Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax “Guri-barwaaqo” wuxu ka mid yahay shakhsiyaad gagada siyaasadda Somaliland goor-dhaweyd uu ku soo daray Madaxweyne Biixi, kuwaas oo jagooyin sarsare uu u igmaday, dadkuna wax badan aanay ka aqoon. Sidaa darteed, ayaan u jeclaystay in aan Wasiir Guri-barwaaqo iyo dadka isku baro qoraalkan aadka u kooban. Wasaaradda uu wasiirka ka yahay ma tahay tii ku habboonayd mise meel kale oo uu kaga wanaagsanaan lahaa ayaa jirta? Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax ”Guri-barwaaqo” inta aan ka aqaan qofka ka garanayaa muxuu ka odorosi karaa shaqadiisa? Walaw, aqoon-yahanka, qoraaga iyo Wasiirka mar dhexdaa ahayd oo uu buugga BADMACAAN soo saaray oo buuggaa dhigaalkiisa aan damacnay in aan gorfeynno isna uu meel adag iska taagay oo diiday in aan lafo-gurno buuggaa taasina ay dhalisay waji gabax yar. Hadda na taasi iga ma indho-saabi doonto in aan taxo sifooyinkiisa wanaagsan. Sida oo kale, in uu Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax xigtadayda yahay Iyana igu ma kallifi doonto in aan u sad-buriyo oo ku gunneeyo hibooyin aanu lahayn.
Cabdiraxmaan (Guri-barwaaqo) waa aqoon yahan iyo xeel-dheere Afka Soomaaliga raacdeeya, waa dhaqan yaqaan keydiyay xog badan oo afka ku saabsan. Wuxuu bartay culuumta afafka. Si kale haddii aan u dhigo waa af-aqool, taasi oo u sahashay fahanka dheeraadka ah ee uu ka haysto guud ahaan culuumta afka. Gaar ahaanna naxwaha Afka Soomaaliga.
Wuxuu ku fiican yahay gorfeynta iyo lafo-gurka afkaarta qoraalka ah, wuxu leeyahay awood qalin oo uu dooddiisa ku meel mariyo, isaga oo tub toosan u mara sababaynta doonistiisa iyo diidmadiisa, waxa aanu aalaa ba dhayda ka caddeeyaa barta uu doodda ka istaagayo. Waa shakhsiyad bili ku leh qalin ku hadalka.  Waxa jirta buug door ah oo uu falanqeyn wanaagsan ku sameeyay. Xataa, qaamuuska weyn ee SOO MAAL aragti ahaan waa saluugsanaa.  Dooddii hor helista aragtida miisaanka maansada ee u dhaxaysay labada aqoon-yahan ee (AHN) Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo bare-sare Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Carraale” wuxu Guri-baraaqo la safnaa Gaarriye halkaas oo uu qoraallo door ah ka sameeyay. Dooddaasina waxa ay ahayd dooddii Ibraahim Hawd oo Carraale taageersan iyo Guri-barwaaqo oo Gaarriye taageersani ay aadka ugu kala fogaadeen. Walaw, Gaarriye aanu jeclayn markaa nin ay isku deegaan hoose yihiin in uu doodda dhankiisa soo maro.
Wuxuu wax ka beddel ku samayn karaa xirfadda suxufiyiinta warbaahinta dawladda oo uu ka dhisi karo xagga erey bixinta saxaafadda ee ku habboon adeegsi ahaan iyo af ahaan ba. Joornaalka afka xukuumadda ku hadla ee DAWAN wuxu wakhti wanaagsan gelin doonaa sidii uu barnaamijyo taxane ah oo aqoon laga dheefi karo uga gudbin lahaa.
         Cabdiraxmaan “Guri-barwaaqo” marka xagga bidix laga istaago waa nin qab-weynaan badani ku jirto oo rumaysan in uu yahay qofka keli ah ee waxbartay, dadka oo dhanna afkaartooda waa saluugaa. Quudhsigu waa caadadiisa ee ceeb kuma aha. Warbaahinta adeegsigeeda ma jecleyn oo warwar badan ayuu ka qabay waxa aanu rumaysnaa in haddii aan laga baaraan-degin wixii warbaahinta kaa galayaa uu dhabar-jab kugu keeni karo. Fikirkan wuxu qabay ka hor inta aanu ka hawl galin Dugsiga luuqadaha ee Gaarriye. Haddaan halkaa iftiimiyo saxaafadda Somaliland nin ay wax uga baxsan yihiin maaha, taana waxa keentay in uu waddanka muddo 40 sanno ah qurbe kaga maqnaa. Sidaa awgeed, ayuu sas uga qabaa warbaahinta. Taasina waxa ay keeni doontaa in uu cadaadis badan saaro hay’adaha warbaahinta.
Sida oo kale, waa nin aan maamuli karin cadhadiisa. Sidaa awgeed waxa ay u muuqataa in uu leeyahay shakhsiyad aan siyaasadda guulo sidaas ah ka keeni Karin. Waa suurto-gal in uu xagga aqoonta guulo waaweyn oo ummaddu ku diirsato ka keeni lahaa, sida Wasaraadda Tacliinta Sare. Jagada kale ee uu ku habboonaan lahaa waa, xafiiska af-hayeenka madaxweynaha, halkaas oo toddobadii sanno ee ugu dambeeyay dayac badani ka jiray oo inta badan dad aan ehel u ahayn loo soo magacaabi jiray.  Waxa aanu Cabdiraxmaan ka shaqayn lahaa in qoraallo hufan oo shuruucda qoraalka waafaqsan ay ka soo baxaan xafiiskaa.
Buugtii uu qoray Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax “Guri-barwaaqo” waxa aan ka soo qaadan karaa, kuwan;
1.MAGAC BILAASH UMA BAXO Ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed.
2.MAHADHO Sooyaalkii iyo waxqabadkii Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”
4.Dirkii Ina Sanweyne iyo murankii Miisaanka Maansada.
5.FAR TASAWDAY far Soomaalidii u horreysey ee reer soomaalilayn.
Sida oo kale gorfeynihii uu sameeyay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax “Guri-barwaaqo” waxa ka mid ah, kuwan hoos ku xusan;
1.Gorfaynta qaamuuska cusub ee …
2.Gorfaynta guri waa haween.
3.Somali Onomastics and Proverbs.
4.Xeerka Abtirsiinta erayga af Soomaaliga iyo sidaan u arko.
5.Run nin sheegaa godob waw halis.
Gunaanadkii qoraalkaygan kooban waxa aan ku soo af-meerayaa aragti aan qabo oo ah in guud ahaan dadka qoraalka ku wanaagsan aanay siyaasadda guulo ka soo hoyn. Ma-hadhadana haddii aan raadkeeda dib u raacno waan soo ogaan karnaa arrintaa.