Tusaalayaal cajiib ah oo tilmaamaya wada noolaanshaha bulshooyinka
Shacabka ku dhaqan wadanka ku yaal badhtamaha qaarada Ameerika ee Guatamela waxay muddo aad u badan oo ku dhaw 500 oo sannadood la il darnaayeen gumaysi iyo adoonsi ay ku hayeen dadkii isticmaarka ahaa ee wadankooda xoogga ku qabsaday.
Arrintaasi waxay keenatay inay bilaabaaan kifaax hubaysan oo ku qaatay muddo dheer, waxase arrintaa kaga darnaa markii ay xornimada qaateen oo maamulka ay gacanta ku dhigeen dad naxariis daran oo ummada ku dhaqan wadankaas u kala saaray dadka tiro badan iyo kuwa laga tirada badan yahay.
Dadka dhibaatada badan la kulmay waxa ka mid ahaa dadka asal ahaan u dhashay wadankaas oo bulshada ku dhaqan kala badh ka ah, ayaa waxa loo gaystay gumaad xad dhaaf ah oo dhiigooda dhulka lagu shubay, xasuuq aan loo kala aabo yeelin iyo in la barakiciyyo oo dhulkii ay lahaayeen dad kale la siiyo.
Cagajuglaynta iy xasuuqa joogtada ah wuxuu dhalay in ummada ku dhaqan wadankaas gaar ahaan dad meelaha miyiga ah ay isku bedeleen dad ugaadh ah oo nidaam dawladeed marka lagu soo hadal qaado, u dida sida xoolaha duur joogta ah oo ku kalsoonaan waaya wax kasta oo lagu sheego inay dawlad ka soo jeedaan.
Dadka taariikhda Guatamela wax ka qoraa waxay sheegaan in marka la qiimeeyo mushkiladaha yaalay wadankaasi ay sababayeen in meesha laga saaro in si fudud loo xaliyo laakiin waxyaabaha cajiibka ah wax aka mid ahaa in sannadkii 1996-kii lagu dhawaaqay dib u habayn dhinaca qaanuunka ah oo si dhab ah u qeexaysay dadka la madhiyey meesha ay wadanka kaga jiraan iyo sida loola dhaqmi doono.
Waxa la aqoonsaday dadka asal ahaan dhulkaas u dhashay oo lagu magacaabo qoomiyada Maya, si loo hir geliyo dhawaaqaas waxa la isla gaadhay qoddobo ay ka mid yihiin:
• In wasaarada arrimaha gudaha iyo garsoorku aqoonsadaan dadka laga tirada badan yahay ee asal ahaan dhulka degenaa oo xuquuqdooda si caddaallad ah loo siiyo.
• Kala duwanaanshaha bulshada in lagu dhiso qawaaniinta dalku leeyahay
• In la horumariyo barnaamijyada joogtada ah ee lagu qeexayo garsoorada iyo xubnaha wasaaradaha ka sheqeeya arrimaha guud ee khuseeya dhaqanka dadka asal ahaan deggan waddankaas.
• In si aan lacag iyo kharash lagu xidhayn loogu turjumo dadka ku dhaqan wadankaas afkooda ay asal ahaan leeyihiin waxyaabaha khuseeya nidaamka garsoor iyo caddaaladeed ee la hirgelinayo.La soco…