Ramadaan.1jpgAlxamdulillah. Mahaddu Allah ayay u sugnaatay. Allaha innagu galladay nimcada Islaamka. Nabad iyo naxariista Eebbe korkiisa ha ahaato, Muxammed, ergayga Allah u soo diray addoomahiisa si uu uga saaro mugdiga, uguna yabooho iftiinka, libinta ifka iyo liibaanta aakhiro.

Qaybahii 1aad iyo 2aad ee Qormadan waxaan ku soo eegnay weydiimo had iyo jeer ay soo celceliyaan dadka soomman iyo jawaabaha ay ka bixiyeen culimada Islaamku, sida:
1. Maxaa loo yidhi soomku waa raxmad?
2. Waa maxay soomku?
3. Maxaa lagu asteeyaa bisha Ramadaan?
4. Waa maxay xukunka soomku?
5. Maxaa lagu aqoonsadaa dhalashada bisha?
6. Ayaa soomku ku waajibay?
7. Maxaa buriya soomka?
Haddaba, annaga oo halkaa ka sii ambaqaadi doonna, qaybtan, waxaan si gaar ah diiradda u saari doonnaa mudnaanta ay bisha Ramadaan leedahay iyo waxtarka ugu sugan qofka soomman. Balse, Marka hore waxaan is xusuusin donnaa halista ku sugan haddii bisha Ramadaan ay kugu dhaafto wahsi iyo adiga oo aan uga fa’iidaysan sidii Allah ugu talo-galay oo ahayd in aad ku kasbato “denbi-dhaaf.”
8. Maxaa laga digay Ramadaan?
Sida ku soo baxday sunnooyinka (sunnan) Al-Tarmadi, Rasuulka Allah (nnkh) waxaa uu ka digay halista ku sugan, “qof agtiisa la igu magac dhabay (la igu xusay) oo ka baaqday in uu igu salliyo, qof Ramadaan u soo gashay oo ay ka xuub-siibatay isagoo aan loo denbi dhaafin, iyo qof agtiisa ay ku gaboobeen labadiisa waalid (ama midkood) oo aan “Janno” ku mutaysan.”
(( رغم أنف رجل ذكرتُ عنده فلم يصلِّ عليَّ ، ورغم أنف رجل دخل عليه رمضان فانسلخ قبل أن يغفر له ، ورغم أنف رجل أدرك عنده أبواه الكبر فلم يدخلاه الجنة)).
Xadiiskan waxaa innogu sugan cashar waxtar badan leh. Waxaana laga baran karaa saddex arrimood:
1. Si aad u hanato khayrka ku jiro, mar kasta oo agtaada lagu xuso magaca Rasuulka, weedhiisa, ficilkiisa iyo raadraaciisa in aad ku sallido, nabad iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaatee. Dhinaca kale, xadiisku waxaa uu ka digayaa hoogga ugu sugan qofkii ku dhabcaala ama ka bakhayla in uu ku salliyo Rasuulka (nnkh) mar kasta iyo meel kasta oo lagu soo hadal qaado.
2. Xadiisku waxaa uu ka marag kacayaa cibaadada bisha Ramadaan in lagu mutaysan karo denbi-dhaaf. Isla markaana, waxaa uu ka digayaa in laga dhowrsado hoog uu mutaysan karo qofkii Ramadaan ay ku dhaafto wahsi iyo xumaan.
3. Ugu danbayn, xadiiska waxaa aan ka baranaynaa in Janno lagu dheefi karo haddii baari loo noqdo waalidka, weliba marka ay agtaada ku gaboobaan. Waxaa lagu xusuusinayaa in aad soo martay xilli aanad waxba taransan karaynin, wax kastana aad ka sugaysa waalidka. Markaa maxaad yeeli doontaa haddii ay hawl-gabeen walidkii ku so koriyay iyo haddii maanta adiga lagu soo muttaysto?
9. Waa maxay mudnaanta bisha Ramadaan?
Lama soo koobi karo mudnaanta bisha Ramadaan. Qoddobo ka mid ah mudnaanta bisha waxaa aan ku soo sheegnay qaybtii hore ee arrimaha lagu asteeyay bisha Ramadaan. Mar kale, waxaan is dul taagi doonnaa dhowr xadiis oo innoogu filan xiiso-gelin, naallo iyo in loo tabco bisha Ramadaan.
Rasuulka Allah (nnkh) waxaa laga soo weriyay in uu yidhi:
1. “Haddii Ramadaan soo gasho waxaa furma albaabada jannada.”
(( إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة )).
2. “Haddii ay soo gasho Ramadaan waxaa furma albaabada samada, waxaa xidhma irridaha jahannama (naarta), waxaana la dabraa shaydaamada.”
(( إذا دخل شهر رمضان فتحت أبواب السماء وغلقت أبواب جهنم وسلسلت الشياطين )) .
3. “Qofkii isu taaga habeenka Qaddarta isagoo aaminsan kuna xisaabtamaya waxaa laga dhaafaa waxii uu denbi hormarsaday, qofka sooma Ramadaan isagoo aaminsan kuna xisaabtamaya waxaa laga dhaafaa waxii uu denbi hormarsaday.”
(( من قام ليلة القدر إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن صام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه ))
4. “Jannada waxaa ku sugan albaab la yidhaado “Al-Rayyaan” kaasoo, maalinta qiyaamaha, jannada ay ka galaan dadka soomman, mana galo cid aan iyaga ahayn.”
(( إن في الجنة باباً يقال له الريان يدخل منه الصائمون يوم القيامة ، لا يدخل منه أحد غيرهم)) .
5. “Bisha Ramadaan horraanteedu waa raxmad, dhexdeedu waa denbi-dhaaf, dhammaadkeeduna waa naarta oo laga xorroobo.”
( إن أوله رحمة وأوسطه مغفرة وآخره عتق من النار ).
6. “Shanta salaadood, Jimcaha ilaa Jimcaha kale, Ramadaan ilaa Ramadaanta kale waxaa dhexdoodu ku sugan denbi-dhaaf haddii aan lagu dhicin denbiyada culus.”
(الصلوات الخمس ، والجمعة إلى الجمعة ، ورمضان إلى رمضان ، مكفرات ما بينهن إذا اجتنبت الكبائر)
7. “Camal kasta oo ubadka Aadam ku kacaan (wanaagga) waxaa loo laban-laabaa toban ilaa toddoba boqol oo jeer. Allah waxaa uu yidhi: Soomku kuma jiro, aniga ayuu ii reebban yahay. Anniga ayaana ka abaaliya qofkii cuntadiisii, cabiddiisii iyo shahwadiisii u dhaafay dartay (Ilaahay dartiis).”
(( كل عمل ابن آدم يضاعف ، الحسنة بعشر أمثالها إلى سبعمائة ضعف ، قال الله عز وجل : إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي ؛ يدع طعامه وشرابه وشهوته من أجلي )).

La soco Qaybta 4aad ……