sheekh Saleebaan125-kii may 2014-kii ayey ahayd markii wasaarada ganacsiga JSL ay maamulka haamaha keydka shiidaalka ee Berbera ay u soo magacabeen Sh. Saleebaan Siciid Cali inuu ka noqdo mareeye, iyadda oo hadda laga joogo muddo ku siman 7-da bilood ah, aynu is weydiino mudadaas uu majaraha u hayey maamulka haamaha Sh.Suliman Siciid Cali ma noqday maamul la mahadiyey,hiigsigii iyo himiladii uu balan qaaday maalinkii xilka lagu wareejiyey ka dhabeeyey ? inkasta oo su’aasha jawaabtaasi ay u baahantahay in bulshadu ka jawaabto,haddana anniga oo ka mid ah bulshada aan su’aashan jawaabteedu u taalo aan si korka xaadis ah oo aan ku dhaadhicis ahayn aan qalinka u dul eryo.
Sideedaba mas’uul marka xil loo dhiibo laba dariiq mid uun buu qaadaa,inuu ka soo baxo waajibaadkii loo xilsaaray,oofiyana balankii uu la galay bulshada uu u adeegayo masuulkii shaqada u igmaday iyo alle(SWT). Halka masuul ka kale uu qaado wado qaloocan,uuna dayaco kana soo bixi waayo waajibaadkii loo xilsaaray,umaduna haraamto uuna noqdo mid aan haakah la odhan maalmaha uu joogo kursiga.
Sh.Saleebaan Siciid Cali oo aynu kor ku soo xusnay inuu muddo 7-da bilood ah majaraha u hayey haamaha keydka shiidaalka ee magaalada Berbera muddadaa gaaban. ayaa noqday mas’uul ka soo baxay islmarkaana baro dheereryey intii qiyaas ahaan laga sugayey in sanadkii dhamaaday laga qabto haamaha keydka shiidaalka Berbera oo ka mid ahaa meelaha ay weli ka sii muuqdeen silica,dayacii iyo darxumadii dagaaladii sokeeyee ay dal iyo dad ba badeen,marka laga reebo dhawr haamood oo shiidaalka lagu shubo, waxay ay ahayd ceel wixii ku soo dhaca laga dhurto,oo aan isaga la darxumo tirin. Bal suureyso inta uu ceelkaasi sii shaqayn karo.
Waxa mudadaa kooban ee aan suurayn karno waxa tamar bani’aadam qaban karto,qabsoomay. Waa wax ku daysho muddan,wax la majeerto,wax lagu hirto oo mahadho iyo raad taariikheed aan sal guurayn oo sheydaanka laga naaro ka taga, kumanaan sano oo dambena aan duugbayn. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa hadalkaaga hortiina afeef baa la dhigtaa,guriga hortiisana afsaar baa la dhigtaaye, siddi aan qoraalkayga afeefta uga dhigtay in qalinkeygu uu yahay kor ka xaadis oo aan gawl gawli doono si gole ka fuula. Aan u daadago jawaabta su’aasha aan hore isu weydiinay.
Maxaaa qabsoomay mudadaa ?
Si aan su’aashan uga jawaabno si fudud oo bulshaduna u fahamto aan mid mid u tiriyo, si aan qalinku inoola taraarin aan soo qaadano uun mashaaricihii uu madaxweynaha Jamhuuriyada s/land mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xadhiga ka jaray23/01/2014-ka.
Taariikhda markii ugu horaysey laami casri ah ama laamida madaw oo 1000m(1km) oo la dhigay wadadii haamaha dhex marijirtay ilaa afaafka hore ee guriga madaxtooda magaalada Berbera, Iyo 50m oo wado shub ah oo dhex maraysa qaybta dambe ee keydka haamaha.Bilicda,dhiraynta,rinjiyada kala nooca ah, leydhadhka kor iyo hoos baa ad ku indha daraan darayso ee wadada ku meersan ayaa iyana ka midda sida kor loogu qaaday bilicdii iyo nadaafadii guud ahaanba kaamboolka haamaha. waxa la kordhiyey capacity-ga haamaha oo lagu daray 7000 oo miter ton, iyo 10,000 oo miter ton oo iyana madaxweynu dhagax dhigay laguna dhisi doono 3 bilood gudohood hadii alle idmo, halka capacity-ga haamuhu uu ka ahaa 18,600 m/t decal-ka ah, iyo 6600 m/t petrol-ka marka la isku wada daro immika capacity-ga guud haamaha keydka shiidaalka Berbera waa 42,200 oo meter ton. Intan uu kuma koobna mashaaricaha horu marineed ee mudadaas kooban ka hirgalay ee xadhiga laga jaray, waxa ka mid ah. Store qalabaysan,mashiinada korontada dhaliya oo ah nooc waawayn oo casriya, oo dhawaan loo soo iibiyey haamaha,400 miter oo dayar ah oo lagu soo wareejiyey xayndaabka haamaha, sii loo adkeeyo amaanka guud ee haamaha shiidaalka. Waxa iyana ah guul u soo hoyatay haamaha keydka shiidaalka iyo guud ahaanba qaranka s/land in taariikhda markii ugu horaysay laga samaynayo lap lagu baadho tayada shiidaalka, oo awal hore loogu soo baadhi jiray dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, oo inaga dhaxeeyo tartan ganacsi. Mashruucan balaadhan ayaa ka mid ah mashaariicda miisaanka leh ee uu madaxweynuhu dhagax dhigay.
Waxan aynu soo sheegnayba waa waajibaadkii laga rabay mas’uulkan aynu ka hadlaynaa inuu qabto haddaba marka uu mas’uulku ka soo baxay waajibaadkiisi,innaga shacab ahaan xilkeenu muxuu noqonayaa, wuxuu noqonayaa in aynu ku taageerno,dhiirigelino, u mahad celino si uu halkaasi uga sii wado.
Wa bilaahi tawfiiq
Qalinkii
Mohamoud M.Jama
Berbera,S/Land.