Araweelo News Network

Maamu;laha Dugsiyada Nuuradiin. Mr. Mahad Ibraahim Maxamed

Hargeysa(ANN)- Mr. Mahad Ibraahim Maxamed waa shakhsi tusaale wanaagsan u ah sooyaalkii taxanne taariikheed iyo bud-dhiggii waxbarasho ee lagu yagleelay dalka Somaliland xili markaas laga soo doogay colaado sannado qaatay oo ay Somaliland la gashay Taliskii Siyaad Barre.

Waxa uu ka mid noqday macallimiintii suurtogeliyey in dhallinyaradu helaan goobo ay wax ku bartaan, gaar ahaan luqadda Ingiriisiga, waxaanna ka soo aflaxay arday tiro badan oo qaarkood ay maanta nolosha meel fiican ka gaadheen, waqtigana waa mulkiilaha iyo maamulaha guud ee dugsiyada Nuura Diin oo ka furan caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Waxa uu Mahad Ibraahin xog-waran dhinacyo badan leh siiyay barnaamijka baro oo ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo agaasimo aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin, isagoo si faahfaahsan uga hadlay aasaaskii dugsiyada Nuura Diin ee gaarka loo leeyahay.

Mr. Mahad Ibraahin waxa uu sheegay inuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer 3 January 1970, waxa kaloo uu sharaxaad ka bixiyey meelihii uu ku soo qaatay waxbarashadiisii kala duwanayd.

“Waxbarashadaydii malcaamadda ilaa heerarkii kala duwanaa ee dugsiyada waxaan ku soo qaatay magaalada Burco oo ila gaadhay markii ay dhaceen dagaalkii 1988-kii, markii dambe aniga ayaa sameeyay inaan wax is baro. Waxa aan galay jaamacadda la yidhaa Jaamacatul culuum al tiknoolajiya oo ku taal dalka Yemen, waxaan filayaa inaan ahay qofkii kowaad ee Hargaysa degenaa ee jaamacadaas degree (digrii) ka diyaariya, waxaan dhiganayay oo kale iskuul caan ah oo la yidhaa ICS (International course boarding schools) oo Maraykanka ku yaala, xiligaas aan dhigan jiray waa 1998kii, waxaa kutubta la ii soo dhigi jiray nin aanu isku qoys nahay oo magaalada Jig-jiga deganaa, waxaan isna ka qaatay diploma, sidoo kale dugsi Ingiriiska ku yaal ayaan isna dhigan jiray oo la odhan jiray CBM, waxaan ka qaatay group diploma, anigoo ku takhasusay habka maamulka, waxaanan markii danbe jaamacadda Culuum al Tiknoolajiya ayaan haddana ka diyaariyey shahaadada sare ee master-ta oo aan ku qaatay hoggaaminta iyo maamulka, sidoo kale waxaan diyaariyey shahaadada degree (digrii) aan ku qaatay maamulka Tacliinta iyo Maareynteeda. Dhammaan qaabka aan shahaadooyinkaas ku diyaariyey waxay ahaayeen qaabka waxbarasho ee lagu magacaabo tacliinta fogaanta lagu barto,” ayuu yidhi Mr. Mahad Ibraahim Maxamed.

Waxa kaloo uu iftiimiyey wakhtigii ay ku soo dhacday inuu furo dugsiga Nuura Diin ee uu maamulaha guud iyo mulkiilahaba ka yahay, waxaannu yidhi; “Weligay shaqo kale oo aan macallinimo ahayn maan qaban, dugsigan waxaan bilowgiisii ka furnay magaalada Burco oo ahayd halkii aan ku dhashay aniga iyo nin kaloo Sucuudiga ka yimid oo aan filayo inuu hadda Burco joogo, ardaydii ayaan waraaqo u qaybinay aannu ku nidhi iskuulkaas aynu furnay magac u bixiya, waxaan jeclaa inuu magacaasi noqdo mid ka turjuma diinta, dhaqanka iyo tacliinta waddanka oo uu iftiin u noqdo, nasiib wanaag mid ka mid ahayd hablihii aanu iskuulka wax ka baranayay ayaa soo qortay magaca Nuur al Diin, halkaas ayuu magacu ka yimmi, xiligu wuxuu ahaa in yar kadib markii aynu waddanka ku soo noqonay, sannadkuna wuxuu ahaa 1993-kii. Markii danbe Hargaysa ayaan u soo wareegay oo iskuulka ka furay bishii August ee sannadkii 1995-kii, qol yar oo cidlo ah aan fasalkii ugu horeeyay ku bilaabay, iyadoo ardaydii aan ku furay ay dhammayd 8 arday oo qudha.”

Geesta kale, waxa uu ka hadlay carqaladihii ka hor yimmi markii uu dugsigan furay, waxaannu yidhi; “Carqaladuhu way badnaayeen, waxaana tusaale kuu ah dalkii oo burbursanaa, dadkii oo qaxooti ka soo noqonayay in haddana goob waxbarasho la yagleelo, iyadaaba hal xidhaale culus ahayd, waxaa kaloo carqaladahaas ka mid ahaa markii aan iskuulka ka bilownay magaalada Burco, aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn oo sheekh Siciid la yidhaa ayaa waxaa nagu dhacay dagaal, wuxuu dagaalkaasi keenay in annaga iyo ardaydiiba uu na kala firdhiyo, annigu waxaan markaas u soo kicitimay magaalada Hargaysa oo ehelkaygu deganaa, haddana markii aan Hargaysa ka bilaabay ayaa isla dagaaladii halkan (Hargaysa) ka bilaabmeen, midhadhkaas ayaan ka soo qaadanayaa caqabadaha aannu la kulanay.”

Mr. Mahad Ibraahin, waxaa kaloo uu ka hadlay dugsiyada Nuura Diin iyo sida ay u qaybsan yihiin, waxaannu yidhi; “Horta dugsiyada Nuura Diin waxa ay ka furan yihiin caasimadda Hargeysa oo qudha gobollada kama jiraan, waxay u qaybsan yihiin dugsiyada barbaarinta carruurta ilaa dugsiga 12aad ee dugsiyada sare, inkasta oo aanan jaamacad lahayn, sidoo kale waxaan leenahay iskuulo lagu barto luqadaha iyo culuunta tignoolojiga amma IT-ga (Information technology), markaas guud ahaan waxay ka kooban yihiin saddex dugsi sare iyo lix dugsi oo hoose/dhexe marka xiitaa lagu daro ka xannaanada carruurta waxay isku noqonayaan 9 dugsi (9 schools),sidoo kale waxaan leenahay meel madbacad ah oo kutubta ardayda loogu daabaco.”

Maamulaha Dugsiyada Nuura Diin Mr. Mahad Ibraahin Maxamed, ayaa xog-warankiisa ku faahfaahiyey himilooyinka u qorshaysan wakhtiyada fog iyo ka dhow intaba, kuwaasoo ku salaysan inay dhinaca waxbarashada ka haqab-tiraan bulshada reer Somaliland.