Waxaa amaan inaga mudan madaxda qarankeena ee inoo suurta galiyey horumarka ka tis-qaadey jamhuuriyada Somaliland gaara ahan magaalo madaxda barbera oo uu ka socdo horumar la taaban karo mahadaasi oo dhan ilahay ka sakaw waxaaynu xushmad iyo qadarin ugu haynaa.

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka isku taga imaaradka carabta

Amb baashe cawil cumar oo ah shaqsi run ahaantii dadaal dheeraad ah ka galey sidii dalkan uu horumar la.

Taaban karo u gaadhi lahaa muddadii koobneyd ee uu xilka safiirnimo hayeyna guul wax ku ool ah u soo hooyey jamhuuriyada barakeysan ee Somaliland baashe cawil waa masuulka inoo qaabil san dalka isku taga imaaradka carabta waxaan odhan karnaa waa safiirka kaliya ee inagu soo jeediyey indhaha beesha caalamka

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil (saylici) waxaa xusid mudan kartida iyo dadaalka uu muujiyey cabdiraxman cabdilaahi ismaacil saylici oo ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo kaalinta wax ku oolka ahayd ee uu ka qaatey dhameystirka mashaariicda horumarineed ee ka hir galey jamhuuriyada Somaliland oo uu qeyb laxaad leh ka qaatey.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah

Dr sacad cali shire wasiirka wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah drs sacad cali shire sideynu horeba u soo sheegney waa wasiirkii asturnaa waa shaqsi nadiif ah oo aan habayaraatee lagu maqal wax is daba marin intii uu xilalka ka hayey xukumadda talada dalka haysa waana wasiir sacad hormood ayuu ka ahaa inuu suurtagalo heeshan taariikhiga ah ee u qabsoomey xukummadda Somaliland

Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland

Marwo samzam cabdi aadan run ahaantii wasiirka wasaarada maaliyada waa shaqsi dadkeeda iyo dalkeed ugu hagar baxdey si daacadnimo ku dheehan tahay waana waxaaney qeyb laxaad leh ka geysatey sidii uu u qabsoomi lahaa mashruuca horumarineed ee laga waddo dalkeena hadey noqoto dekeda iyo maalgashiyada caalamiga ahba .

Geesta Kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Mudaddii Ay Wasiirka Ka Ahayd Wasaaradda Maaliyada Waxay Si Toos Ah Uga Dhexmuuqatay Isla-Markaana Ay-Waxqabadkii Xukuumada Gaadhsiisay Bulshada Degaanada Magaalooyinka Waaweyn Ka Baxsan Ee Tulooyinka Ah ee Ay Ku Nolyiin Dadka Xoolo Dhaqatada Ah iyo Bulshada Somaliland Intooda Aan Codkoodu Muuqan Ee Baahida Weyn u Qaba Inay Helaan Adeegayada Asaasiga ah Dawladnimo-Waxaanay Degaanadaas Gaadhsiisay`Riigag Biyood`Gadiidka Gurmadka Cafimaadka iyo Adeegyo Kale-Kuwaas Wax Ka Taraya Nolosha Dad iyo Duunyaba`iyado Markastana La Kaashanaysa Wax Ka Qabashada Baahiyahaa Ka Jira Dalka Guud Ahaantii Haayadaha Kale ee Dawlada Kuna Shaqada leh Hadba Baahida Dadku Qabaan.

Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland

Mudane maxamuud xaashi cabdi waa masuul xil kas ah wuxuuna mar walba heegan ugu jira sidii dalkan horumar u gadhi lahaa tan iyo intii uu la wareegay wasaarada madaxtooyada waxaa uu dalka keenay mashaariic hormarineed oo la taaban karo

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo gureynta Somaliland

Mudane cali xassan mahamed (cali mareexaan ) waa wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo gureynta wasiirkan waxaa lagu xasuusan doonaa mudadii koobeyd ee uu joogey dhinac wadooyinka oo uu ka sameeyey horumar la taaban karo wuxuuna ku dhiiradey inuu wadooyin badan dhameys tiro kuwo kalena dhagax dhigo waxaanu ku dhiiradey inuu halkeedii ka sii abma qaado waddadii ceerigaabo oo imika dhammad ku dhawo geesta kale wuxuu ka mid noqdey xubnaha firfircoon ee ka qeyb qaatey dhameystirka heshiisyada maalgashi

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawda

Mudane farxaan aadan haybe wasiir farxaan aadan haybe wuxuu si xishmada iyo sharafi ku dheehan tahay uga soo dhalaaley intii uu xilka hayey wasaarada uu qaranka u qaabil san yahay wuxuu durba bilaabey mashruucyo horumarineed oo uu kow ka yahay madaarka magaalada burco oo dhawaan mashruucii bilowgiisa saxeexay

Ciidamada somaliland ma damanad qaadi karan hantida shirkadaha iyo hantidooda kuwaasi oo kusoo xidhanaya marsada berbera ileen omar iyo indha deero oo kaliya kumasoo xidhanayaan 100 shirkadood oo dalkan kusoo dhici la, aa awood ciidan oo hantidooda sugta la, aantood ayaa imika kusoo dhiiranayee

Maalgashiga kordhayaa waa intaas marka cudud ciidamo ay timaado shirkado maalgashi ayaa imanaya dalkii Dalalka ay dp world ay dekedahooda xarumaha ku leedahay ciidamo la aqoonsayhay ayay leeyihiin horumar la taaban karo ayaa inoogu jira dekada barbera heshiiskan oo maanta si rasmi ah loogu kala sexeexday dalka isku tageyga imaaradka carabta heshiiskan waa heshiis taariikhi ah waxaana dheer saldhiga milatari wadada isku xidha wajaale iyo barbera waxaana ku baxeysa lacag dhan $300 milion.

Waxaan filaaya inay Somaliland tahay dal nasiib u helay maalgashi caalami ah oo aaney helin waddo badan oo jaarkeena ah hormarkaasi inoo soo kordhey waxaa inoogu xigi doona kalsooni ay inoo qadaan kambaniyaal fara badan oo aan hore kalsooni inoogu qabin

Dhinac kale marka loo eego xulafo siyaasadeedna waalagama maarmaan marka aynu nahay dal yar oo curdin ah oo in la gacan qabto raba oo aqoonsi calami ah karaba dunida Lacagta saldhigaas lagu kireeyey waa 2billion protocolkii dowladnimo ee marka heshiisyo calami ah la galayo waliba saldhigyo milatari oo ay ahayd inuu hago oo habo oo ka hadlo oo uu hogaamiyo wasiirka gaashaandhigu ay ahayd inay si khaldan dowladu wax u waday taaso tuhun yara keenaysa imika wuu ku jiraa waxaaanu ka mid yahay guddida u hogaaminayo madaxweyne ku xigaanka Somaliland wax shaki ah oo inagagag jirnaana ma jirto shakhsiyad gaar ahi hor kacayeen mooyaane wax kale oo lagu diidaa majirto

Xuutiyiinbaa inasoo weeraraysana waa waxba kama jiraan

Waxyaabo badan oo uu faa iido leeyahayna way jiraan markaynu dhinaca togan ka eegno

Oo ay kamid tahay aqoonsi caalami ah dalkan aqoonsi calami ah maheli karo ilaa uu xulafo siyaasadeed yeesho

Waxana ugu dhow inaynu is garab istaagno khaliijka carabta iyo reer galbeedka hoosta iska wata ee la dagaalanka kula jira argagixisada iyo xagjiriinta dunida khatarta ku haya

Dhinacyadaas iyo mashaariicda ka fulaya ee la socda marka laga eegona waa faaido wayn oo soo korodhay waxase qurux badan oon marwalba ku talinayaa dhalinteenu inaanay noqon dameeri dhaan raacday ee ay iyagoo dhexdhexaad ah maskaxdana ka xor ah oo siyasi muxafid ah oo gulwadaynaya iyo mucarad isku dirid wada midna aan u hogaansanayn ay maskaxdooda wax baratay ku darsaan arimaha yaala wixii tabasho ee jira dalka dowladiisu cirka kamay iman way ina cunaysa iyo waa la ina iibinayaa caqli maaha oo adhi manihin ee hab sharci ah intaynu u marno ayaynu warbahinta xorta ah u marin karna madaxda dalka ama jamacadaha dalka intaynu ku marti qaadno wixii madmadowgu inagaga jiro markaa wuu inaga bixi karaa markaynu fool ka fool u waraysano dowladeena oo aynu indho cafimad qaba ku eegno ileen dowladan mucaradku inooga waramayan waa dowladaynu dalka taladiisa u igmanay ee aynu shalay dooranay iyadaana intaynu dalka u tudhayno inooga kalgacayl badan oo xil kasaaran yahaye

Wuxuunba se arkayaa anigu dad wax bartay ee doodahoogu yihiin wala inasoo weerarayaa sababaha ugu waawayn ee ay ugasoo hor jeedaana ay tahay siyaasi ama shaqsi reerkooda ah oo ku horkacay inay kasoo horjeestaan waxan

War caqliga iyo maskaxda wax baratay yaynaan iska caayin inta qalinlayda ah ayaan lahadlayaa

Wabilaahi tawfiiq

Gmail:- cismanguray@gmail.com

Telephone – 0634246503

W/Qorey Jimcaale Osman Muhumed