W/Q: Cabdiraxmaan Caydiid

Cabdiraxmaan Caydiid

36 sanno ka hor, 20 Feb 1982, anigu waxa aan joogay Dugsigii sare ee Farsamada Gacanta ee Burco (Technical Institute of Burao – ITB). Maalin ka dib markii Hargeysa dhagaxa laga tuuray ayay Burco-na ka bilaabantay. Burco sida Hargeysa ma lahayn Dugsiyo sare oo badan. Waxa ku yaalay laba Dugsi sare oo ahaa dugsigii Farsamada Gacanta (Technical Institute), dadka badankisuna u yaqaaneen Isguulka Jarmalka iyo Dugsiga labaad ee kale waxa uu ahaa dugsigii sare ee Sheekh Bashiir.
Da’yartu si ay u fahanto xaaladdii berigaas, metelan si aaad Burco u tagto si raaxo leh, waxa Hargeysa ka bixi jiray bas weyn oo ilaa 50 qof qaada, wuxuu ka bixi jiray meel u dhaw Masjid Jaamaca Hargeysa, qiyaastii ilaa 5:30AM saac ee aroornimo ayuu dhaqaaqi jiray, magaalo-yarayda Go’da Weyn ayaa laga sii qadayn jiray, kadibna casarka ayuu Burco geli jiray. Mid kale oo la mid ah ayaa isna Burco ka soo bixi jiray, Go’da ayaa la isku weydaaran jiray. Labaada Bas waxay ahaayeen kuwa warka madaxdiisa iyo isagoo faahfaahsanba sida ee Hargeysa iyo Burco u kala qaada. Waddanka hal warbaahin oo dawladdu leedahay ayuun baa ka jirtay, sidaas darteed wararka idaacadaha dawladdu aanay qaadi-rabin rakaabka baabuurta ayuun baa qaadi jiray.
Casarkii markii Bas-kii soo galay Burco isla markiiba warkii dhagax-tuurka iyo sida Hargeysa wax uga dhaceen subaxaas waa la dhig-dhigay. Dhagax-tuurka ka hor awalba kacdoonku hoos buu u jiray oo wararka waa laysu tebin jiray, laakiin tani waxay noqotay mid gaar dareenka dadka u taabatay.
Habeenimadii ayaa warka rasmigiisii iyo go’aankii ahaa in berri oo 21ka February ah aanu annaguna bannaanbaxyada bilowno la is wada gaadhsiiyay. Xilliga nusasaacaha in la soo baxo ayaa lagu balamay. Anaga Dusigayagu wuxuu ahaa hoy ama jiif, Sheekh Bashiir isagu hoy iyo maalinle ayuu isugu jiray. Tirada dugsiga Jarmalka ee aanu joognay waxay ahaayeen ilaa 150 arday (all grades), mudaharaadka kamay wada qaybqaadan sababo jira awgood, oo ay ka mid ahayd Dugsiga oo min Kismaayo ilaa Saylac laga soo geli jiray, manay sahlanayn in isku figrad 100% laga noqdo kacdoonka. Ardayda qaarkood ayaa lagu tuhmayay inay sirdoonka la shaqeeyaan oo wararka laga qarinayay. Dugsiga Sheekh Bashiir ayaa isagu naga badnaa oo arday badani dhigan jireen, Tiradooda imika ma qiyaasi karo.
Goobta lagu balamay waxay ahayd maqaaxida Cali Hayste iyo suuqii la odhan jiray WAQDA (imminka in magacii laga beddelay Ma-hubee). Saacaddii la balamay ayaa halkii la isugu yimi. Si aan naloo dareemin waxaannu ku baahnay maqaaxiyihii halkaa ka dhawaa. Cabbaar haddii la joogay ayaa isha laga wadahadlay aan bilowno ayaa la is yidhi. Waa soo kaakacnay, markii aanu soo ururnay ayaa tagaasidii taagnayd suuqa WAQDA ay hal mar hoonka yeedhiyeen, iyagoo aan kala joogsi lahayn. Ka dibna dhaqaaqii ayaanu bilownay anagoo koonfur u dhaqaaqnay. Waxaannu sidanay oo la soo kala baxnay oo markii horena noo duuduubnaa laba maro oo cad cad oo midkiiba ilaa 3 mitir tahay, kuwaas oo lagu xardhay hal-ku-dhegyo far waaweyn lagu qoray. Labadii hal-ku-dheg ee labadaas boodh ku qornaa ayaan idiin sheegayaa. Midka koowaad waxaa ku qornaa “BURCO IYO HARGEYSA WAA LABA MATAANOOD”. Boodhka labaadna waxa ku qornaa “QAYBI OO XUKUN WAANU DIIDNAY”. Socodkii baanu sii wadanay anagoo qaylinayna, dad badanina nagu soo biireen. Wadada Laamida ah ee “O”da la odhan jiranay ayaanu ku soo wareegnay. Maalintaa koowaad sidaas ayay ku dhammaatay. Si nabgelyo ah, wax dhibi nama soo gaadhin.
Maalintii labaad ayaa haddana la gaadhay. Maalintii labaad dawladdu way ka tabaysatay, metelan dugsigayaga oo kale waxa nagu dhowayd xero milateri (xerada guutada Jiibabka) oo dhinaca Woqooyiga ee dooxa naga xigtay. Taas ayaa naloo xilsaaray in aanaan berri soo bixin. Taliyahoodii ayaa nagu soo kalahay, waxaannu amar ku bixiyay inaan cidi dugsiga ka bixi karin, halkaana ku ekaano. Looma joojin markii ay nusasaacihii gaadhay ayaanu iska baxnay. Balanta goobta habeenimadii ayaa sidii caadadu ahayd la soo tebiyay. BAAR SIIGO ayaa lagu ballamay. Wax afarba meel ka soo wareegtaba bar-kulankii BAAR-SIIGO ayaa la isugu tegay (BAAR SIIGO Berigaa magaalada koonaheeda Koonfur buu ku yaalay, imminka malaha waa badhtanka magaalada). Markiiba waxaannu ka war helnay in ciidamo meelo badan la dhigay. Degdeg baanu isugu ururnay oo dhaqaaqii soo bilownay xaggan iyo jihada Woqooyi ayaanu usoo dhaqaaqnay. Maalintaa askartu kaarto ayay noo degeen, qaar way nasoo daba socdeen, qaarna hareeraha ayay naga socdeen, qaar kalana Biriijka afkiisa woqooyi ayay tubnaayeen. Markii biriijka lagusoo afyeeshay ayaa kuwii dambe nagu soo yaaceen oo biriijkii nagu riixeen, laba aabudh ayay arrintii noqotay. Ardayda badankeedii biriijka ayay ka daateen. Anigu kuwaas baan ka mid ahaa oo layma qaban, laakiin 7 wiill ayaa malintaa isguulkayga laga qabtay. Sheekh Bashiir waxaan filayaa ilaa tiro 35 arday gaadhaysa laga qabtay. Dhammaan Jeelka Mandheera ayaa loo dhaadhiciyay. Muddo 3 bilood ah ayay xidhnaayeen markii dambe cafis ayaa lagu soo daayay……
Waa maskax-xasuus-qor kooban oo aan da’yarta u dhaafay…
Ilaahay baa mahadleh nimco iyo nabadgelyo ina siiyay. Allow noo siyaadi..Aamiin.

Wallaahu Aclam
W/Q: Cabdiraxmaan Caydiid
abdiaideed11@gmail.com