khariiradahore
Waxa ayaan-darro ah in xal loo waayo, xadka maamul ee u dhexeeya Boorama iyo Hargeysa, intii ay Somaliland jirtayba. Sababta koowaad waxaa lahaa gumaysigii oo ka warwareegay inuu shaaciyo xadkaas oo qarsoodi ahaa wixii ka horreeyay sannadkii 1957-kii. Ka dibna waxaa arrinkaas sii mulaaqay maamulkii Siyaad Barre iyo Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, sharciga Somaliland waxa uu aqoonsaday lixdii degmo ee jiray xiligii Ingiriiska, oo noqon doona Lixda Gobol ee sharciga ku fadhiya. Xadkooduna noqon doono kii lixdankii. Eeg Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. (Xeer Lr. 23/2002), Qodobkiisa 7aad, Xubnahiisa1aad iyo 2aad, kaasoo u qoran sidan;
1. Lixdii Degmo ee waaweynaa ee jiray xiligii Ingiriiska ka hor 26/06/1960 ee kala ahaa Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama iyo Berbera, kuwaasoo isku beddelay Gobolladda Jamhuuriyadda Somaliland hadda ka kooban tahay.
2. Degmooyinkii hore loo magacaabay xiliyadii xukuumadihii hore ee Soomaaliya, kana farcamay lixda Degmo ee ku kusan qodobkan faqradiisa 1aad, waxay noqonayaan xuduudihii Degmooyinka xiligii Ingiriiska ee ay ka farcameen ee hadda ah Gobollada Somaliland, marka laga reebo gobolka Saaxil o ay degmada Xagal ku soo biirtay.
Lixdii Degmo ee isticmaarku ka tegay waxa ay kala ahaayeen Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood. Isticmaarku markuu xariiqayay xuduudaha Degmooyinka oo ku beegnayd sannadkii 1944-kii, waxa uu xeerinayay fududaynta maamulka, ee muu tix-gelinayn qolo-qolo amma is-bahaysiga qabaa’ilka Somaliland. Waxa sidaas ka duwanayd Degmada Laascaanood oo iyada loo xadeeyay, keliya, reerka Dhulbahante. Maraggeeduna waxa uu ka muuqdaa xadka qalqaloocan ee u dhexeeya Burco iyo Laascaanood.
Waxaa isna qarsoodi ahaa xadka Boorama iyo Hargeysa oo Ingiriisku cabsi weyn ka qabay inay soo if-baxdo. Sirtaas waxa laga dareemi karaa, warqaddii ugu dambaysay, ee uu qoray Ku-simihii Badhasaabka ee la odhan jiray Philip Carrel, 20-kii March 1957. Warqaddaas oo si waafi ah u qeexaysa xadka u dhexeeya Hargeysa iyo Boorama. Kuna dardaarmaysa inuu arrinkaasi qarsoodi ahaado.
Kaaral (Carrel) waxa uu xadayntaas ku sheegay inay ka bilaabmayso Garbahaaleh oo ku dhacda, xadka aan la wadaagno Itoobiya, marka uu u janjeedhsado xagga waqooyi. Ka dibna ay xadayntu dul marayso figta Buurta Jifo Micidheer. Halkaas oo ay toos u aadayso Qabri Baxar. Ka dibna ay layn toosan ku tagayso Ceel Sheekh. Si gaar ah ayuu Karral u xusayaa in Qabri Baxar ay ka tirsanaan doono Hargeysa. Sidoo kale waxa uu ku afeef-dhiganayaa in loo qaato, in xadkaasi uu dhul u qaybinayn Gadabuursi iyo Habar Awal. Waxa keliya, ee uu sugayaana yahay xadkii u dhexeeya lahaa labada maamul ee Boorama iyo Hargeysa (Philip Carrel, 20kii March 1957)
Xadkaas cusub ee Carrel, ee isku taagay Ceel Sheekh, waxa uu meesha ka saaray xadkii ay wadaagi jireen Boorama iyo Berbera sannadkii 1944-kii, oo bar-kulanka iyaga iyo Hargeysa, seddexdooduba, ahaan jiray Bulaxaar, halkaasna waxaa ka soo baxay masaafadda u dhexaysa Ceel Sheekh iyo Bulaxaar, oo bad iyo barriba leh oo ay yeelatay Hargeysa.
Faraqaasi waxa uu si cad uga muuqdaa sawirrada Maabkii Carral iyo kii John A Hunt oo kala ahaa 1957-kii iyo 1944-kii. Xadaka Berbera, dhinaciisa galbeed, marka uu, ka bilaabmo Bulaxaar, ee layn toosan uu ku tago Mandheera, ka dib waxa uu toos-bari u gaadhaa khadka 45̊ E Digrii, ee isna kala qaybiya Hargeysa iyo Burco (Eeg Maabka Hunt)
Laga soo bilaabo 1994-kii waxaa soo taxnaa muran ku saabsan xuduudda u dhexaysa Boorama iyo Hargeysa. Waxa xamaasad ballaadhan, oo aan loo kala hadhin ka muujiyay Salaadiin, odayaal iyo wax-garad ka tirsan beesha Subeer Awal, oo u arkayay: “In dawladdii Siyaad Barre bixisay “dhulkoodii” oo ku ekaa ilaa meesha la yidhaah Laanta Cawda, oo xad u ahaan jirtay iyaga iyo Beesha Ciise”.
Sannadkii 1995-kii, Wasiirkii Arrimaha Guduha Somaliland oo ahaa Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddi u saaray arrinka xadaynta labada Gobol ee hore u ahaan jiray labada degmo, xilligii Ingiriiska. Guddidaas oo kala ahaa; Cabdi Haybe, Xuseen Cali Xirsi, Maxamuud Xuseen Cigaal, Cumar Cabdi Xasan, Siciid Ducaale Diiriye iyo Ingineer Maxamed Jaamac.
Waxa guddidaasi soo saartay talo-bixin ay ku taageerayso qorshihii uu dejiyey ninkii Ingiriiska ahaa ee Kaaral (Carrel) markii taariikhdu ahayd 4 May 995-kii. Muddo dheer ka dibna, 8 Octobar 1998kii, Cumar Maxamed Nimcaale oo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa isna wareegto ku soo saaray talo-bixintaas. Eeg ‘Map’ka ku lifaaqan xogtan.
Sida ay doonto ha noqoto, ee dadka ku nool degaanadaasi, xaq buuxa bay u leeyihiin inay helaan agabkii Diiwaangelinta iyo sanaaduuqdii codayntaba. Qofku gobalka uu doono ayuu ka codayn karaa, amma iska sharixi karaa, iyada oo aan la eegayn qabiilkiisa. Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ah inay arrinkan ka badheedho oo ay ku dhawaaqdo xadka u dhexeeya labadaas Gobol.
Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinku waa inay u daba fadhiistaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, marka ay joogto kala xadaynta Lixda Gobol. Axsaabta Qarankuna waa inay ka caaganaadaan, inay ka dhex kalluumaystaan, biyahaa dhooqada ah ee laga seexday in la sifeeyo shan iyo labaatankii sanno ee tagay.
Wa Billaahi Attawfiiq
Maxamed Cabdi Daauud