Inta badan dadkeennu ama Soomaaliduba waxay ka cawdaan ama ka qayliyaan caddaalad-darro iyo musuqmaasuq dhanka garsoorka ah amaba dhanka adeega dadwaynaha khuseeya oo dhahaan waxaannu ka cabanaynaa musuqmaasuq iyo laaluush, haddana waxaad arkaysaa dadweynaha qudhoodu bixinaya laaluushka, iyaga laftoodu waa dadweynaha ee haddaad u sii dhaba gashana waxaad arkaysaa ama aad ogaanaysaa inay dadwaynuhu kow ka yihiin laaluush bixinta iyo woxogaa hoosta la iskaga laabo.
Haddii aad weydiiso oo tidhaaho maxaa dhacay ee aad laaluushka ku bixinaysaa waxay kuugu jawaabahayaan waxaan rabaa inuu hawshaydan hore iigu dhameeyo oo uu aniga iigu horaysiiyo hadana hadaad tidhaaho oo miyaanay laaluush ahayn waxaa uu kugu jawaabahayaa maya waa hawl fududayn.
Isla dhinaca kale ee ka soo horjeeda ama qofka kale ayuu arkayaa oo bixinaya laaluush, dabeeto waxaa uu odhanayaa hebal laaluush ayuu qaataa oo miyaanay tiisu laaluush ahayn waad yaabaysaa dhaqanka ummadeennu sida uu yahay. Waayo ma yaqaanaan in adeega loo qabanayo uu yahay wax uu xaq u leeyahay, balse aannu ahayn wax lacag lagaga rabo ama lagaga doonayo.
Dhinaca kale, dadkeennu waxaa u dhaqan ah inay lacag ama adduun fara badan ku bixiyaa sidii loogu qaban lahaa wax aanay xaq u lahayn oo ummadda gef ku ah isagana danbi ku ah, isla markaana waxa uu doonayo iyo waxa uu ku bixinayaa waa kala badan yihiin, iyadoo aannu qofku ka fikirin in waxan uu samaynayo yihiin xaaraan aan laga fiirsan.
Haddaba, iyadoo dhaqanka dadkeenu sidaa yahay ayaa hadan waxay la soo dag dagaan laaluush baa la qaataa ama labixiyaa kamana fakarayo in isagu uu qaybta ugu muhiimsan ka yahay laaluush bixinta dhiirigelinayo, madaama ciddii uu caddaallad ka rabay isagu la hoos cararayo lacag laaluush ah.
Sidaa awgeed, waxaan soo jeedinaynaa waar dadwaynoow xaqaaga garo oo xad-gudubka iyo fasahaadinta iska jooji, waxaanad lahayna laaluush ha ka dhiibin, waxaad xaq u leeahay in laguu qabtana laaluush ha ka dhiibin.
U tudho aakhiradaada iyo adduunkaaga intaba, iskana jir kan qaadanayaana kaba daran isagaana laga rabaa inuu tallaabo ka qaado qof kastoo xaqiisa laaluush ku raadinaya iyo mid kastoo waxaannu lahayn laaluush ku raadinaya.
Waxaan maqaalka maanta ku soo afmeerayaa ‘ha ku doonin laaluush waxa aad xaq u leedahay.’

By, Jamaal Cabdillaahi Muxumed (Abu Ciza)