Somaliland, waa Dal Noocee Ah
Somaliland waa dal ku yaalla Bariga Geeska Afrika, lehna goob juqraafiyeed oo istiraatiiji ah, leh Bad Adduunka isku xidha oo si toos u saamayn karta isu-socodka ganacsiga adduunka, amniga marinnada badda iyo isku dheelitirka awoodaha caalamiga ah. Inkasta oo aan weli si buuxda loo aqoonsan oo Israa’iil ictiraaftay, haddana waxa ay Somaliland ka mid tahay meelaha quwadaha Adduunku si gaar ah u danaynayaan, ugu a loolamayaan qarnigan.
Qoraalkan waxa aan, si qoto dheer, hoos ugu degayaa:-
1. Meesha saxda ah ee Somaliland
ku taallo juqraafi ahaan iyo Marin
baddeeda ahaan,
2. Muhiimadda xeebteeda dheer
iyo Dekedda Berbera,
3. Muhiimadda ay u leedahay
Baab al-Mandab oo u dhow,
4. Saamaynta ay ku leedahay
ganacsiga iyo amniga
caalamiga ah,
5. Sababta ay quwadaha
waaweyn iyo Israa’iil si gaar ah
u danaynayaan Somaliland.
Somaliland Bogcad ahaan:-
Somaliland waxa ay ku taallaa waqooyiga Soomaaliya, geeska Afrika, waxayna xuduud la leedahay:
– Dhinaca Waqooyi waxa ka yaalla Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) iyo dalka Yamen,
– Dhinaca Galbeed waxa ka xiga Jamhuuriyadda Jabuuti,
– Koonfur waxa ka xiga Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya,
– Bari -na waxa ka xiga Puntland, Soomaaliya.
Halkaa, waxa ay Somaliland tahay isku-xidhka Afrika, Bariga Dhexe, Yurub iyo Aasiya ee marinnada gooshka iyo ganacsiga caalamka.
Xeebta Somaliland
Somaliland waxa ay leedahay xeeb ka badan 850 km oo koonfur ugu began dalka Yamen oo si rascal ugu taallaa Gacankaa Cadmeed ee Marinnada maraakiibta ee u kala socda Badda Cas, Badweynta Hindiya ee isku xidhka kanaalka Suweys ee gala badda dhexe ( Mediterranean Sea) ee Adduunka gebi ahaanba isku xidha.
Baddaa Cas ee Somaliland, waxa ku yaalla Marinka loo yaqaano Baab al-Mandab, surin cidhiidhi ah oo ah Halbowlaha Ganacsiga Adduunka isku xidha Badda Cas, Gacanka Cadmeed, kanaal Suweys, badda dhexe iyo Badweynta Hindiya oo ah marinka Ganacsiga ee shidaalka iyo badeecadaha kale ee Adduunka u kala gooshaya ay isaga gudbaan.
Marinkaa isaga ah Dekedda Berbera waxa ay u jirtaa qiyaastii 260–300 km ee dhinaca Bari.
Muhiimadda Badda Cas iyo Baab al-Mandab:-
Badda Cas waa bad deggan oo isku xidha badda Hindiya iyo Badda dhexe ( Med. sea) ee ka gudba kanaalka Suweys.
Baab al-Mandab waa mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan dunida oo ah waddada badeed ee isku xidha Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Ganacsiga Caalamka ugu badan baa Mara badda Cas iyo surinkaa Baab Al-mandab, hadday shidaalka noqoto, cuntooyin iyo badeecado kaleba oo Kumannaan maraakiib konteenarro sidaa ay isticmaalaan maalin kasta.
Badda CAs, waxa ku hirdamaya quwadaha Adduunka oo mid waliba rabto in ay meel uun ka dego, si aan loogu diidin maritaanka Maraakiibteeda, awoodna looga sheegan.
Haddii Baab al-Mandab xidhmo maxaa dhici kara:
– Adduunyadu jaahwareer bay gelaysa,
– Ganacsiga caalamka ayaa istaagi doona,
– Qiimaha shidaalka iyo badeecadaha ayaa kor u kici doona,
– Dhammaan Caalamka ayay saamayn xooggan ku yeelan doontaa, gaar ahaan Yurub, Aasiya iyo Qaaradaha oo dhan.
Sidaas darteed, meel kasta oo u dhow Badda Cas iyo Baab al-Mandab waxa ay leedahay miisaan istiraatiiji ah oo soo jiitey Adduunka, gaar ahaan quwaddaha ku loolamaya istaraatijiyadda ay leedahay Somaliland.
Xeebta Somaliland & Amniga Badda
Xeebta Somaliland waa mid ka mid ah xeebaha ugu xasilloon ee ugu muhiimsan Adduunka, Kuma ay caan baxin budhcad-badeed xooggan oo timaada, waxase ay ku dhowdahay goobo ay ka jiraan dagaallo wakiili ah (proxy wars) iyo Xagjirnimo.
Haddaba, Haddii si xeel dheer loo horumariyo, Ictiraafkaa loo sii wado ay Israa’iil kow ka tahay, Somaliland waxa ay noqon kartaa:
– Xarun lagala socdo maraakiibta iyo nabadgelyada (maritime surveillance),
– Xarun ka hortagga budhcad-badeedka iyo Argagixisada,
– Illaalinta badda ee qashin-qubka iyo bad-qabka noolaha badda.
– Meel ay ka hawlgalaan ciidamo badeed oo caalami ah.
Dekedda Berbera iyo istaraajiyadda:-
Sidaa oo kale, Somaliland waxa ay leedahay Deked ku taalla Gacanka Cadmeed ee Baddaa Cas, Berbera oo waajahaysa dalkaa Yamen. Berbera waa dekedaha ugu faca iyo taariikhda weyn geeska Afrika oo u adeegta Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan bad lahayn.
Dekedda Berbera oo shirkadda DPW casriyaysay oo maraakiibta waaweyni hadda ku soo xidhaan, lana sii ballaadhinaayo oo hawsheedu socoto, ictiraafka ka dibna waxa ay noqon doontaa dekadaha Adduunka ugu waaweyn.
Berbera waxa ku yaalla Dekeddaa iyada ah iyo garoonka dayaaradaha Mitateri ee Afrika ugu dheer, ugu a tayada fiican oo Ruushku ku fara-yaraystay oo leh hoggagga dayaaradaha dagaalku galaan oo ha soo jeestaan, kana duulaan.
Kolkaa, Aqoonsiga ka dib, Berbera waxa ay noqon doontaa:
– Albaabka ganacsiga Bariga Afrika iyo dalalka Afrika ee aan baddu u furnayn iyo dhinaca Adduunkaba,
– Xarunta saadka (logistics hub) oo caalami ah,
– Tiir muhiim u ah amniga ganacsiga caalamka iyo marinnada badaha.
– Somaliland waxa ay noqon doontaa ciyaartoyga dhexe ee qaybiya loolanka ( center half).
Somaliland & Tartanka Quwadaha Caalamka
Somaliland waxa ay ku taallaa goob muhiin ah iyo dhul istiraateji ah ay ku tartamayaan quwadaha Adduunku sida Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Turkiga, Iran ikm, taasoo cidda la saaxiibta ama ka hawlgasha Somaliland ay saamayn ku yeelan kartaa:
– Ammaanka Badda Cas,
– Ganacsiga Kanaalka Suways,
– Goob Dagaalka ka dhanka ah
argagixisada iyo budhcad-
Badeedka,
– Isku dheelitirka awoodaha.
ictiraafka Israa’iil iyo xidhiidhada ka dhashay:
Israa’iil waxa ay ogeyd in ay 26 June, 1960 ictiraaftay Somaliland, iyada oo aan wax shuruudo ku xidhin,sidaa oo kale waxa ay deristey dhibaatooyinkii lagu hayey reer Somaliland ee xasuuq, dil, cabudhin iyo cunoqabatayn baahsan, iyo 34 sano waxa ay gaadhay hadday tahay horumarka, dimoqraadiyadda, doorashooyinka iyo hannaanka guud ee dawladnimo ee ka hanoqaaday Somaliland. Sababahaa iyo kuwo kaleba kolkii ay aragtay iyo istaraajiyadda juqraafi ee ay ku taal Somaliland, Israa’iil waxa ay goosatay in ay ictiraafto Somaliland, taasoo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, Ictiraaf cad oo ay ku dhawaaqday 26 Disambar,2025, ku beegan maalin Jimce ah, iyada oo labada dhinacba ay ku dhawaaqeen in ay furayaan safaarado is-dhaafsi ah iyo wax allaale wixii dan loo arko oo laysla garto.
Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Adduunkii ku wada baraarugeen, Somaliland-na u aragto guul diblomaasiyadeed iyo furitaan bog cusub iyo xidhiidh caalami ah.
Aqoonsiga Israa’iil waxa uu Somaliland siinayaa xoojin siyaasadeed, dibloomaasiyad, amni, horumar iyo kalsooni, halka Israa’iil-na ay ka helayso saaxiibtinimo istiraatiiji ah, xidhiidh wax wada qabsi iyo xidhiidh baayacmushtari.
Xidhiidhka cusub waxa uu fure u noqon karaa iskaashi dhinacyada sirdoonka, ammaanka badda, ganacsiga iyo teknoolojiyadda, gaar ahaan ilaalinta marinnada badda iyo horumarinta dhaqaalaha.
Somaliland waxa lagu tilmaamay dawlad xasilloon, dimuqraadi ah, ku taalla goob istaraatiji ah oo indha Caalamka soo jiidatey oo tartan loogu jiro wax la qabsigooda iyo dano wadaag cayiman.
Guud ahaan, aqoonsigani ma aha astaan keliya, balse waa xidhiidh istiraatiiji ah oo salka ku haya dan-wadaag, damacyo iyo xasillooni, isla markaana Somaliland u furaaya mustaqbalka waddooyin cusub oo diblomaasiyadeed iyo horumarineed.
Icturaafka Israa’iil ee Somaliland kuma xidhna wax shuruudo ah, waagii lixdankiiba Ictiraafkii 26 Juun, 1960 wax shuruud ahi kumay xidhnayn, iyadaana ugu horreysey dawladihii 36 ahaa ee xilligaa Somaliland ictiraafka siiyey, waa sakhir Alle swt, wixiise dano ah waa lama huraan in la wada wadaago, Dani waa seetee.
Ugu dambayn, ictiraafka Somaliland waa tusbax furmay, waxaana isdaba-joog marinka ku soo jira dawlado badan iyo kuwii Somaliland lixdankii ictiraafay, mahad Allaa lehe
Mahad-naqa labaad oo hambalyo weheliso, waxa aan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) iyo reer Somaliland dhammaantood, gaar ahaan Mujaahidiintii, intii dhimatay Eebbe swt haw naxariisto, inta noolna cafi iyo caafimaad.
Hal-na waa Alle swt hore ayuu inoo ictiraafay dhawr iyo soddonkaa sano, haatanna junuudii dhulka ayuu inoo sakhiray oo amarku yahay ictiraafka Somaliland, MaashaAllaah, Alxamdulillaah- Roonow, Raxmaanow, Somaliland u roonoow.
guji kiliibkan:
- Hambalyo ictiraafka SOMALILAND .
- Prof. M. J. Rooble
-Mujaahidka-


