Araweelo_News_Network
Xeerka Maamulidda Dawladda (Administrative Acts) iyo Xeerka Maamulidda Qoyska
Waxaynu soo qaadanaynaa tusaale ka hadlaya Xeer Maamulid Qoys inagoo ujeedada u soconaya Xeerka Maamulida Dawladda ee loo yaqaan (Administrative Acts) iyo sida ay xal ugu noqon karaan faruuryo xidhka awoodaha madaxda dawlada iyo xaqdhawrista Xuquuqaha Shacabka.
Qoyska Reer Mawliid waxa uu ka kooban yahay: 1. Aabo Mawliid iyo 2. Hooyo Marwo, 3. Shan Caruur ah oo ay dhaleen, 4. Awoowo Daauud iyo Ayeeyo Barni. Qoyskan oo kuwada nool hoy kaliya, kadib markii ay arkeen awoodaha ay leeyahiin 4 qeybood ee qoysku in aanu cadaalad ahaan isku miisaamnayn, si looga hor tago in qeyb kastaa awoodeeda u isticmaasho si khaldan kuna xadgudubto xuquuqaha qeybaha kale waxa ay samaysteen Xeer Maamulid, qoraalkeenan waxaynu kagaga hadli doonaa laba qodob oo kala ah awoodaha waaxaha Qoyska, iyo Massallo tijaabo u ah qaabka ay u wada shaqeeyaan marka ay leeyihiin xeer maamulid sax ah.
QODOBKA KOOWAAD: Waaxaha Qoyska
1. Aabo:
Wuxuu metelaa dhamaan qoyska ku nool Guriga Reer Mawliid, shaqada Aabahuna waa in uu masuul ka yahay jaangoynta iyo Qorshaynta Guud ee Nolosha Qoyska, iyo maamulka iyo maaraynta. Si lamid ah sida Baarlamaanku u dejiyaan xeerarka dalka lagaga shaqaynayo.
1.1 Awooda: in uu qaato go’aanada waaweyn ee qoyska Tusaale, “ Waxaad u baahanay in aan keydino dakhligeena” ama “Waxaan u baahanay in la nadiifiyo guriga si loo ilaaliyo caafimaadka qoyska”.
1.2 Xakamaynta Awooda: Haddii Aabuhu noqdo mid aan cadaalad lahayn, eex leh, ama jecel qof gaar ah, waxay abuuri doontaa fawdo, xanaaq, iyo qoys aan wada shaqaynayn ama calool xumo kuwada socda.
2. Hooyo:
Waxay fulisaa go;aamada waawayn ee Aabuhu gaadho, sidoo kale waxay leedahay awood ay ku gaadho go;aamada yaryar ee qoyska . Si lamid ah sida Waaxda Fulintu u fuliyaan shaqooyinka dawlada ee Xeerka Baarlamaanku jideeyay iyo sida ay u gaadhaan go;aamada maamul ee xeerka baarlamaanku u igmaday.
2.1 Awooda: in ay fuliso go’aamada sare sare ee Aabaha iyo in ay gaadho go;aamada hoose ee qoyska Tusaale ahaan “ guriga si loo nadiifiyo + waa in maalinkasta laba jeer jeer la maydhaa “, tusaalahan qeybta hore waxay muujinaysaa fulinta, qeybta dembana waxay muujinaysaa gaadhista go;aamada hoose oo ah habkii loo fulin lahaa go;aanka.
2.2 Xakamaynta Awooda: Haddii Hooyadu noqoto mid aan cadaalad lahayn, eex leh, ama jecel qof gaar ah, waxay abuuri doontaa fawdo, xanaaq, iyo qoys aan wada shaqaynayn ama calool xumo kuwada socda.
3. Caruurta
Caruurtu waa sababta guriganiba u jiro ama hadafka ugu weyn ee qoysnimada. Daryeelkooduna waa yoolka ugu horeeya ee waalidka Si lamid ah sida Shacabku u yahay cida ay dawladu u shaqaynayo, ama dhamaan shaqaalaha Dawlada oo dhan hadafkoodu waa in shacabka loo adeego.
3.1 Xuquuq: Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in si caddaalad ah loola dhaqmo, in la dhegeysto, iyo inay ogaadaan go’aanadda qoyska. Ma aha inay ku noolaadaan cabsi, iyo ciqaab aan la saadaalin karin.
3.2 Doorkooda: Carruurtu waxay oggol yihiin inay raacaan awoodda waalidka ilaa waalidku raaco Xeerarka Guriga.
4. Waalidka Aabaha/Hooyadda (Awoowo/Ayeeyo):
Awoowaha iyo Ayeeyadu waa dib u eegaha go;aamada lagusoo rogo caruurta, waana halka kaliya ee caruurta qoysku ka helaan nafisaad ama uga cawdaan goaamada waalidkood ee aanay ku qanacsanayn Tusaale “ Ayeeyo caawa waa jimce hooyana waxay ii diidantahay in aan daawado Tii-fiiga ee igala hadal” Ayeeyo korisay…!
Si lamid ah sida Waaxda Garsoorku dib u eegis ku samayso goaamada waaxaha kale, una diidi karto una ogolaan karto.
QODOBKA LABAAD: Massallo Tusaale u ah Wada Shaqaynta Qoyska
Masalladdan waxaynu kagaga hadli doonaa qaabka wada shaqayneed ee qoysku u dhaco marka loo marayo xeer maamulid, xeerna ma dhasho haddii aanay jirin dhibaato, si loo xaliyo dhibaatadana waxaa laga samayntaa xal.
Dhibaato:
Qoyska Reer Mawliid (Dawladda), waxaa haysta in nadaafad la’aani ka jirto gurigooda taasi oo sababta keenaysaa tahay in aanay caruurtu (shacabku) aanay lahayn wakhti xadidan oo ay daawadaan Tv-ga, taasina ay keentay in halkii ay ka nadiifin lahaayeen Guriga ay ka daawadaan Tv-ga.
Xalka:
Aabe Mawliid wuxuu go;aansaday “ si loo nadiifiyo guriga in la xaddido wakhtiga daawashada Tv-ga”. Tani waa sida baarlamaanku usoo saaro xeer guud oo xal u noqda dhibaatada.
Talaabada Koowaad: Curinta Xeerka Maamulidda
(Xeer Nidaamiyaha) Qoyska)
Abuurista Xeerka Hooyadu iyada oo fulinaysa go’aankii Aabaha waxay samaynaysaa xeer maamulid (Administrative Act) xeerkana uma sameeynayso in ay u xadido daawashada Tv-ga si aan kala sooc lahayn balse waxay u martaa hab cadaalad ah, bal eeg habka ay hooyadu u curiso xeerka nidaaminaya goaanka Aabaha si lamid ah sida Waaxda Fulinta Dawlada:-
OGAYSIIS: “Carruur, caawa waxaan qabaneynaa kulan qoys si aan u sameyno xeerar cusub oo ku saabsan waqtiga daawashada Tv-ga.”
KA QEYBGAL Kulanka, carruurtu waxay bixiyaan fikirkooda. Tusaale ” maxaa dhacaya haddii shaqooyinkayaga guriga la dhammeeyo?”
GO’AAN MACQUUL AH: Waalidku wuxuu tixgeliyaa arrintaas wuxuuna sameeyaa xeer: “Waxaad heli kartaa Daawashada Tv-ga hal saac oo kaliya kadib marka shaqooyinka guriga la dhammeeyo oo aan anigu xaqiijiyaa.” Halkaa waxaa ku curtay xeer cusub.
Talaabada Labaad: Dhaqangalinta Xeerka Qoyska
Hooyadu iyadoo dhaqangalinaysa ama fulinaysa xeerka waxay qaadaysaa talaabo ay ku eegayso mala fuliyey mise lama fulin. Tusaale : hooyadu waxay aragtay caruurtii oo daawanaysa Tv-ga kadib waxay hubisay shaqadii guriga in la qabtay, waxaanay aragtay madeebad uskag ah oo ku dhexjirta weelka, waxay amartay in caruurtu aanay caawa daawan Tv-ga maadama aan shaqadii lawada qaban.
Talaabada Saddexaad: Hubinta iyo isku Dheelitirka (Check and Balance)
Ilmuhu wuxuu ku doodaa: “anigu waan qabtay shaqaddii ! waxaan nadiifiyey weelka. Balse hooyo May xaqiijin shaqada aan qabtay ka hor inta aanay diidin daawashada. Tani ma aha mid caddaalad ah! Waad jebisay xeerka ‘xaqiijinta’!”
Ilmuhu hadda wuxuu hor istaagay ficilkii hooyada sababta oo ah wuxuu cadeeyay in Hooyadu (Xukuumadu) aanay raacin habraacii ay iyadu dejisay
Talaabada Aftaad: Dib u eegista Awoowaha/Ayeeyada (Judiciary Review )
WAXAY DIB U EEGAAN XEERKA: Xeerka Hooyadu dejisay (Administrative Act) waxa uu dhigayaa “waa in aan xaqiijiyaa.” Eeg talabaada koowaad farqada u dembaysa.
CADAYMO HELID; Waxay ogaadaan inay ku guuldareystay hooyadu inay xaqiijiso ka hor ciqaabta (amarka joojinta daawashada).
NATIIJADA: Ciqaabta joojinta daawashada waa la buriyaa. “Hooyadu waxay tidhaa: Waa sax. Ma raacin xeerkeenna. Waan hubin doonaa markale. Waad heli kartaa waqtigaaga daawashada.”
Halkan waxaynu kusoo koobnay:
1. habka Baarlamaanku xeerka guud u curinayo,
2. habka Xukuumadu ay u samaynayso xeerka maamulida (xeer nidaamiyaha) (administrative act),
3. Habka ay Xukuumadu u fulinayso Xeerka iyo Habka Shacabku ku difaacayo xuquuqdiisa loona xakamaynayo awooda xukuumada.
4. Habka Garsoorku u samaynayo dib u eegista goaanadda
baarlamaanka iyo xukuumada.
Maxaad ka fahantay?
Qormadeena dambe waxaynu isbarbar dhigi doonaa natiijada ay hesho Dawladu marka ay leedahay Xeerka Maamulida(administrative acts) iyo marka aanay lahayn.
@followers@highlight
Garyaqaan Guled G Qiyaas
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


