qoraalHu’ ma huwana, waxay xidhan tahay calal (maro) dhinac walba ka jeexan oo ay dhar ahaan u adeegsato, awoodna ma hayso, da’ ahaana waa qof wayeel ah, xuskana waa ka naafo, macnaw waxa Ilaahay ku keenay cudurka dhimirka, garaad iyo garashadana Alle waa ka qaaday.
Goortu waa arooryo aan cadceedi soo bixin, dhulkuna waxa qariyey ceeryaan amma dhado ay u dheer tahay dhaxan dheel ah lafta soo taabanaya. Waddada wax baabuur ah ma maraayo, waxa socda darriiqa dhawr qof oo shaqo arooryaad ku deg degaya oo mid kasta tallaabada hoosta ka xadaayo, koodhadh amma maryo adag oo qabawga dheelka ah ee da’ya ka celiya xidhan.
Dadka tiradan yar ee kobta maraya uma jeedaan oo indhahooda wuu ka lalsan yahay, maadaama quud iyo shaqo adduun ay ku deg degayaan. Waxa ay jiifta meel waddada tallaabo ka durugsan oo ah meherad horteed, la dhigay mar mar aad u qabow oo dhaxanta soo jiidana, iyadoo markii horeba dheelka da’aayey uu lafta soo tabanaayo qofka xataa xidhan marya. Sida xaqiiqdu tahay waxay u hoyataa habeenkii oo dhaxantaas ku dhacaysay, maryo ay huwato iska daaye, qaar ay cawradeeda ku asturto ma xidhna. Waa waayeel. Hooyooyinka qayrkeed ah xilligaas waxay ku jiraan aqal dugsoon oo dab, laydh, kulayli amma maryo diiriya ayey huwan yihiin. Kolba dhaqaalahay haystaan iyo taagtood.
Waxa u dheer hu la’aanta jidh iyo awood ka celiya dhaxana ma laha, waxa laga yaaba in aanay dhawr caano maal cunto cunin, waxa isu celiyey gaajo, dhaxan iyo tamar-darro ay u raacday hoy iyo huw la’ aan. Halkay hurada ku darso waa meel ka mid ah darriiqyada ugu socodka dadka badan yahay habeen iyo maalin ba amma gaadiidku ugu samxada badan yahay, balse waqtigaas oo aan dadku soo toosin cid badan uma dhaadana, inta maraysa darriiquna dhuunigooday u deg degayaan.
Qabowga da’ aya dartii waxay is gelisay jilbaha iyo feedha laabta, waxaanay u eekaatay sida maro la duuduubay. Waxay wehel ka dhigatay waddada oo ay miciin biday, sababtoo ah haddii ay gidaar diiran oo dhaxanta ay kaga gabato geli lahayd waxay ka baqatay ina rag mid miyir qaba iyo mid dhimir qaba in midkood kala goosto oo gabadhnimo ka dayo. Xuskeedu intaas garan sii, cabsi aawadeedna shaaric seexatay. Waxa ay samaynaysa dhaqaaq aad ka dareemayso sida dhaxantu u dhibayso, cid iyo miciin toona ma haysato, gargaarna cidi ma soo gaadhsiinayso Alle waxa biday in ay dhaxanta weheshato. Waagii u bari, cadceedina soo baxday, dhaq dhaqaaqii meesha ka socday bay ku toostay.
Kama fogaato halkay seexato oo meel dheer ma qabato, waddada iyo agagaarkeeday wax ay cunto u raadsata, Alla og in ay wax soo hesho iyo in kale, waxay gacanta hoos dhigata dadka si ay xoogga u siiyaan.
Fiidkii waxay ku soo laabata meel aan ka fogayn halka ay habeenkii u hoyato ee ay dhaxanta daris kula tahay.
Dhaxantu waxa aad mooda in ay iyada la xintamayso aroor ba aroorta ka sii dambaysa way sii karaar qaadata intii lagu gudajiray dabayaaqadii January ee 2015, hadday badato iyo haddii kale ma dhaadana oo Alle xuskaba wuu ka qaaday, waxa ugu badan ee ay ka cabsata waa ina rag inuu god halaq ugu shubo, bahal kama cabsooto oo dad qaad caasimad ma joogo, dhaxana dhib ay u keento mooyee cabsi kama hayso oo way weheshetayba.
Subaxnimadii labaad ee indhahaygu qabtaan maryihii ay xidhnayd way ka sii dareen oo kala mudhuudhuqeen, madaxa oo ay maro ku duubnayd waabu qaawan yahay. Hurdo ma seexan oo dhaxan baa dhibtay, mana soo jeedo oo daal bay la gataati dhacday, gaajana waa haysa oo hurdo way u diiday, waxay u dhaxaysa hurdo iyo soo jeed. Dadku isma beddelin oo cidi hoos uma eegin, dantood bay ku wada foofsan yihiin, kuwa ugu soo toosana ma oga xaaladeeda, cid ay sugaysana ma jiro oo aan Ilaahay ahayd.
Ka daran ee waxa aan waddadii soo maray goor 9:00 habeenimo ah xaaladeedu isma beddelin, balse waxa ay afka ku haysay sigaar aan u qaatay in ay isku diirinaysay, lama hadli karo oo waa qof aan xuskeedu dhammayn, idina kama haysto cid wali ka ah amma eheliyadeeda ah, muqaal lagama duubi karo oo sharciga saxaafadda iyo garaadku waa ii diiday, meel ma gayn karo oo dhakhtar ma haysto, cid aan ula hadlo mooyee, qoyskeed ma aqaan oo lama hadli karo, xaaladdu kaligeed kuma aha oo boqolaal dhaxanta iyo khataraha la daris ah oo maskaxda ka naafo ah ayaa jira, ducana waan u duceeyey oo Ilaahay waan u baryey in xuskeeda uu u soo celiyo iyada iyo inta kale ee noloshan oo kale kula ehelka ah. Allaw u sahal oo u gargaar, naxariistaana tus oo sidii u khayr roon u yeel.
Sheekadan maaha mala-awaal ee waa mid haysata haweenay xannuunka dhimirka qabta oo noloshaas haysato, seexatana darriiq ka soo horjeeda waddada halbawlaha u ah magaalada Hargeysa, gaar ahaan meel ka soo horjeeda Khayryadii hore ee magaalada Hargeysa.
W/Q Ibraahim Khadar Siciid (Ibraahimkhs@hotmail.com)