Ramadaan.1jpgSOOMKA, Weydiin & Warcelin
Xassan Cumar Hoorri

Qaybta 1aad

Alxamdulillah. Mahaddu Allah ayay u sugnaatay. Allaha innagu galladay nimcada Islaamka. Nabad iyo naxariista Eebbe korkiisa ha ahaato, Muxammed, ergayga Allah u soo diray addoomahiisa si uu uga saaro mugdiga, uguna yabooho libinta ifka iyo liibaanta aakhiro.

Qormadan waxaan ku eegi doonnaa weydiimo la xidhiidha bisha Ramadaan iyo sidii ay culimada Islaamku uga warceliyeen. Allah ha ka abaaliyo culimada aan ka soo dheegannay, aniga (qore) iyo adiga (akhriste) Allah ha innoogu kordhiyo miisaanka samaheenna.

1. Waa maxay Soomku?

Marka laga eego dhinaca afka, erayga “soom” waxaa uu ka soo jeedaa afka Carabiga, waxaana dulucdiisu tahay “xakame” uu qofku kaga af-haysto wax badan oo nafto jeclaysato. Xataa haddii qofku afkiisa xidho ama uu iska xakameeyo hadalka waxaa la odhan karaa qofkaasi waxaa uu ka soomay hadalkii.
Allah waxaa uu Maryama ku yidhi:
“Haddii aad dadka midkood ka aragto waxaad u sheegtaa, anigu Raxmaan ayaan u nadaray (nidar ugu galay) soom (af-xidhasho) maantana cidna la ma aan hadlayo.”

“فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَداً فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَنِ صَوْماً فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيّاً”.

Hase ahaatee, marka laga eego dhinaca sharciga, erayga “soom” waxaa looga gon leeyahay in loo hoggaansamo Allah iyadoo laga af-haysanayo cuntada, cabidda iyo afurka sida shahwadda, laga bilaabo waaberiga ilaa ay qorraxdu ka dhacayso.
2. Maxaa lagu asteeyaa bisha Ramadaan?

Bisha Ramadaan waxyaalaha ay kaga mudan tahay bilaha kale waxaa ka mid ah in uu Allah (subxaanahu wa tacaalaa) soo dejiyay “Quraanka”.

“Bisha Ramadaan waa tii uu dhexdeeda soo degay Quraanku kaas oo hanuun u ah dadka, caddayn (hanuunka) iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka. Markaa ha soomo qofkii bishu ugu soo gasho negaansho.”

شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان فمن شهد منكم الشهر فليصمه”

Mudnaanta bisha Ramadaan waxaa kale oo ka mid ah in uu dhexdeeda ku jira habeen ka khayr badan kun bilood ama 83 sannadood. Allah waxaa uu yidhi:

“Annagaa soo dejinnay (Quraanka) habeenka Qaddarta (sharfta leh), maxaad ka taqaanaa habeenka Qaddarta, habeenka Qaddartu waxaa uu ka khayr badan yahay kun bilood.”

“إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ , وَمَا أَدْرَاكَ مَا لَيْلَةُ الْقَدْرِ , لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍ”

Sidaa awgeed, qofka Muslimka ah waxaa xil ka saran yahay in uu raad-raaco Rasuulka Allah si uu ugaga daydo dhaqankiisa suuban. Rasuulka Allah (nnkh) waxaa lagu tilmaamsadaa deeqsinimo. Waxaana la sheegay in uu ugu deeq badnaa bisha Ramadaan. Ibn Cabbaas, Allah raalli ha ka ahaado isaga iyo aabihiisba, waxaa laga soo weriyay:

“Nebigu (nnkh) waxaa uu ahaa ka dadka ugu deeqda badan. Waxaana uu ugu sii deeq badnaa bisha Ramadaan habeen kasta marka uu la kulmayo Jibriil si uu ugu subciyo Quraanka.”

كان رسول الله صلى الله عليه وسلم أجود الناس ، وكان أجود ما يكون في رمضان حين يلقاه جبريل وكان يلقاه في كل ليلة من رمضان فيدارسه القرآن “.

Sidaa darteed, Rasuulka Allah (nnkh) waxaa looga daydaa in la ebyo (khatimo) akhriska quraanka. Taas ayaa ah sababta in badan oo masaajidada ka mid ah, habeen kasta, salaadda taraawiixda loogu akhriyo jis Quraan ah si bisha loogu khatimo 30ka jis.

3. Waa maxay xukunka Soomku?
Sida ku cad kitaabka, “soomku” waxaa uu yahay faral Allah ku waajibiyay addoomahiisa. Soomku ma aha cibaado ku kooban ummadda Nebi Muxammed (nnkh), balse waxaa uu waajib ku ahaa ummadahii innaga horreeyay.

“Kuwa rumeeyow waxaa la idinku waajibiyay in aad soomtaan sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay si aad u dhowrsataan.”

“يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون”.

Isla markaa, “Soomku” waxaa lagu jideeyay sunnaha. Rasuulka Allah (nnkh) waxaa uu yidhi:.

“Islaamka waxaa lagu dhisay shan, qiridda Allah mooyee in aan ilaah kale jirn, in Muxammed uu yahay ergayga Allah, oogidda salaadda, goynta dagada, gudashada xajka, iyo soomka Ramadaan.”

بني الإسلام على خمس، شهادة ألا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وحج البيت، وصوم رمضان”،

Waxaa la isku raacsan yahay soomka in la faral yeelay sannadkii labaad ee hijrada iyo Rasuulka Allah (nnkh) in uu soomay sagaal sannadood.

4. Waa maxay xikmadda soomku?

Allah, hufnaa oo sarray, sida uu innoo sheegay xikmadda soomku waxaa ay tahay “si aad u dhowrsataan” {لعلكم تتقون}. Ujeedadu waxaa ay tahay in la hiigsado dhowrsanaan taasoo lagu hanan karo marka loo hoggaansamo waxii Allah inna faray, lagana gaabsado waxii uu innaga reebay.

5. Maxaa loo yidhi soomku waa raxmad?

Bisha Ramaadan, gebi ahaan, waxaa Muslimka ugu sugan raxmad iyo naxariis. Allah, hufnaa oo sarray, waxaa uu addoomihiisa ka ilaaliyay wax kastoo ka baxsan awoodooda.

1. Soomka, waxaa Allah ku soo koobay maalmo tirsan. Mana aha faral lagaa sugayo maalin kasta.
2. Waxaa la innagu waajibiyay dharaartii oo lama faral yeelin habeen iyo dharaar.
3. Waxaa la innaga reebay in aan soomka isku xidhiidhino dharaar iyo habeen.
4. Qofkii, si aan u la kac ahayn, isagoo ilowasan wax cuno ama biyo caba kama jabin soomku. Waxaa uu ka dhigan yahay qof Allah waraabiyay ama dhergiyay.

La soco qaybta 2aad……..
By. Xassan Cumar Hoorri
hassanhorri@gmail.com