Hal-qabsi!
Isku duubnibaa, dadkeygow duli kaga baxdaaye,
Nolol daa’im ah, deeq iyo wanaag ku durduurataa,….

Midho ka mid ah Hees wadani ah, Raadyow Hargeysa, Somaliland.

Himilada ugu saraysa oo umadduhu hiigsadaan ayaa ah “QARAN GOBANIDIISU SUGAN TAHEY” si ay ugu noolaadaan nolol dhameystiran oo karaamo leh. Reer Somaliland waa kala siman yihiin himiladaas, waxayna geedi-socod dheer usoo mareen xilliyo kala duwan. Si aynu u dhameystirno himiladaas 18kii May, 1991kii ayaa si kama dambeyn oo dhab ah loogu xaqiijyey hanashada GOBANIMO SUGAN iyo shirweynahii beelaha Somaliland.

Haddaba, rubuc qarni ka dib oo guulo wax ku ool ah laga dheefey himiladaas hirgashey, maxaa la deris ah maanta? Waa sidee xaalka waayaha qaranka Somaliland uu ku sugan yahey? Waa su’aalo u baahan in si fiiro leh, aad loo hufey, lafo-gurey, oo si dhab ah loogu kuur-galey ay WAAJIBTEY in looga JAWAABO!

Dhab ahaan, guulaha laga gaadhay himiladaas la suntay rubuc qarni ka hor, waa kuwo aan la dafiri Karin, waa kuwo nolosha aadamaha si weyn wax ugu biiriyey. Waa xaqiiq odhaahdaas, nin dafirsan iyo mid qirsanba. Waxaaba markhaati ugu filan NABAD KUWA NOOLAASHAHA UMMADAHA GEESKA AFRIKA IYO DOORKA MUHIIMKA AH OO REER SOMALILAND KAGA JIRAAN!

Sidoo tahey, tacabka iyo meel-marinta himiladu ma uu sahlaneyn! Waa dhib badnaa, joogto ahaa, oo hiilka xaqa uu u leeyahey ma uu ka helin cid walba oo ay ku waajibtey (bulshada caalamka, kuwa gobol qaaradeedka geeska afrika, kuwa shucuubta carabta, iyo kan wadamada Islaamka). Intuba waa ka gaabiyeen, hagradeen, oo ka aamuseen dano gaarka ah oo uga muuqan waayey jiritaanka qaranka Somaliland. Haatanse, reer Somaliland waa ka guuleysteen cid wabla. Waa meel-mariyeen himiladoodii keliya waxaaa lagu khasbanaadey in lala xaatoodo.

Haddiiba sidaa arrimuhu yihiin, maxaa khaldan oo arrimuhu sidatan tabcaan ugu sugan yihiin? Jawaabta kooban oo maqaalkeygan ku jiheysan yahey waa in reer Somaliland gaabis yihiin. Oo weliba aad gaabinayaan si ka duwan sida hagar baxa iyo naf-hurka aheyd oo hayaanka ku bilaabeen. Sababo kala duwan ayaa saldhig u noqon kara oo inooga baahan daraaseyn iyo in si dhab ah aynu u qiimeyno dhibka uu ku sugan QARANKEENU MAANTA. Waxaa muuqda in guulo dhab ah oo aynu gaadhney misna midho laga gurtey in gunti giijis ay u baahan tahey MAANTA. Waxaa weeye, in wadajirka, isku duubnida, naf wada hurka aanu si dhab ah u shaqeyneyn, waaba siyaasada fur-furan, inagu cusub, oo weli curdinka ah, isla markaa wakhtigu waa tageyaa! Taas waxaa cakis ku ah diyaargarowgii loo baahnaa iyo isu-dubaridkii haboonaa oo laga gaabiyey. Saldhigeedu midatan waa xisbiyada oo hagaasey halka ka aheyd in ay hano-qaadaan. Weliba si weyn ayey u hagaaseen. Waxaaba lagu koobey muraadkooda xil doon iyo mansab difaac iska soo horjeeda oo si maalinle ah aynu u arkeyno dhacdooyin aan kala go’ laheyn!

Muddo qaan-gaadh ah ka dib, waxaa haboon in si weyn oo dhab u qiimeyno sida saaxada xisbiyadu uga jawaabayaan BAAHIDA WEYN OO MEEL-MARINTA QARANKEENU DHIBANAHA UU INOOGU YAHEY wakhtigakan? Wax walba oo fursad u ah geediga gobanimada qarankeena waxaa inta badan loo adeegsanayaa si khaldan, ku daneysi gaar ah, isla markaa hagardaamo ugu filan jiritaanka qaranka. Waa dhibtaabo jirta oo si dhab u muuqata misna aynaan is diidsiin karayn. Waxaa guusha lagu naaloonayo lagu gaadhey Naf, Maskax, iyo Muruq ay shacabkiisu si hagar bax ah ugu habayeen himilada gobanimada qarankeena. Waa mid dadkeenu aanu weli ka gaabin balse waxaa jira arrimo badan oo dibin-daabyo ku ah geedi-socodka himiladeena. Warbaahinta sida weyn u kortey, diblamaasiyada iyo saaxada siyaasada heerarka kala duwan; heer caalamka, ka shaqeybta isku duubnida ummada iyo arrimo kale oo badan ayaa maanta qarankeenu tirsanayaa in laga gaabinayo. Waa mid ka horjeeda sida lagu xaqiijiyey rubuc qarni ka hor misna keeni karta hagardaamo aan lagu farxi doonin cawaaqibkeeda!

Qodobkaas marka laga shaqeeyo ayey mida gaarka ahna imaneynsaa oo qof walba oo inaga mid ah iyo inta dabjoogta u ahba ay heli karaan maraadkooda gaarka ah. Sidaa darteed waxaa haboon in si deg deg ah isu qiimeyno oo toosin, taban taabo hor leh aynu ula nimaadno UMMAD AHAAN?

Waxaa fursad inoogu filan in himiladaas aynu xaqiijiney oo kula xisaabtami karno cid walba iyo sida ay ugu waajibtey. Haddiiba aynaan sheegan, hadlan, soo bandhigin, oo ku baanin waa hubaal in cid inagu casuumeysaa inta ka gaabiney in ay jireyso. In lagu doorto, aad mansab hesho, qandaraasyo hesho, hadalkaaga madaxdu maqasho, adigu laguu muraad sheegto, WAXAA KA HOREEYA IN QARANKEENA JIRITAANKIISA KA SHAQEYNO OO WAX KASTA OO HAGARDAAMO KU NOQON KARA KA BAAQSANO? Arrinta ugu culus oo maanta ina hortaalaa waa meel-marinta in ay si guul leh ay u QABSOONTO DOORASHADA la mudeeyey oo jiitan badan soo martey balse haatan meel kama dambeys ah la isla meel dhigey? Inaga oo ILLAAHEY KOREEYE KAASHANEYNA Waa mid si fudud aynu u meel-marin doono sida hore u sameyney balse waa in isku duubni looga shaqeeyo oo cidaha waajibka idman leh aynaan ku keliyeyn?

Aan ku soo gaabsho tixo ka mid gabeygii Gud-gude ee Gabyaa M. I. Warsame-Hadraawi- 1990kii.

Gedgadoonka maanka iyo qalbiga gocosho soo reenka,
Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ahaanin,
Guddoon dhaceyna waa nacas ninkii gaar u faashadey’e
Guri ba’ayna waa cadow ninkii raarta sii guraye,
Gobanimona waa quus ninkii gowska dhaafsadey’e
Inta maanku gaajaysan yahey GUULI Waa Weliye.

Allow Somaliland dhowr Allaa gar-gaar ah mar walba!

Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hargeysa, Somaliland.

Tel: 00 252 (0)63 4137470.
Email: mustafe72@gmail.com