Ramadaan.1jpgXassan Cumar Hoorri

Qaybta 2aad
Alxamdulillah. Mahaddu Allah ayay u sugnaatay. Allaha innagu galladay nimcada Islaamka. Nabad iyo naxariista Eebbe korkiisa ha ahaato, Muxammed, ergayga Allah u soo diray addoomahiisa si uu uga saaro mugdiga, uguna yabooho libinta ifka iyo liibaanta aakhiro.

Qaybtii hore ee taxanaha waxaan ku eegnay dhowr weydiimood iyo warcelintooda.

1. Maxaa loo yidhi soomku waa raxmad?
2. Waa maxay soomku?
3. Maxaa lagu asteeyaa bisha Ramadaan?
4. Waa maxay xukunka soomku?

Haddaba innaga oo halkii ka sii ambaqaadayna waxaan gudo geli doonnaa qaybta 2aad ee weydiimaha iyo warcelintooda.

5. Maxaa lagu aqoonsadaa dhalashada bisha?
Dhalashada bisha Ramadaan waxaa lagu aqoonsadaa laba arrimood midkood:
a) In la arko bisha.
b) Haddii kale in la dhammaystiro soddonka bisha Shacbaan.

6. Ayaa soomku ku waajibay?
Soomku waxaa uu ku waajibay qofkii buuxiya qoddobada soo socda:
1. In uu yahay Muslim. Soomku ma saarna qof aan Muslim ahayn.
2. In uu yahay qaan-gaadh. Soomka la ma farin caruurta. Balse, waxaa fiican in lagu layliyo, kolba sidii tamartoodu tahay.
3. In uu miyir qabo. Soomku ku ma waajibo qof waalan.
4. In uu awoodo. Allah kuma dirqiyo addoomaha wax aanay awoodin.
5. In uu deggan yahay. Qofkii socdaal ah dib ayuu u dhigan karaa soomka ilaa uu ke degayo.
6. Haweenayda soomaysa waxaa wajib ah in ay ka xalan tahay dhiigga caadada iyo kan umusha.

Xilliyada aan soo sheegnay dumarka waxaa laga rabaa in ay gadaal ka gudaan.
7. Maxaa buriya soomka?
Soomka waxaa uu ku buraa arrimaha soo socda.
1. Galmada
2. Biyaha shahwadda oo si u la kac ah la isaga keeno
3. Cunto ama cabid loo badheedhay.
4. Maalinimada in si dadban loo qaato irbadaha nafaqada leh.
5. Dhiig si u la kac ah la isaga keenay (sida toobin ama dhiig la shubo).
6. Mantag si kas ah kaaga yimid ama in aad iska mantajiso.

Soomku haddii uu ku jabo sababaha la soo sheegay waxaa waajib ah in dib laga gudo (qalle), marka laga reebo qofkii uu kaga buray galmada kaas oo laga rabo in uu ku qaan baxo saddex arrimood midkood. In uu xoreeyo qof mu’min ah. Haddii uu awoodi waayo in uu soommo laba bilood oo xidhiidhsan. Taasna haddii uu ka gaabiyo in uu quudiyo lixdan miskiin. Qoddobada waxaa ay u kala mudan yahiin sida ay u kala horreeyaan.
Sida ka muuqata saddex qoddob ee hore, qofka sooman waxaa la faray in uu ka af-haysto shahwadda, cuntada iyo cabidda ilaa iyo inta uu gabbalku ka dhacayo. Sidaa awgeed, Allah, subxaanahu wa tacaalaa, waxaa uu kitaabkiisa ku yidhi;
“hadda u taga haweenkiinna kana doona waxii Allah idiin ka calfay, cuna oo cabba ilaa inta diillinta cad (waaberi) ka caddaanayso diillinta madow (mudiga) soomkana dhammaystira ilaa habeenka”. Al-Baqara 187
{فالآن باشروهن وابتغوا ما كتب الله لكم وكلوا واشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى الليل}[سورة البقرة : 187]
Sida aan soo sheegnay, soomku waxaa kale ee uu ku furmaa haddii si u la kac ah dhiig kaaga yimaado. Rasuulka Allah (nnkh) waxaa uu yidhi;
“Waa afureen qofka wax toobay iyo kan la toobaya”.
” أفطر الحاجم والمحجوم ”
Waxaa taas la mid ah oo soomku ku jabaa haddii si kas ah la isaga mantajiyo. Rasuulka Allah (nnkh) waxaa uu yidhi;
“qofkii si kas ah u mantagga ha qalleeyo (soomka), se qofkii mantaggu soo jiidho laguma laha qalle (ha sii wato soomka)”.
“من استقاء عمداً فليقض، ومن ذرعه القيء فلا قضاء عليه”.
Ugu danbayntii, waxaa haweenka ka reebban in ay soommaan xilliga ay helaan caadada ama uu ka socdo dhiigga umusha. Rasuulka Allah (nnkh) waxaa laga soo weriyay in uu yidhi;
“miyaanay ahayn haddii ay hesho (ka socdo) dhiig in aanay tukin oo soommin”?
أليس إذا حاضت لم تصل ولم تصم”؟

Hase ahaatee, Ibn cabbaas (Allah raalli ha ka ahaado isaga iyo Aabahiis) waxaa uu sheegay:

“Marwada uurka leh haddii ay nafteeda u baqato iyo haddii hooyada la nuugayo ay ka cabsato waxyeelo soo gaadha ilmaheeda waxaa mid kasta u bannaan in ay Afurto kuna bedelato inay maalin kasta quudiso hal miskiin. Mana qalaynayso soomka”.

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: (( إذا خافت الحامل على نفسها ، والمرضع على ولدها في رمضان قال: يفطران، ويطعمان مكان كل يوم مسكيناً، ولا يقضيان صوماً)) .

Isla markaa, Allah (raaalli ha ka noqdo iyada iyo Aabbaheed) Caa’isha waxaa lagu soo weriyay in ay tidhi:

“Marka aanu ka maydhano dhiigga caadada Rasuulka Allah waxaa uu na amri jiray in aanu dib u qalayno soomka, balse nama uu fari jirin in aanu qalaynno salaadda”.

“كنا نحيض عند رسول الله صلى الله عليه وسلم ثم نطهر ، فيأمرنا بقضاء الصيام ولا يأمرنا بقضاء الصلاة.”

La soco qaybta 3aad……..
By. Xassan Cumar Hoorri
hassanhorri@gmail.com