Mohamed and his sonWaxa I soo maray toddobaad murugo, toddobaad aan nolasha ka bartay wax aanan ka baran cimri gay. Waxa aan xaqiisaday sida talaabo kasta oon qaadayna u baahantay oggolaanshe Alle, waan aaminsanaa bal se hadda dhab ayaan u taabtay iyo si gooni ah oo sahlan. Adoo bari is leh aad ayaad u dhaqaaqi Galbeed adoo waqooyi dooni ayaad koonfur u boqooli haddaan Alle ku waafajin.

Mohamed Axmed and his family
Ubadku waa ammaano Alle inagu deeqay, sida nafteenu lafteedu inoogu tahay ammaano. Alle xiliga uu doono ayuu ammaanadiisa la noqdaa. In yar ayaa taas xusuusan inta ka horeysa kolka loo yeedho. Waxa aynu nahay mayd socda, waxa dhammaan yar iyo weyn, rag iyo dumar, maalqabayn, iyo qaataa ma dhergi waa mid aynu u simanay, qofba dharaarta Ebbe u yeedho uu xijaaban, uu dunida ka baqooli.

Alle waxuu I siiyey wiil baari ah, wiil aan waligii iga cadheysiin, wiil kolkaan ku qayliyo aan ii jawabin, madaxa hoos u roga, deedna raali gelin madaxa iga dhunkada, wiil jaceylka aniga iyo hooyadii iyo walaashi ka horeysiiya naftiisa . Wiil xaaskiisa iyo inanka uu dhalay u diyaariya mustaqbal wacan, ku fakira berrito haddu Alle u yeedho waxa uu uga tegaayo. Wiil yaqaan culeeska deyntu leedahay oo iska bixiyey meherka inta badani xalaashato. Wiil ogsoon inaan geeri meel dheer jirin. Dardaarankiisu joogto yahay. Siduu u xaqiiqsanaa geerida iyo siduu u aaminsanaa shaqada ayaa ahyd rumeyn uu si ficil ah u rumeystay xadiiskii Rasuulka SCW ee ahaa “ Aaakhirana u shaqayso sidaad manta dhiman, adduunkana u shaqeeye sidaad waligaa jireyso”.

Axmed Arawo and his son

Waxuu ahaa nin dadiisa ka weyn, ka waayo aragsan, ka fikir dheer, aan waqti kaga lumin waxaan if iyo aakhiro waxyeelo mooyee aan waxtar lahayn. Nin ag gaaban oon aqoon xan, xaasid, xumayn. Nin afkiisa iyo gacantiisu waxtar mooyee ayna waxyeelo aqoon. Nin salaanta islaamka aan dhaafin, cidda uu la macaamilaayo gaal iyo muslinba ula dhaqma ixtiraam iyo wanaag. Deeqsi sadaqada hoos u bixiya ehelna sooryeeya, saaxiibna taakuliya, caruur iyo ciroolaba nin ka qosliya,kaftan aan turxaan lahayn iyo waano ku maaweeliya dhalinta.
Maxamed waxuu ahaa nin yaraan ku tabo galay, iskey barbartaagay, hawsha aan loo tilmaamin, is dira oo garashada Alle siiyey ay aad u sarayso. Meel kasta oo waxqabad u baahan ishiisu wey qabata,gacantiisuna ma dhaafto.
Waxuu ahaa nin hamo dheer oo rabay inuu dhiso boqortooyo ganacsi. Waxuu u baahnaa taageeradeyda oon ka baaqday. Waxaan Isla garanaya Ramadaan ka hor inaan hawl galno oo hamigiisa aan gacan qabto iyo Hargeysa oon ka bilowno. Waa mid ay adagtay inaan xaqiijiyo kol haddaan waayey xamaasaddii iyo awoodi Maxamed.
Waligey kama warwerin in Maxamed meel qaloocan maro, ruux dhalinyaro ku noqday waayeel, ka dhowr san xumaan, baari noo ah, jaceylka u noo hayaa ahaa mid aan qiyaas lahyn, mid laga helo ruux Alle hadeeyey, ayuu ahaa.

 

Soomalidu waxay tidhi Alle ma naxo ee wuu naxariistaa. Waa dhab. Maxamed wax yar ayuu xanuunsaday. Intabana samir, iyo adkeysi uu nooga naxay werwer ayuu ku qariyey. Waxuu ka dhigay arrin sahlan, isagoon afkiisa “waan wacanay iyo Alxamdulilaa” maahee aan wax kale laga maqal. Waxaan qoomameeya waa maqnaansha anigoo wax mashquul ah hayn, anigoo awood caafimaad iyo mid maadiba haya, Alle iima qorin inaan nolol ku gaadho. Talaabada qoran, waxaan gaadhay isagoo mootan maalin.
Waxaanan iloobi kareyna sida uu sida ubadka noola macaamili jiray. Kolkuu guriga soo galo, waxuu sida cuntu, waxuu sida macmacaan, waxuu sii qaada dhar u baahan kaawiyad, isagoo ka qarinaya hooyadi. Waxa noo soo noqda dharkii oo bcaysan sidii ooy yihiin dhar cusub. Marna ma aha wax aanu u dirnay, waliba waanu ku canaantay wax badan. Dhig uma dhigo oo ma jecela in aniga iyo hooyadii gacan u qaadno hawl nooc kastaba ha ahaatee. Guriga meelaha u baahan dhismaha, gidaar amba loox mar uu arkay garanmeysid waa isagoo garaacaaya, toosinaaya, cid ugu yeedhaaya haddii loo baahdo.
Waxaan xusuustaa sida wiilkiisa yar uu noogu xidhay, waa isagoo sida, oo noo keena, kuna afbartay awoowo iyo ayeeyo. Allow nooga dhig mid na xusuusiya wanaagii Maxamed.

Waa ammaano Alle la noqday. Waxaan is dhex dhigay duco iyo xusuus kolba ay ilmadu indhaheyga buuxshaan. Ma jirto cid ila wadaagta, cid og dhibta I heysata, cid faataxada ila ajiibta. Waa diyaarad dhexdeed iyo habeen guure. Ducada waxaan raaciyaa mid dhankeyga ah oon Alle ka baryo inuu iga dhaafo waxaan ka gaabiyey Maxamed. “Allow amaanadaada haddaan hagaajiyey Maxamed ugu naxariiso, haddaan hagradayna Allow iga dhaaf, Maxamedna ku abaal mari jaceylka uu noo hayey”.
Waa subax hore, saacaddu waa lixdi subaxnimo, waa axad 9kii November, waxaan ka soo baxay madaarkii iyadoo ay iga horyimaadeen ehelki. Waan adkeystay oo afkaan xidhay laakiin indhaha iyo sanka kama ilaalin karo qoyaan iyo ilmo. Dariiqa Cardiff, waxuu no ahaa aamus. Murugo se waa ta guriga igu sugaysa oo ehelkii oo dumar u badani joogaan. Waxba idiinkama tilmaami karo dhacdadii oo waa mid aydin iska garan. Waalow ayna jirin baroor,iyo qaylo.

Waxaan balan leyga sameeyey inaan Maxamed ku siyaarto qolka maydka. Waxa la soo dhigay qol loogu talo galay in ehelku ku siyaarto, oo aad u nadiif ah, u gaar ah oo dugsoon. Waan is dul tagay oon aad indhaha u dul dhigay wiilkaan jeclaa oo mayd ah. Madaxiisaan gacanta saaray deedna quraan iyo duco ayaan bilaabay. Dhegta midig ayaan kaga eedaamay. Waligay mayd ma arag cidini waxba iima sheegin. Waa ani iyo dareenkey. Gacantaan wajiga mariyey, gadh qurxoon oo isku buuxa oonan waligay ku arag yaan u salaaxay, dibnaha iyo indhaha yaan qunyar gacanta mariyey. Deedna jidhkiisa kale oo asturan ayaan quraan dacal ilaa dacal ku akhriyey.

Waxaan dareemey in Maxamed I maqlayo oo balan iyo hadal ayaan dhegta u saaray. Waan farxay oo wajiga Maxamed waa mid nuuraaya, waa mid u heelan inuu u boqoolo dhinaca Alle. Waa waji ehlu janno. Waxa qolka igu weheliya Laba walaaladay ah iyo seddex wiil oon abti u ahay iyo wiil aan ilmaadeer nahay.Dhammaan duco iyo quraan akhris ayey wadaan, ilamaduna labada dhaban ayey ka da’aysaa.

Waxaan isku daynay in xabaasha naloo dedejiyo oo burrito oo isniin ah nalooga dhigo. Gaalo Axadda ma shaqayso laakiin waa naloo furay xafiiskii Dhimashada ee Dawladda Hoose, kolkii warqaddi dhakhtarka aanu dhiibnay ayaa wax yar oo meel ku qoran ay gabadhi hoos u akhriday. Dhakhtarka saxeexay ma aha kii maydka arkay, oo waxuu ku qoray inaanu maydka arag bal se uu la hadlay dhakhtarkii kale. Waa amar Alle oo ruux waliba ayaanta uu xabaasha galaayo wey cayimantay dhinaca Alle.

Waa isniin iyo rag iyo dumarkii Cardiff iyo meelo kale oo badan oo gurigeyga ku soo qulqulaaya. Waa dad wacan oo qoys keliye u dhaqma. Waa leyla qaybsaday murugada. Waxa socdaal dheer soo galay reer Holland, Sacuudiga, Maraykan, iyo Kanada ehel ka yimid. Saaka waxa iyagu si lexaad leh u yimid reer London, Manchester Bristol, iyo Birmingham.

Salaadii duhur ayaan masjidka Grangetown oo gurigeygu ku yaalo oo ah mid ay maamulaan Pakistaani u salad tagnay. Salaaddi ka dib ayuu iimamaki makarafoonka qabsaday: “Waxaan u duceynaynaa marxuumka Maxamed Axmed Xasan Carwo”, ilma indhaha I buuxisay, duco dheer oo wacan oo qiimo leh ayuu akhriyey anaguna aamiin ka dibo nidhi. Waxa xigtay in dhammaan la kacay oo laabta laabta ley saaray oo tacsi kal iyo lab ah ruux ruux loo qadimey. Maa sha Alla. Islaamnimadu wacana, waa kolkaad ogaanayso inaynu nahay ummad keliya.

Wey idinku dheertay ee aan intan ku soo xidho ilaa kulan kale.Waa inoo qormada labaad Insha Allah iyo maalintii aaska iyo shucuur lama iloobaan ah. Maalin dheer, dareen gooni ah, iyo dhacdooyin lama filaan ah aan la kulmay. Dharaar aan yaqiinsaday in wiilkeygu Alle u noqday isagoo ka raali ah. Waa qabrigii oo u noqday guri ka mid ah guryaha jannada, Insha Allah.

Ahmed Arwo
07903744256