CaddamiDalkasta marka la tirinayo khayradkiisa dabiiciga ah waxa ka mid ah dadka ama cududa shaqaalaha (Human recources) sida beeraha, bada, xoolaha, shidaalka & gaasta iyo macdanaha kale ee qaaliga ah, xeel-dheerayaasha qaarkood shaqaalaha waxay ku tilmaamaan in ay la mid yihiin lacagta adag iyo rasamaalka dalka ( Human capital).

Dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya siyaasada lagu hagayo ka sakow waxa loo aaneeyaa aqoonta, xirfada, tayada iyo tirada shaqaalaha.

Waxa la og yahay wadamo laga helo khayraad aad u badan oo hadana ka mid ah kuwa ugu saboolsan dunida markii la waayay shaqaale aqoon leh oo si haboon u maamula, waxa jira dawlado ama madaxweyne yaal jecelaa inay dib u habayn balaadhan ku sameeyaan maamulka iyo dhaqaalaha dalalkooda si ay kor ugu qaadaan nolosha dadka ama ay u yarayeen heerka faqriga oo guuldaraystay markii la waayay shaqaale leh aqoontii lagu fulin lahaa qorshayaasha dawlada, Waxa iyaguna jira shirkado maal-gashi ku samayn lahaa dalalka qaarkood oo dib uga joogsaday markii ay sahamiyeen inaan laga heli Karin shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh ama ku filan sidaa daraadeed wadamada Bariga Africa gaar ahaan waxay xooga saareen aqoonta iyo tababarada shaqaalaha dawlada, waxay dhiseen jaamacado iyo machado casri ah oo si weyn loo maalgeliyay.

Jaamcadaha dalalkaasi waxay hoos yimaadaan Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare laakiin iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo kuwa shaqalaha lagu tababaro waxay hoos yimaadaan xafiiska madaxweynaha ama raysal wasaaraha.

Itoobiya waxay dhista jamacada shaqaalaha ee ugu wayn Bariga Africa ( Ethopian Civil Service College), Yugaandha waxay dhistay ( Uganda Management Institute), Ruwanda waxay dhistay ( Rwand Institute of Adminstaration And Management), Tansaaniya waxay samaysay ( Tanzanian College of Adminstaration and Management) oo technoloygadii u danabaysay ku qalabaysan si ay u soo saaraan tool-kii loo isticmaali lahaa horumarka oo ah shaqaale aad u jabsan.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud munaasibadaha qalin jabinta jaamacadaha wuxuu ku celceliyaa inuu rumaysan yahay in aqoontu tahay furaha horumarka, Iidinkuna waxaad tihiin rajadii iyo mustaqbalkii dalka sidaa awgeed anaguna xukuumad ahaan waxaanu tixgelin doonaa da’ yarta wax baratay laakiin guubaabada iyo hadalad dhiiri gelinta ah ee madaxweynuhu ma waafaqsana ficilada iyo siyaasada xukuumada : Tusaale ahaan markasta oo la buuxinayo jagooyinka sarsare ee ka banaan Hay’adaha dawlada Cv- yada loo soo gudbiyo Madaxweynaha waxa faraq ah uma sameeyaan kuwa aqoonta leh iyo kuwa kale, mudnanta waxa la siiyaa Cv-yada afmiishaaradu daba socodaan ama mid hagaaf ah oo lagu raali gelinayo qabiil kuwaas oo ummada la hadha isagana sumcad xumo u soo jiida, Madaxweyne bal isku day inaad wax kaga dayato mid ka mid ah hogaamiyaayshii guulaysta sida Raysalwasarihii hore ee Singapoor Lee Kuan Yew, wuxuu yidhi “ My style was to appoint the best men I had to be in charge of the most important ministries”.

Madaxweynihii hore ee maraykanka Richard Nixon mar lagu canaantay nin ka soo horjeedi jiray oo uu xil u magacaabay wuxuu ku jawaabay: “ I did because he is the best man for the job”.

Inaga Somaliland bal aynu qiimayno aqoonta agaasimayaasha guud madaxda Hay’adaha madaxa banaan iyo agaasimayaasha waaxyaha ee wasaaradaha, waxa la yaab leh oo xafiisyada lagu arkaa dhalin yaro sidata shahadada sare ee Master-ka oo xog-hayn u aha masuul waxbarashadiisu ka hoosayso dugsiga sare iyo kuwo kale oo aan waxba loo dirin oo wasaaradaha dhex joog-jooga hase yeeshee markii la soo dhawayn wayay ama aqoontoodii laga maarmay waxay ku wareegaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ama Hay’adaha dalka ka hawl-gala.

Haddaba masuulka isaga oo aan laga fiirsan layska magacaabay ( The wrong choice ) saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa maamulka?

1. Maamulka oo noqda fadhiid iyo hal-abuur la’aan

2. Amarada iyo kala dambaynta oo is dhex yaaca oo la kala garan waayo masuulka sare iyo ka hooseeya

3. Kalsooni daro, habrasho, go’aan qaadasho la’aan iyo in uu ka baqdo inuu keeno fikrado cusub

4. wuxuu dayacaa hawshii loo igmaday wuxuu isku mashquuliyaa hawlo kale oo shaqadiisa ka baxsan sida guulwadayn qaab daran iyo abaabulka jifooyinka dawlada taageera

5. kama fogaado madaxtooyada si uu u dheg dhegeeyo bal inuu maqlo warar tibaaxaya in wax la kala badalayo ama la eryayo.

Gabo gabo: Gabadha wariyaha ah ee la yidhaahdo Mary Harper buugeeda, Getting Somalilaya Wrong waxay tidhi: “ Somaliya waxa laga baran karaa sida ay bulsho u noolaan karto iyada oo dalka dawlad dhexe ka jirin, sidaasoo kale Somaliland waxa laga baran karaa in aqoonta laga maarmi karo

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com