qoraalKu dhowaad muddo Afar sannadood ah ayaa laga joogaa markii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dib ugu magacaabay Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed oo loo arkayay inuu yahay masuulka kaliya ee dhaqaajin kara ama ku habboon marsadda Berbera oo uu waayo arragnimo iyo takhakhus dheer aad ah u leeyahay.

Waxa lagu magacaabay aqoonta durugsan ee uu u leeyahay maamulka iyo Maareynta. Haddaba, xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ayaa bilowday inay fuliso balan-qaadkeedii xiligii lagu jiray doorashadii madaxtooyadda 2010-kii. Wax-qabadka iyo horumarka ay dalka ka hirgelisay waxa ka mid ah inay kobcisay oo kaalin gelisay ilaha dhaqaalaha iyo waxsoosaarka iyo dayac tir balaadhan oo lagu sameeyay dekadda caalamig ah eeBerbera.

Dekaddu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, haddaba markii la yagleelay marsadda Berbera muddo haatan laga joogo in ka badan konton sannadood ayaanay helin wax balaadhin iyo casriyayn ah, marka laga reebo dayac-tiro kooban oo lagu sameeyay.

Haddaba Maareeye Cali Xoor-xoor waxa uu bilaabay isagoo oo fulinaya siyaasadda xukuumadda, kana faa’iidaysanaya waayo arragnimadiisa qotada dheer ee uu u leeyahay shaqadda dekadda. Waxa uu diyaariyay barnaamij lagu balaadhinayo dekadda Berbera.

Wax-qabadka balaadhan ee maareeyuhu ka fuliyay dekadda Berbera waxaynu ku falan-qeyn doonaa maqaallo joogto ah oo aynu si taxanne ah ugu faaqidi doono horusocodka dekadda.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan ka hadlo dacaayado been abuur ah oo beryahan dambe laga faafinayay marsadda Berbera iyo Maareeye Eng. Cali Xoor-xoor, kuwaasi oo ay faafinayeen xisbiyadda mucaaridka ah ee dalku. Waxaanay xaqireen waxqabadkiisii iyo dhismeyaasha lagu kordhiyay dekadda gudahaeeda. Arrintaasi oo ahayd mid u qalantay in lagu ammaano, balse aan ahayn in lagu cambaareeyo waxqabadka la taaban karo ee u suurto galay muddadii u dambeysay.
waxaan leeyahay dadka wax iska naqdiyayaa horta ha hubsadaan waxa ay ka hadlayaan waxa ka jira.
Waxa aan ka xumahay marka ay xisbiyaddu dhaliil u waayeen Maareeye Cali Xoor xoor inay ku eedeeyeen inuu la shaqeeyo madaxtooyadda, taasina waa mid waajib ah oo masuul kastaa waa inuu ku xidhnaadaa xukuumadda uu siyaasadeeda fulinayo.

Haddaba cayda iyo aflagaadada lagu hayo masuulkan xil-kaska ah ee waajibaadkiisa shaqo ka soo dhalaalay, ayaa waxa daruuri ah in dadka dacaayadahan faafinaya ee danaha gaarka ah leh in sharciga la horgeeyo.

Xisbiyadda qarankana waxaan leeyahay mucaaridnimadda iyo dhaliishu ma aha cay iyo wax xaqiiqada ka fog oo la baahiyo ee waxa la gudboon inay xisbiyadooda u sameeyaan barnaamij siyaasadeed oo ay ummadda u soo bandhigaan sidii xisbiga KULMIYE sameeyay xiligii ololihii doorashadii madaxtooyadda.

Garyaqaan Cumar Xasan Nuur

0634254914/Hargeysa-