By Suleiman Ismail Bolaleh

Haa waa suurtogal in lagugu dacweeyo, haddii aad tahay qof caan ah, balse aannad haysan lacag aad ku soo saarto buug kuu gaar ah oo taariikh nololeedkaagii ka hadlaya.

Waxan akhriyay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay nin aanu Facebook saaxiibo ku nahay oo la yidhaahdo Maxamed Ugaaska, kaasoo uu kaga hadlayo ururintii iyo qoridii Soyaalka iyo Suugaanta Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), Maadaama oo arinkani ku dul waregayo mid ka mid ah tiirarka taariikdhda dadka Afsoomaaliga ku hadla iyo taariikdha dalka Somaliland labadaba, waxan jecelaystay m in aan qoraalkan kooban aan ka idhaahdo ama ka qoro.

Guud ahaan, ummadda afka Soomaaliga ku hadasha iyo shacabka Somalilandba waxay og yihiin in aanu Abwaan kaliya ahayn Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), balse uu ka mid yahay Ashkhaasta dunida ku naadirka ah ee kulansaday sifooyinka Abwaan, Afmaal iyo Hal Abuur Qaran, Mufakir Qaran, Faylasuuf Qaran, Mulaxim iyo Fanaan Qaran, sidoo kale waxay og tahay bulshadu in Cabdi Qays yahay National Patriotic Hero, National Change Maker, Long-term Political Prisoner. Waxa kale oo Ummaddu isku raacsan tahay in Cabdi Qays yahay dabeecad ahaan nin dhulyaal ah, oo aanay cidi waligeed ka soo ashkatoon, sidoo kale waleeg may dhicin in la yidhaa kaalay naga qabta Cabdi Qays waxaa iyo waxaasi ayuu nagu sameeyaye. Cabdi Aadan Xaad Cabdi Qays maaha nin adduunyo.

Waxan ka fahmay, qoraalka walaalkeen Maxamed Ugaaska, in uu culayska saaray oo muhiimad wayn uu u arkay Sooyaalka Cabdi Qays, qorideeda, balse aanu wax muhiimad ah aanu siinin shaqsiyada Cabdi Qays oo ah ninka uu Sooyaalkiisa doonayay in uu wax ka qoray, ama sida uu sheegayba kaba qoray buug la yidhaa Darmaan iyo Dalxiis. Maxamed Ugaas waxa uu inoo sheegay in khilaafku ka bilaabmay Djibouti, waxa uu intaa ku diray Maxamed Ugaas in Abwaanku Cabdi Qays uu Djibouti kaga codsaday in uu u dhiibo nuqulka qoraalka ah (software copy) ee uu ka qoray Sooyaalka iyo Suugaantiisa, balse uu Maxamed Ugaas ahaan uu ka diiday.

Halkaa marka ay sheekadu marayso, waxa sida cadceeda aan u arkay in Maxamed Ugaaska ujeedada uu qoraalka buuga Cabdi Qays u galay ay ahayd in uu lacag ka sameeyo, maadaama oo aanu Cabdi Qays aanu haysanin lacag uu isaga Maxamed Ugaaska u siiyo tacabka iyo kharajka ka galay ama uu ka rabo buuga Sooyaalkiisa, ilaa xad Abwaan Cabdi Qays la geeyo Nootaayo iyadoo waxa lagu dacwaynayaa ay tahay ururinta taariikh nololeedkiisa.


Waxan qabaa, xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee muwaadinku uu leeyahay ay ka mid tahay in uu Sooyaalkiisa sid loo qorayo iyo cida qoraysa uu isagu go’aankeeda leeyahay, lkn aanu u afduubnaan karin adduun iyo wax la mid ah.

Anigu Buugaagtan ka hore ee Maxamed Ugaas sheegayo iyo kan danbe midna ma arag, waxase si cad iigu muuqata, Maxamed Ugaas waxa uu ku guulaysan waayay in uu wanaajiyo xidhiidhkii kala dhexeeyay ninka uu taariikhdiisa qorayo, oo cid waliba ogtahay in aanu ahayn nin adduunyo, oo wax ka dayaya Buugaag uu iibiyo oo uu lacag ka sameeyo. Bari ayuu isagoo Cabdi Qays da’yar, wixii uu sidaa u taabtaana ay dahab noqonayso ayuu Hargeysa Makhaayad laga cunteeyo ka furtay waxay noqotay goob camiran, waxa la odhan jiray Almis Restaurant.

Cabdi Qays in aanu ahayn nin u abuuran lacag samee waxad ku garanaysaa dadka Makhaayada wax ka Cuna ee aan lacag bixin iyo kuwa Lacagta bixiya waxa farobatay kuwa aan wax lacag ah bixin ee cuna kadibna Cabdi Qays fasaxo, Meheradii waxa ugu dambayntii u xidhan tay, kadib markii Hargeysa oo dhan wixii aan wax haysani kiyuu u soo galeen ee cuneen wixii lagu karinayayba.

Dhinaca kale, Mujaahid Cali Guray, maaha nin Adduun oo u galaya qoraalka buuga Cabdi Qays lacag iyo macaash badan ka samee, isaga laftiisu maaha nin adduunyo, laakiin waxan ku aqaanaa in uu yahay nin mabda’a uu aaminsan yahay awgii naf-hur u sameeya, simply qoraalka buugan uu ka qoray Cabdi Qaysna waxan hubaa in aanu magac iyo adduun midna u galin, balse uu u galay taariikhda dalka awgeed.

Waxa kale oo aan arkayay, qaar markooda horeba Sagal Jet eryanayay oo ku leh maxay Sagal Jet u siisay Cabdi Qays, Nuqulka Buugiisa. oo ma nin baa wixiisa loo diidi karaa, Sagal Jet ma waxay ku odhan kartaa Cabdi Qays si aanu buugaaga kuu siino soo kaxayso cid kale.

Ugu danbayn, Cabdi Qays sharaftiisa iyo karaamadiisa waxba uma dhimi karto tabasho yar oo la xiriirta qorida buugiisa, haddii aad rabto qiimaha tacabkii aad galisay ururinta badh ka mid ah taariikhdiisa, anagoo ka mid ah shacabka Somaliland waxan kuu balanqaadayaa in aanu kuu celino oo ku siino kharajkii kaa galay marka la soo qiimeeyo, haddii aad rabto in lagugu xuso daabacaadahah danbe, adigaaba noo sheegay in magacaagu ku jiro daacaadan Mujaajid Cali Guray Qoray. Kuwa danbana waxan codsanayaa in lagu xuso Maxamed Ugaas in uu tacab badan galiyay ururinta Sooyaalka iyo Sugaanta Cabdi Qays, waliba magaciisa oo buuxa iyo mahadnaq waafiyo xaq ayuu u leeyahay in loogu daro daabacaadaha danbe.

Ugu danbayn, Cabdi Qays sharaftiisa iyo karaamadiisa waxba uma dhimi karto tabasho yar oo la xiriirta qorida buugiisa, haddii aad rabto qiimaha tacabkii aad galisay ururinta badh ka mid ah taariikhdiisa, haddii aanu nahay shacabka Somaliland ee garanaya waxa uu galo iyo waxay uu gudo Cabdi Qays ha laguu qiimeeyo si Aanu kuu siino. Waxay noqotay, xusitaanka magacaaga iyo mahadnaqba xaq iyo daw ayaad u leedahay in lagugu xuso daabacaadahah danbe. Kuwa danbana waxan codsanayaa in lagugu xuso haddii sidan aad uga warantay arimuhu yihiin, waa In lagu xusaa daabacaadaha dsnbe Maxamed Ugaas in uu tacab badan galiyay ururinta Sooyaalka iyo Sugaanta Cabdi Qays, waliba magaciisa oo buuxa iyo mahadnaq waafiyo xaq ayuu u leeyahay in loogu daro daabacaadaha danbe.

Aan ku xuso halkan Qoraaga buuga Geediga Cabdi Qays Ali Mohamed Yussuf iyo Cabdi Qays saaxiibkii Raash Abdillaahi Axmed

W/Q. Suleiman Ismail Bolaleh

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.