Soomaalidu waxay dhibaato iyo dawlad la’aan ku jirtay soddon kii sano ee ugu danbeeyay. Waxay la kulmeen dhibaato kasta oo bini’aadan ku dhici karta oo ay k amid yihiin qax, gaajo, macluul, dagaal, qaxoonti, harraad, xanuun iwm. Waxaa intaas u dheer in uu isbaddalay qiyamkii, mabaadiidii iyo halbeegyadii bulshada soomaaliyeed taas oo ay keenayso xaaladahaas kala duwani. Sannadihii ugu danbeeyay waxaa muuqanaysay inay ka soo kabanayaan qaybo ka mid ah nidaamkii dawladeed ee burburku ku yimi dibna ay usoo noqonayso xasilloonidii iyo kala danbayntii meelo ka mid ah dhulka soomaaliyeed

Haddaba iyada oo Soomaalidu ay imika ku jirto xaalad kala guur ah ee doorasho, shirna ay ku qabsanayaan magaalada garowe kaas oo ay kaga arrinsanayaan mustaqbalka Soomaaliya ee sannadaha soo socda, waxaan jeclahay inaan u soo jeediyo in madaxda iyo mudan ka kale ee halkaas ku kulmayaa ay muhiimadda sannadaha soo socda ay ka dhigtaan kuwan soo socda.

 

1.     La heshiisiinta iyo xal u helidda ururka Alshabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan: Waxaa muhiim ah in madaxda Soomaalidu ay wajahaan xaqiiqada dhabta ah ee ah in ay wada hadal la furaan cid kasta oo kasoo horjeeda oo ay ugu horreeyaan kooxaha hubaysan.

 

2.     Dhammaystirka Dastuurka iyo xeerarka kale ee muhiimka u ah dawlad dhiska: Dawladnimadu waxay ka bilaabantaa dastuurka markaa waa in muhiimadda koowaad laga dhigo sidii ku meel gaadhka looga saari lahaa. Waxaa muhiim ah iyaduna in la diyaariyo shuruuc iyo xeerar ka hadlaya kala xadaynta iyo wadashaqaynta qaybaha dawladda, awoodaha dawlad goboleedyada, gobollada iyo dawladda dhexe.

 

3.     Dib u heshiisiinta iyo soo celinta kalsoonida bulshada ee dawladda: Soomaalida waa ay kala aamin baxday waxaana soo maray dhibaatooyin dhexdooda ah ilaa intii ay dawladda noqdeen. Markaa waxaa loo baahan yahay in dib u heshiisiin daacad ah laysugu keeno inta aan laga hadal sidii ay dawlad u wada yeelan lahaayeen.

 

4.     Kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta: Sannadaha soo socda waa in madaxda soomaalidu awoodda saaraan sidii dhaqaalaha dalka iyo dadkaba kor loogu qaadi lahaa iyada oo la hagaajinayo nidaamka cashuuraha iyo isla xisaabtanka, garsoorka iyo caddaaladda, maalgalinta dibadda iyo gudaha, kala xadaynta ganacsatada iyo shaqo abuurka.

 

5.     Kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo noloshooda: adeegyada bulshad oo ay ugu horreeyaan biyaha, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta deegaanka, ciyaaraha, hiddaha iyo dhaqanka iyo adeegyada kale ee bulshadu u baahan tahayba waa in kor loo qaadaa lana wanaajiyaa nolosha bulshada soomaaliyeed.

 

6.     Maamul wanaagga iyo yaraynta Musuqmaasuqa: dalwad kastaa waxa ugu wayn ee ay ka shaqayn kartaa waa in ay horta maamulkeeda wanaajisaa dadkana ugu shaqaysaa daacadnimo, hufnaan iyo daahfurnaan. Taasi waxa ay sababaysaa in adeegyada bulshada loo qabanayaa ay noqdaan kuwo sidii loogu talogaly u qabsooma keeni kartana in bulshadu kalsooni buuxda ku qabto dalwadnimada yaraysan ku tiirsanaanta qabiilka iyo qabyaaladda. Dhanka kale musuqmaasuqu waa cadawga dawladnimada sidaas darteed waa in si kasta oo loo yarayn karo loo yareeyaa.

 

7.     Dhisidda awoodda ciidamada kala duwan ee dalka: dawladnimadu waxa ay u baahan tahay ciidan ilaaliya oo ka dhisan dhanka awoodda, aqoonta, akhlaaqda iyo dhaqankaba. Maadaama oo Soomaaliya dawladnimadeedii dib la doonayo in loo soo celiyo waxaa iyaduna muhiim ah in sannadaha soo socda awoodda la saaro in la diyaariyo ciidamo kala duwan oo awood dhinac kasta ah leh.

 

8.     Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta khayraadka dalka: Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa iyaduna muhiim u ah in dhisiddooda, dayactirkooda iyo ballaadhintoodaba. Waxaa ka mid ah kaabayaasha dekedaha, waddooyinka iyo madaarrada. Waxaa sidoo kale muhiim ah horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee dalka sida xoolaha, kalluunka, beeraha, macdanta iyo shidaalka. Waxaa muhiim ah in iyaduna in si caddaalad iyo sinnaan ah loogu qaybiyo bulshooyinka iyo gobollada kala duwan.

 

Waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga madaxda soomaalidu waa in ay mar kasta niyadda ku hayaan burburkii dawladnimadii Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii umadda soo gaadhay,go’aan kasta oo ay gaadhayaanna ku saleeyaan maslaxadda umadda soomaaliyeed iyo sidii loo noqon lahaa qaran jira oo adduunka ka mid ah.

 

WAARI MAYSIDE WAR HAKAA HADHO.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

ALLAA MAHAD LEH

 

CABDIFATAAX RASHIID MAXAMED

HARGEYSA, SOMALILAND