Mahad-naqa IILAAHAY iyo Saliga Rasuulka kadib.

qoraal
Somaliland ma laha Jaamacad ama Mac’had lagu barto culuunta Siyaasadda (Political Science), laakiin waxa bedelkooga galay xisbiyadda dalka ka jira, sida UCID, WADDANI iyo KULMIYE. Xisbiyadani waxa ay duruusta siyaasadda ee caalamiga ah ku soo kordhiyeen darsi CURAD ah oo dhibaato weyn ku hayay bulshada oo la rabay in ay daawo ka noqdaan, darsigaagsi waa ‘QABYAALADDA’.
Hordhacaas kooban kadib, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa oo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Siilaanyo waxa uu noqday jaamacadda ugu weyn oo ay ka soo qallin jabiyaan siyaasiyiinta ugu tunka waaweyn Somaliland. Siyaasiyiintaas qaar kamid ah waxa ay Jaamacadda KULMIYE ku diyaariyeen digriiga 1aad (first Degree), halka qaar kalena ay ku diyaariyeen digriiga 2aad (Second Degree).
Sidaas awgeed, kooxdii shalay iscasishay oo dalka wax weyn u soo qabtay waxa aan ku tilmaami karaa in ay ka mid yihiin siyaasiyiinta first degree ka qaatay Jaamacadda KULMIYE. Kooxdaas waxa aan kula tallin lahaa in ay heerarka waxbarasho ku dhamaystaan Jaamacadda ay ka baxeen, kuna dadaalaan in ay isbedel sameeyaan, sidoo kale, waa in ay hambalyo iyo shahaado-sharaf ku maamuusaan hormuudka Jaamacadda ay ka baxeen (Waa Madaxweyne Siilaanyo’ee) oo fursad weyn siiyay.
Xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan axsaabta waxa aan u soo jeedinayaa in ay ku dadaalaan sidii ay dib u habayn ugu samayn lahaayeen manhajkooda oo ay ka saaraan darsiga QABYAALADDA kuna bedelaan darsiga MAB’DDA iyo HORUMARKA.
ALLAA MAHAD LEH
Mustafe Adam
Suxufi Madax bannaan
kibaaro@gmail.com