Allaah ha u naxariistee marxuum Dr. Cabdi Ismaaciil Xuseen oo ahaa aqoonyahan bartay cilmiga caafimaadka dadka iyo habka maareynta ayaa Salaasadii taariikhdu ahayd 21/4/2020 ku geeriyooday Hargeysa, waxaana Arbacadii 21 April, 2020, lagu aasay xabaalaha ku yaala waqooyiga Caasimadda Hargeysa.

Marxuunka oo ahaa rukun ka mid ahaa rukunadii soo yagleelay taabo-galinta nidaamka maamul ee ay ku dhisan tahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaada ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuunku waxa uu ku dhashay Caasimadda Hargeysa Sannadkii 1962-kii, yaraantiisii waxa uu waxbarashadiisii ku soo qaatay dugsiga hoose ee Bulaxaar, halka dugsigiisii dhexena uu ka soo baxay  dugsigii Cadaadlay, ka dib, markii uu dhammaystay dugsigiisii sare ee first July, waxa uu galay Jaamacada Culuunta Caafimaadka sannadkii 1981-kii-1985-kii.

Markii uu dhameystay jaamacada waxa uu ka hawl-galay Cusbitaal ku yaalay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, Bisha Juun Sannadkii 1986-kii illaa iyo Bishii August Sannadkii 1987-kii, wakhtigaas ka dib, waxa uu shaqo ka hellay hay’adda samo-falka ka caawisa Somalia Xakameynta cuddurka Qaaxada Somalia/Finland National TB Control support and training program, waxaanu ka noqday madaxa waaxda Dadka la qabatimoomay cuddurka Qaaxada “Head of TB Chronic /Failure  re-treatment department and TB consultant Bishii February Sannadkii 1987-kii illaa iyo Bishii August Sannadkii 1989-kii.

Allaah ha u naxariistee waxa kale oo uu la soo shaqeeyey Hay’ada Medicine Sans Frontier’s oo uu ka soo noqday isuduwaha mashaariicda Somaliland ee Hay’adaas Bishii December Sannadkii 1989-kii illaa iyo Bishii February Sannadkii 1996-kii , isla markaas waxa loo diray koonfurta galbeed ee dalka Afganistan oo uu ka soo noqday  Madaxa Mashruuca Midaynta Goobbaha Adeegyada Caafimaadka “Integrated PHC Programme,” Bishii May Sannadkii 1996-kii illaa iyo Bishii October  Sannadkii 1996-kii, markii danbena waxa loo magacaabay iskuduwaha mahsaariicda hay’adaas illaa iyo Bishii September Sannadkii 1997-kii,  markii uu ka soo noqday dalka Afgaanistaan waxa uu xubin ka noqday Health Sector Reform ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuiryada Somaliland, Bishii Oct sannadkii 1997-kii illa iyo Bishii April sannadkii 1998-kii

Xubnahaas oo ahaa rukunadii dajiyey dib-u habeynta waaxyaha caafimaadka, xeerarka, siyaasadaha, iyo nidaamka maanta ay ku shaqeyso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ka dib, waxa loo magacaabay Agaasimaha Cusbitaalka Qaaxada ee Caasimada Hargeysa Bishii  April Sannadkii 1998-kii illaa iyo Bishii May Sannadkii 2001-kii, mar kale ayaa loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa Bishii May illaa iyo 14-Bishii May  Sannadkii 2002-dii, xiligaas oo Madaxweynihii hore ee JSL, (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal xilka ka qaaay,  (waxaanu noqday masuulkii ugu horreeyay ee taar xilka lagaga qaado ).

Markii danbe waxa loo dhiibay jagada iskuduwaha mashruuca talaalka qaranka   (coordinator national EPI programe) oo uu hayey xilkaas illaa iyo 31-kii Bishii August Sannadkii 2003-kii, ka dibna waxa uu noqday Bishii September Sannadkii 2003-dii  Agaasimaha waaxda cuddurada faafa iyo caafimaadka guud (Director Department of Communicable Disease Control and Public Health).

Markii uu ka tagay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa uu shaqo ka hellay hay’adda Coopi oo uu ka ahaa wakiilka u fadhiya Somalia iyo Somaliland.

Allaah ha u naxariistee marxuunkaasi  waxa uu guursaday hal dumar ah oo u  dhashay sagaal caruur ah (Lix wiil iyo Saddex hablood).

Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo magaca shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Cabdi Ismaacill Xuseen in uu Eebe   samir iyo iimaan ka siiyo,  iyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti