkiisa ee maanta Adduunku meel walba ka hadal-hayo jiritaanka Somaliland iyo muhiimaddeeda juqraafiyeed, badda cas iyo baab al-mandab.
Sidaa oo kale, mucaaradadu ha noqoto mid toosin ah ee yay innaga noqonin mid Qaran-dumis ah.
ALLAH MAHAD LEH.
Ustaadka. M. J. Rooble
– Mujaahidka –


