CaddamiDadkii goob jooga ka ahaa sida rakaabkii ka soo degay ama kuwii raacayay diyaarada Ethiopia Airline, shaqaalaha Madaarka iyo dadweyne kale oo ajanabi ku jiro marka laga reebo aan idinla socodsiyo sheeko la yaab leh oo ka dhacday madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

April 12, 2015.Maalintaa waxa dhoofayay wafti balaadhan oo ka kooban Gudoomiyaha Golaha wakiilada, labadiisa ku xigeen, Gudoomiyayaasha Gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada iyo Xubno ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Xukumada, ujeedadu waxay ahayd inay ka qayb galaan tababar lagu qabanayo Addis ababa.

Hadaba maxaa ka dhacay madaarka? Waxay diideen nidaamkii iyo baadhitaankii loogu talo galay in lagu ilaaliyo amniga madaarka, waxay buuq  ka sameeyeen goobihii laga bixinayay adeegyada kala duwan iyaga oo ku doodaya inay yihiin xildhibaano iyo madax kale haddii si kale loo dhigo  macnuhu wuxuu yahay inay ka sareeyaan sharciga iyo nidaamka lagu sugayo amniga.

Aan idin xasuusiyo dhacdooyin hore oo hub lagu qabtay madax reer Somaliland ah markii ay ka dageen madaarkii dalka ay u safarayeen iyaga oo sidan oo kale ka dhago adaygay in lagu baadho madaarka Hargeysa ama Berbera.

Inkasta oo madarada Somaliland lagu qalabeyay mishiino casri ah iyo shaqaale si heer sare ah loo tababaray haddana dhacdooyinkan soo noqnoqday waxay tilmaamayaan inaan laysku halayn Karin baadhitaanada madaarada Dalka.

 

Mar kale iyo fadeexad kale markii diyaarada la fuulay waftigii waxay iska fadhiisteen qaybtii Business-ka ama First Clas-ka oo rakaab kale loogu talo galay, Xubnaha waftiga tigidhada waxa loogu soo jaray qaybta Economi-ga, waxa si asluub leh looga codsaday inay fadhiistaan meeshii loogu talo galay sida ku qoran Tigidhadooda oo ay u baneeyaan rakaabka sita tigidhada qaybta business-ka hase ahaatee waydiideen inay ka kacaan.

Marka ay xaaladu halkaa marayso waxa diyaarada soo koray sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada Duulista Hawada Somaliland oo intuu garacay albaabka gudaha u galay qolkii (cabin)  duuliyaha waxaanu u sheegay inuu badalo labada tigidh ee gudoomiyaha iyo ku xigeenka Wakiilada si ay u fadhiistaan qaybta Business-ka haddii kale ma duulayso diyaaradu.

 

Captain-kii diyaaradu isaga oo la yaaban aqoon darada sarkaalka wuxuu ugu jawaabay anigu ma Iibiyo mana badalo tigidhada, Tigidhada waxa laga soo jaraa Xafiisyada Ethiopian Air line ku leedahay magaalada, waxaan se kugu baraarujinaya in qof kasta oo fasax la’aan ku soo gala qolka diyaarada laga hagayo waxa loo aqoonsaday inuu yahay Qof doonayo inuu diyaarada afduubo sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee duulista hawadu sidaas oo kale qof aan Captain-ka ahayn ee amar ka bixiya diyaarada dusheeda isaguna wuxuu ka dhigan yahay qof diyaaradii afduubay isla sida xeerku dhigayo sidaa daraadeed waxaan ku war-bixinayaa inay diyaaradu u af-duuban tahay qaar ka mid ah madaxda sarsare ee Somaliland.

 

Haddaba sida madaxdu ama waftigu u dhaqmay iyo dib u dhaca ku yimid wakhtigii diyaaradu kici lahayd ma waxa la odhan karaa waa ka aqoon daro mise waa ka kibir iyo isla wayni? Maya ee waa badawnimo iyo dhaqankii geel jiraha (Camel boy behavior) oo ah inuu wax kastaba yaqaano isaga oo aan wax badan aqoon u lahayn ama in uu dadka ka sareeyo ama ka fiican yahay isagoo qof caadiya ah, waxba ma bartaan waxna uma kordhaan.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa ayaan daro ah in madaxdeenu aanay dareenba u lahayn xaaladaha amni daro ee ka jira Gobolka, ma dhaadana haabkan kuma hayaan habayaraatee in shaqada madaarka ka socota lagu hubinayo sugida amaanka rakaabka, ka diyaaradaha iyo waliba amaanka madaxda qaranka ee ka dhoofaysa.

 

Muxuu noqon karaa khasaaraha dhacdadan ka dhalan karaa iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland:–

1.   Waxay shaashayn kartaa xidhiidhka wanagsanaa ee labada dal.

2.   Waxay dhaawacaysaa Sumcadii iyo kalsoonidii lagu qabay adeegyada iyo amniga madarada Somaliland.

3.   Waxay fashilisay dedaalkii wasarada duulista hawadu ugu jirtay in diyaaradaha waawayn ee Ethiopian Airlines si joogto ah u soo fadhiistaan garoonka Cigaal.

4.   Dib u dhicii diyaaradu wuxuu hakad geliyay qorshihii dulimaadyada shirkada sababta oo ah qaar rakaabka ka mid ah waxay ku wareegi lahaayeen dulimaadyo kale iyaduna waxay u duuli lahayd meelo kale.

Ugu dambayn waa hubaal in dawlada Itoobiya cabasho u soo gudbin doonto Somaliland  iyo in raali gelin laga bixiyo wixii dhacay laakiin ma garan karno sida xukuumada madaxweyne siilaanyo ugu jawaabi doonto iyo waxay kaga jawaabi doonto.

 

C\raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.co m