Araweelo News Network

Culimada Qur’aanku waxay intooda badan isku waafaqsan yihiin in Qur’aanku ka kooban yahay 114 suuradood inkasta oo culimada qaar ay yidhaahdaan wuxuu ka kooban yahay 113 suuradood, sababtana ay ku tilmaameen suuradda loo yaqaan Al-Anfaal iyo suuradda ku xigta ee aan bisinka lahayn ee loo yaqaan Al-Tawba inay iskaga dhigan yihiin suurad keliya, maadaama ay yihiin laba suuradood oo isku hab-dhac ah, qaddiyado isku dhaw dhawna ka wadahadlaya, Nebiguna aanu odhan bisin ha loo dhexaysiiyo.
Suurad: Waa ereyo isku xidhan oo hab-dhac hufan wada leh, sunsunkooda bar bilaw amma bar dhammaadna isku si u wada jaan go’an yihiin oo sida dhacdooyin iyo qawaanniin isku tiirsan oo midba ka kale micnaynayo oo leh macaan gaar ah marka la fahmo akhriskooda iyo micnahoodaba, waxaana ugu yar saddex aayadood.
Sida aynu ka wada dheregsannahay Qur’aanku wuxuu isugu xig xigaa si farshaxanaysan oo aanu dadku talo ku lahayn, kaas oo ka soo billaabma suuradda Faatixada, kuna dhammaada Qul Acuudu Birabi Naas, sidaa darteed uma habaysna sidii uu u soo kala hor degey ee wuxuu u habaysan yahay sidii u kaga soo degey Looxul Maxfuudka.
Magacyada Suuradaha:
Magacyada Suuradaha Qur’aanku waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah suurado magac keliya leh oo aan loo bixin karin magac labaad iyo suurado leh in ka badan hal magac.
Suuradaha halka magac leh tiradoodu waxay gaadhaysaa 74 suuradood halka suuradaha magacyada badan leh ay yihiin 40 suuradood…(buugga ayey ku xusan yihiin magacyada Suuradahaasi, laakiin wargeyska way ku dheeraanayaan in lagu qoro dhammaan magacyadaas).
Dhererka Suuradaha
Suuradaha Qur’aanka marka laga eego dhinaca dhererkooda waxa loo qaybiyaa afar qaybood oo kala ah:
• Ad-Diwaal: oo looga jeedo suuradaha ugu dhaadheer.
• Almi’iin: waa suuradaha tiro ahaan ku xiga suuradaha dhaadheer.
• Al-mathaanii: waa suuradaha aayadohoogu boqolka ka yar yihiin
• Al-Mufasal: waa suuradaha ugu yaryar Qur’aanka.
Suuradaha loo yaqaan Ad-Diwaal waxa lagu tilmaamaa inay yihiin toddobada suuradood ee Qur’aanka ugu dhaadheer, waxaanay kala yihiin’ Suuratul Baqara, Aala Cimraaan, An-Nisaa, Al maa’ida, Al-Ancaam, Al-Acraaf iyo Suuradda Yuunas.
Qaybta labaad oo ah Suuradaha Almi’iin amma Mi’uun waxa lagu tiriyaa inay yihiin suuradaha tiro ahaan ku xiga suuradaha dhaadheer. Tirada aayadohoogu waxay gaadhaan boqol aayadood amma wax yar ayey dhaafaan, laakiin waxay ka waabsan yihiin suuradaha kale ee dhaadheer ee aynu kor ku soo xusnay, tiradooduna waxay gaadhayaan 24 suuradood.
Qaybta saddexaad oo ah Suuradaha Al-mathaanii waa suuradaha aayadohoogu boqolka ka yar yihiin oo ka billaabma suuradda lagu magacaabo Al-Axsaab ilaa inta laga gaadhayo Suuradda Qaaf, tiradooduna waa 18 suuradood.
Qaybta ugu dambeysa ee loo yaqaano Al-Mufasal waa suuradaha ugu yaryar Qur’aanka. Sababta loogu bixiyey magacaasina waa sida degdega ah ee ay u dhammaadaan amma bisinka faraha badan ee u dhexeeya laba suuradood oo kasta.

Cabdillahi Beershiya……. cabdilahibeershiya@gmail.com