W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shiine

1 : Mudane Madaxweyne Qodabadii aad ku xidhay sucuudiga markii aad dhoofaysay ka hor ma lagaa aqbalayaa?

2 : Mudane Madaxweyne diyaaradii aad ku dhooftay ma dawalada sucuudigaa ku soo dirtay, mise waad soo kiraysatay ?

3: mudane madaxweyne markii aad dhamaysatay wajibaadka xajjaka sucuudiga ma kala hadashay danaha dalka aad madaxda utahay ee Somaliland ?
4: mudane Madaxweyne Sharciga Somaliland intee n leeg ayaad ku xad gudbtay markii aad la kulantay masuuliyiin ka socoda dawaladda Federaalka ah ee Soomaliya?
5 maxaad ka wada hadasheen masuuliyiintii Soomaaliya ee aad la kulanteen?

6: mudane madaxweyne wasiirka maaliyada somaliya muadane Abdirahman Duale Beyle  oo ka mid ah masuuliyiintii aad wada kulanteen waxa uu sheeegay inay umadda somaliyeed u oomanyihiin dib uheshiisiin dhab ah hadalkaasi sidee buu kuu saameeyay adiga?

7:  mudane madaxweyne guddomiyaha xisbiga waddani cabdiraxmaan ciro iyo masuuliyiinta sarsare ee xisbiga waddani adiga iyo xukuumadaadu waxaad ku eedaysaan inay xidhiidh la leeyhiin masuuliyiinta xamar adigu kulankan aad layeelatay wasiiradda maxaad kaga jawaabaysaa?

8: odoyaashii dhex-dhexaadinta idinka dhex  waday xukuumadaada iyo kornayl  caarre  waxay sheegeen inay adiga kula sugayaan makaa ma kaa go’antahy inaad degdeg u bilowdo arrinkaas?

:- sida ugu haboon ee madxweynuhu uga jawaabi karo su’aalahan waa isagooo aan la hadlin warbaahinta oo soo dira Afhayeenka Madxatooyadda

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.