Cirro iyo silanyo
Saggootigii Madaxweynaha iyo Salaantii Waji-gabaxa…
By: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Marka la eego xarraarada dhanka loollanka u dhaxaysa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada/ ahna hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa ay dadka Siyaasada lafa-guraan aaminsanyihin inaanu xidhiidhkooda khaaska ahi wanaagsanayn labadan hogaamiye, muddo ku siman labadii sannadood ee u dambeeyey, wallow mararka qaar aad moodo inay wada-jillaan qorsheyaal siyaasaddeed oo ay mabdi’iyan daaha dabadiisa kaga wada socdaan, laakiinse rayul-caamka ay si kale ugu sawirraan.

Bilowgii hirdanka asxaabta cusub iyo dib u dhalashadii xisbiga Kulmiye, ee furitaankii Ururrada badan, waxa xisbiga Waddani ee saaxada Xisbiyada ku soo biiray, lagu tilmaami jiray gabood gacan-saar dhow la leh Madaxtooyada, ha ahaatee waxa isbedel badani dareenkaas ku yimi badhtamihii sanadkii 2014-ka markii uu u muuqday Xisbi Mucaarida oo rabitaankiisu ku salasyanyahay inuu hogaaminta dalka la wareego shanta sannadood ee soo socota.

Muuqaalka siyaasaddeed ee xisbigan laba jirsaday, waxa uu si xawliya isu soo bedelay, labaatankii bilood ee u dambeeyey, waxaanu noqday xisbi Quwadiisa mucaaridnimo culays weyn ku keentay xisbul-xaakimka Kulmiye oo aan Istaraatiijiyad ahaan cabsi badan ka qabin Mucaaridad miisaan leh oo kaga timaada Asxaabta ka soo horjeeda ee uu Xisbigan socod-baradka ahaa ku jiro.

Hadal-haynta lama ilaawaanka ah ee ay Madaxda xukuumadda iyo kuwa Kulmiye Fagaareyaasha kaga baani jireen waxa kamida ahaa, inaanu jirin xisbi kale oo saaxada kaga awood badan, Doorashonba kaga riixi kara hogaaminta dalku, shanta sannadood ee dambe iyo wixii ka sii dambeeya toona.

Sidaasoo ay dareen ahaan aaminsanaayeen hogaamiyeyaasha Kulmiye, hadana koritaanka Xisbiyada Mucaaridka oo ahayd mid ay xeellado badan u adeegsadeen,sida Isbahaysiga Mucaaridka, Gaashaan-buuraysiga Madasha wada-tashiga, dar-dar gelinta shaqada Golaha Wakiillada iyo faro-gelinta Siyaasada gudaha iyo dibadu, waxay qasriga Madaxtooyada ku ahayd dhibiilo dab ah oo kaga shidan hareeraha.

Dib u dhicii Doorashada Madaxtinimada, ayaa kamid ahayd amuuraha sida weyn u soo shaac-saartay Xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, taasoo la odhan karo waxay Madaxweyne Siilaanyo dareensiisay in Ninka Kursiga kala wareegi doonaa uu noqon karo Guddoomiyaha Golaha Xeer-dejinta Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo dhaqdhaqaaqyadiisa Siyaasaddeed ka huriya Aqalka dhowrka talaabo u jira Qasriga Madaxtooyada.

Gulluf iyo goolaaftan, soo taxnaa teer iyo markii ay kulullaatay xaraarrada Siyaasaddeed ee u dhaxaysa Mucaaridka Cirro ugu tug-tugta roonyahay iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa la dareensanyahay inaanu jirin Wanaag iyo isu-kalfurnaanshiyo u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiye Cirro.

Balse iyadoo uu dareenkaasi jiro,isla markaana ifafaaleyaasha Siyaasaddu ay muujinayeen kala-fogaanshiyaha labada hogaamiye, hadana marna lama arag muuqaal si dhab ah looga dheehan karo wajiyadooda oo is-hortaagan heerka uu gaadhsiisanyahay Khilaafkoodu.

Hase-ahaatee mid kamida Sawirro laga qaaday, munaasibad Maalintii Axadda ee shalay lagu sogootinayey Wefti uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo oo ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa si cad u muujiyey labadan Masuul oo isku salaamayey meel ay dad badani ku uruursanyihiin oo ah barxada Gegida Diyaaradaha laga raaco.

Sawirka ayaa Muujiyey Madaxweyne Siilaanyo oo waji cadho ka muuqato ku qaabilay Guddoomiye Cirro oo isagu dareen Dhoola-caddeyn ah ku salaamay Madaxweynaha, waxaanu muuqaalkani bixiyey turjumaad miisaan leh oo dhanka Siyaasada ah, kaasoo lagu qiimeyn karo higilka iyo humaaga siyaasaddeed Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiyaha Mucaaridka.

Looma micnayn karo, Dhoola-caddeynta Guddoomiye Cirro jawaab ku talo-gal ah ama ka dhalatay kulankan hal-haleelka ahaa, hase-yeeshee waa dabeecad uu dhaqan ahaan kaga duwanyahay hogaamiyeyaasha kale ee Siyaasada ku jira wakhtigan. waxaana inta badan lagu dacaayadeeyaa inuu yahay hogaamiye mar walba faraxsan oo aan marna wajigiisa laga dheehan cadho iyo diiqad ka muuqata.!

Si kastaba ha ahaatee, Arrinta kale ee aadka u xallada gelisay is-araga labada Hogaamiye ee ay Kamaraduna fursada u heshay inay ka bogato sawirku, waxay ahayd gudashada waajibaadka Maamul ee isku-khasabtay inay munaasibadan ku kulmaan labadan Masuul ee aan isu-calaasha furnayni. Taasoo marka dhinac laga fiiriyo hal-beeg u noqon karta horumar balaadhan iyo Biseyl ay Somaliland ka gaadhay nidaamka Dimuquraadiga ah ee ay ku dhisantahay.

Gees kale, hadii laga daymoodana, waxa uu sawirkani dibada u soo saaray heerka ay gaadhsiisantahay xurgufta Siyaasaddeed ee u dhexaysa Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka sekow hirdanka guud iyo cadaadiska Mucaaridnimo ee u dhexeeya, sida war-qabo markii u dambeysay isku seegay Mooshinkii lagu laallay wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo uu Madaxweynuhu si weyn biyo-diiday qaabkii kediska ahaa ee ay Golluhu u meel-mariyeen iyo go’aankii Guddoomiye Cirro mar labaadkii ugu celiyey Qaraarkii uu Golaha ku soo celiyey.

By: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: editor@gobanimonews

Tel: 0634229772