Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal


Qalinkii Cabdinaasir axmed ibrahim
Saddex iyo toban dhacdo oo la-yaableh hoos ka akhri
Xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbi mucaaridkii ugu adkaa ee Somaliland soo maray, wuxu ahaa mid shacab weynaha reer Somaliland ku-qanceen ololihiisii iyo barnaanijkiisii ba.Inkastoo sidii shacab weynuhu Xisbiga ugu liseen aanu ugu hambayn, hasa yeeshee, waxa si gaar ah farta aan ugu godayaa dhacdooyin la-yaablahaa oo meel ka dhac ku ahaa hab-maamuuseedka dawladnimo oo xukuummaddu gaysatay.
Dhacdooyinka sida ay u kala la-yaab badan yihiin ayaan u soo kala horreysiinayaa.
1. March. 28.2016. Waxa ay ahayd markii wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe illaalada gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee Cali Maxamed Warran Cadde af-duubka ahaan ugu kaxaysteen ee guriga wasiirka la tageen halkaas oo wasiirku gacantiisa ula tagay suxufiga isla markaa illaalada laftoodu jidh-dil ku sameeyeen wariyaha, markii saacado haysteenna waxa ay ku soo xidheen saldhigga dhexe iyada oo aan warqadda dambiga loo samayn ama aan waxba laga qorin. Bal qiyaas wasiirka amniga ee ay tahay in muwaadinku marka uu cabsi dareemo in uu u ordo dhinaciisa bal ka warrama haddii ay ka suurtowdo in uu muwaadinka uu ammaankiisa ka shaqeeyo af-duubto. Dowladnimada ayay cay ku tahay, waa wax laga yakh-yakhsoodo, taasina waa fallaadh muujinaysa in Golaha wasiirrada ee Somaliland ay ku jiraan xubno wali Carruurnimadii ku jira oo dhaqankii carruurta oo dhan leh! Wiilkaasi wuxu dhibkaasi ku gaadhay wax uu xaq u lahaa oo ahayd in uu tijaabiyo xorriyaddiisa hadalka. Haddii aanay dhallintu ka dhiidhiyin dhaqamada noocan ah waxa aan shaki ku jirin in barri mid kale sidan oo kale lagu samayn doono, Cabdinaasir ahaan aniga damiirkaygu wuu I siin waayay in aan ka aamuso, waxa aanan jeclaystay dhib kasta haddii ay ii keenayso in aan runta ka sheego dhacdaa foosha xun ee wiilka dhalliyarta ah loo geystay, taas oo aan xataa dawladda fashilantay ee Soomaaliya aan wali ka dhicin in Wasiir nin dhallinyar ah oo shacab ah gacantiisa ula tago!

2. October. 26, 2015: Waxaa is casilay tiradii ugu badnayd ee masuuliyiin ah ee Qaranka Somaliland abid iska casisha. Waxa ay ahay ceeb qaranka ay u soo jiideen xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye. Taariikhda Somaliland waxa ay ahayd markii ugu horreysay ee tiro 12 xubnood oo miisaan weyn leh ay hal mar iska casilaan. Xataa, Liibiya, Suuriya iyo dowladda Soomaaliya wali tan oo kale kama dhicin. Is-casilaaddani waxa ay daarannayn in Qaranku fashilmo.

3. January 3. 2016. Ayay golaha wakiilladda ee Somaliland ansixiyeen Miisaaniyad sannadeedkii 2016. Miisaaniyaddaas oo la yaab lahayd, waxa ay wasaaradda Maaliyaddu odoroskeeda miisaaniyadeed innuugu sheegtay in lacag ka hadhay miisaaniyaddii 2013 ay ku dartay odoraska miisanaaniyadda 2016, taas oo iska dhaaf hab maamul dawladdeed e’ xataa aan carruurta loo sheegi karin. Waa ba ciyaartii carruurta ee “Riyo ka dhalista!” Su’aalaha ka dhalan karaana waxa weeyaan 1. Miyaan xisaab xidh miisaniyadeed la samayn? 2. Miyay isku xigaan sannadaha 2013 iyo 2016? Mise waxa aan ku heshiinay in beenta aynaan iska qaban?

4. February.24. 2016. Madaxtooyada Somaliland ayaa digreeto ay xilka kaga qaadday badhasaab-xigeenkii gobalka Hawd Warsame Faarax Soomaali, wareegtadan xilka qaadista dawladdu waxa ay ugu dhiibtay baabuur caanoole ah oo caanaha ka soo qaada deegaanada Baligubadle. Halkaa marka aynu marayno waxa aan ka wada dheragsannahay in Wasaaradda Somaliland ugu gaadiidka yar ay 10-gaadhi leedahay.

April.29.2016. Madaxweynaha Qaranku wuxu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo wasiirkii boosaha iyo is-gaadhsiinta ee Somaliland mudane Maxamed Jaamac Abgaal iyo tiliyihii ciidanka illaalada xeebaha mudane …… dhacdadan wasiirka xilkiisa galaafatay waxa ay salka ku haysay mashruuxa “Xadhigga Internet-ka ee badda hoos mara,” mashruucaas oo loolan iyo hirdan badan kaddib labada aqal ee Wakiillada iyo Guurtidu hore u siiyay Ganacsade reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa; Maxamed Siciid Geedi shirkaddiisana ugu magac daray (Somcable) Inta ogaalkayga ah waa mashruuca ugu weyn ee hantida ugu badan ku baxday ee Somaliland shirkadi maal-gashato, waxana ku xiga mashruuca warshadda sharaabka ee (SBI). Ansixintii hore ee Mashruuca “Xadhigga Internet-ka ee badda hoos mara,” waxa ay xildhibaannada golaha wakiilladu ugu magacdareen (Xeerkii xoor-weyne) kaas oo ay adduun badan ku qaateen ansixintiisa, waxa igu maqaal ah in mashruucan 25 sanno loo xidhay shirkadda Somcable, iyadoo sharciga Somaliland waxa uu ka qabo in shakhsi ama shirkad wax kooto luugu xidhaa sharcinimadeeda iyo sharcidaro ahaanteedu dood kale tahay, bal aan is-weydiinno su’aalo kale oo ka horreeya, markabkan sahaminta xadhig internet oo isna badda hoos mara u soo dhaqaaqay ee biyaheenna u yimid ee galaaftay xilkii wasiirku, ma sahan la’aan ayuu ku soo dhaqaaqay? Sahamin in la sameeyo iyo in ogolaansho la helo kee baa horreeya?