W/Q. Maxamuud Cali Sh Maxamed

Salaanta islaamka ka dib, soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin maqan tebidii, waa nin jooga CEEBTII”, haatan, anniga iyo inta badan bulshada Somaliland waxay tebaan, qiimahii iyo kartidii ay lahaan jireen goleyaashii ay Gudoomin jireen Md Xaabsade iyo Qeybe (Ilaahay ha u naxariistee), marka loo eego golaha manta joogana, cir iyo dhul ayey isku jiraan.

 

Intaa hadaan ku dhaafo aaraarta maqaalkaygan, waxaan maanta akhriyey qoraal lagu daabacay waraaqaha baarlamaanka Somaliland, balse aan RASMI ahayn, maadaama aanu saxeexin Gudoomiye ama Xoghaye, isla markaana shaambadii golaha aanay ka muuqan, balse la moodo in suuq-joog soo qoreen, sharaf-dhacna ku ah golaha in magacooda qoraal aan rasmi ahayn lagu baahiyo, ka sii daranne, xubnaha soo saaray oo magacooda lagu sheegay Guddiga Joogtada ah,  ku baahiyeen GO’AAN AY KU SHEEGEEN INAY KALSOONIDII KALA NOQDEEN GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID ENG FAYSAL CALI WARAABE! Egn Faysal iyo xisbiga UCID, ma shaqsi baa?

 

Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, ayaa hore loo yidhi, bal akhriste dheeho xilka mudaneyaasha golaha wakiilada iyo gudashada XILKOODA? Taasoo muuqata inay ku FASHILMEEN, haddaba bulshadii reer Somaliland ee la xisaabtami lahayd ayaa xilkooda gabee? Maxaa inoo dann ah?

 

Qodobka 13aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada

Xilka Mudanayaasha Golaha Wakiilada

  1. Mudane kasta oo ka mid ah Golaha wakiilada waa in ay xilkeeda u gudataa si waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo xeer hoosaadka Golaha.

 

  1. Iyadoo la eegaayo waajibaadka ku cad farqada 1aad ee qodobkan, mudane kasta oo ka mid ah Golaha wakiiladu, xil gaar ah ayaa ka saran matalaada degaanka codbixiyaasha laga soo doortay

 

  1. Xilliga fasaxa, Xildhibaanada waxa looga baahan yahay arrimahan soo socda:-

 

  1. a) Haddii xaalad nabadgelyada iyo dhaqaalahu ay saamaxdo, waa in mudanuhu booqdaa degaanada laga soo doortay.

 

  1. b) In ay qabtaan kulamo guud ay bulshada kula socodsiinayaan arrimaha Golaha horyaala si ay ugala tashadaan iyo guud ahaan xaalada wadanku halka ay marayso.

 

  1. c) In ay kala tashadaan arrimaha guud ee ay danaynayaan iyo baahida degaanka.

(iyo kuwo kale, balse midkoodna aanay ka soo bixin gudashadeeda).

 

Waxaan is-weydiiyey tollow nimanka is-magac-dilay, (malaa horeba looguma hayne) miyaanay shuruucda dalka iyo xeerarka u yaala fasiraadooda AQOON u lahayn, mise hadafkoodu waa meel kale? ilayn inta u qoran inuu waajibaadkooda yahay ama Gudoomiyaha Wakiilada u leeyahiin awood ilayn LABADA qolo midna qoraalkan iyo waxay soo saareen AWOODAHOODA kuma jirtee?

 

Qodobka 8aad ee xeer-hoosaadka wakiilada

Awoodaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada   

  1. Wuxuu mas’ul ka yahay fulinta iyo dhawrista Xeer-Hoosaadka.

 

  1. Wuxuu ilaalinayaa nidaamka Golaha.

 

  1. Wuxuu ilaalinayaa habsami u socodka hawlaha Golaha sida sharci dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska.

 

  1. Wuxuu furayaa, xidhayaana fadhiyada Golaha.

 

  1. Wuxuu furayaa fadhiga haddii uu koramku dhan yahay, xidhayaana fadhiyada haddii aanay soo jeedimo kale ka jirin Golaha.

 

(kuma jiro qodob ogolaanaya in Gud Wakiiladu dacwad ama qoraal cabasho la xidhiidha muwaadin, iska-ba daa Gudoomiye XISBI oo qaanuun sharci leh guddi u gudbiyee)

 

Sidaa si la mid ah guddiga joogtada ee Wakiiladu ma laha awood ay cabasho ama dacwad dhaafsiisan xubnaha wakiilada ka garnaqaan?

 

 

Qodobka 54aad ee xeer-hoosaadka golaha wakiilada

Guddida Joogtada ah Iyo Anshaxa

 

  1. Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin anshaxmarinta mudanayaasha Golaha wakiilada

 

  1. Guddida joogtada ah waxay eegayaan talooyina ka soo jeediyaan, dacwadaha Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay ka ka soo gudbiyaan mudanayaasha

 

  1. Guddida joogtadu waxay go’aan ka gaadhaysaa cabashooyinka ay uga soo gudbiyaan mudanayaashu shir-gudoonka ama mudane kale

 

 

 

Nin muuqaal madow baa berri la weydiiyey magacaa? Markaa ayuu ku jawaabay NUUR!, odhaah baa laga dhaxlay “Hadii nuurkiinu, kan yahay, tollow MADOWGIINU siduu noqon” haatan bulshada Somaliland waxaan leeyahay hadii golahii Wakiilada aynu u dooranay inay shuruucdii dalkan inoo sameeyaan, (sharci Ilaahay keliyaa xaq u leh dejintiisee) sidan ugu tumanayaan, dannahooda SHAQSINA u adeegsanayaan, maxaa inoo dan ah?

 

Sheeko iyo shaahid lama maqlin, nin MUDUCI ah, oo gacantiisa ku xukuma MUDAACALLAY?

 

Akhriste, hadaan kor ka xaadiyo, khilaaf dhexmaray Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal iyo Gud Wakiilada Md Baashe, wallow dhinac kasta odhaahdiisa ku dhaliilay dhinaca kale, isla markaana qofkii wax laga tirsaday uu raaligelin ka bixiyey, balse, hadaanu ku qancin dhinacii kale wax tirsaday? muduciga, saddex dariiq oo shareecada islaamku inoo jidaysay ayaa u furnaa

  • CAFIS
  • HESHIIS
  • GARSOOR

Ilayn mudane baarlamaan aflagaado haduu geysto sharcigu wuu ogol yahay, inuu hay’adaha ku shaqo leh loo gudbiyo, xasaanaduna kama maanacaysee? Sida qodobka hoose tilmaamayo?

 

 

 QODOBKA 49AAD ee Dastuurka somaliland

DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA

  1. Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.
  2. Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda 1aad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

 

Akhriste, hadaan xaga sare ku soo sheegay, ma “UJEEDO KALE” ayey xubnaha baarlamaanku ka leeyahiin KALSOONIDII WAANU KALA NOQONAY Gudoomiyaha xisbiga UCID, (Ilaahay baa quluubta daalacdee),markaad ficiladoodii hore eegtid ee MUDDO KORODHSIGA, maxaa diidaya maantana inay u keenayaan khilaaf sharci, xilligan oo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi, Saddexda XISBI, bulshada Somaliland iyo saaxiibada innaga taageera doorashooyinku u darban yihiin qabsoomida doorashooyinka goleyaasha sharci diyaarintu?

 

Maxaa diidaya inay markii TODOBAAD MUDDO KORDHIN ku doonayaan, hadii  24 Novembar 2019 fadhi Guurtidu yeelatay markii LIXAAD golaha WAKIILADA MUDDO LABA SANNADOOD LOOGU KORDHIYEY, KUNA DHAWWAAQAY Guddoomiyaha Golaha Guurtida Salebaan Maxamed Aadan in 71 xubnood isku raacay in muddo laba sano ah waqtiga loogu kordhiyo Golaha Wakiiladda Soomaaliland.

 

Gebagebadii maqaalkayga, Nin la tollay, TALO U TAALAAYE, Waxaan leeyahay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi, “Ciridkaan argno, ilko kama soo jeedaane” nimankaa wakiilada inay doorasho dhaco, iyo inay diyaariyaan sharcigii lagu soo dooranayey ee sannadaha badan laga sugayey, LAGAMA FILAYEE, inkastoo qoraalka Alle ee qeybku ku sandullayn karee?   sidaad u furdaamin lahayd, doorashana ku qabsoomi lahayd ANNIGA & UMMADA Somaliland waanu kaa sugaynaa, Ilaahay ha kugu guuleeye, IDAMKIISEE, aamiin.