Caddami
Madaxweynayaasha Dalalka Dunidu inta badan waa mashquul, waxay ka shaqo badan yihiin dhamaan masuuliyiinta kale ee qaranka, waxa saaran laba culays oo kala daran:-
Culayska saacadaha badan ee ay shaqada ku gudo jiraan iyo Culuyska xilka loo doortay oo guba damiirkooda sidaas oo ay tahay madaxweynuhu wax walba kaligii ma qabto maamulka baaxada leh iyo hawl maalmeedka hawlaha dawlada waxa kala wada rag iyo dumar loo xulay inay hawlaha ka soo dhalaali karaan, Madaxweynaha isaga waxa loo doortay in uu asteeyo siyaasada guud iyo in uu u gacan banaanado furdaaminta iyo ka go’aan qaadashada arrimaha waawayn ama muhiimka ah sida dagaal iyo weeraro dibada kaga yimaada ama sida isbedel mashruuc siyaasadeed ama dhaqaale oo mug leh ama sida masiibooyin dabiic ah.
The big man (President) is hired for the big decisions.
Sidaa daraadeed looma baahana in madaxweynaha Jamhuuriyada somliland md Axmed Maxamed Maxamuud isku mashquuliyo balamo wakhtiga ka lumiya iyo hawlo yaryar oo wasiir qaban karo.
Haddii aad ka faa’iidaysanayso bal dhugo odhaahdan “ Never do yourself what others can do for you” Macnuhu wuxuu yahay waligaa ha qaban waxay dad kale ama kuwa kaa hooseeyaa kuu qaban karaan.
Run ahaantii ma haboona sharafta madaxweynahana ma aha inuu mar kasta si fudud ugu soo baxo xadhig baan meel ka jarayaa, laba qol oo madarka lagu kordhinayo ayaan dhagax soo dhigayaa, jamacad baa layga casuumay iyo IWM,.
Madaxweynihi hore (37th) ee Maraykanka Richard Nixon buugiisii LEADERS wuxuu ku yidhi “ Many Leaders is to get bogged down in small matters” , wuxuu tilmaamaya in madaxweynayaasha qarkood wakhtigooda qaaliga ah lagaga lumiyo ama lagag arbusho arrimo yar yar oo aanay sakaaro ka biirsan iyaga oo ay shaqo badani u taalo.
Madaxweyne haddii aad u haysto ama dad kugula taliyay inay sumacadadu ku kordhayso xaflado badan oo aad tagto ama goobo lagugu arko iyadoo la og yahay inaad ka warwareegayso xal u helida arrimo muhiim ah oo miiska kuu saaran, sumacad, magac iyo kalsoonida bulshada waxa la kasbadaa marka lagu dhaqo cadaalad iyo sinaan, marka si niyad sami ah looga shaqeeyo midnimada iyo wada jirkooda iyo marka ay dareemaan in madaxdoodu si daacad ah ugu adeegayso.
Sida madaxweynahooda oo kale wasiiradiina xafiisyadoodii waxay ka doorbideen iyag oo isgarbinaya inay madaxweynaha hadba meel u daba yaacaan.
dhinaca kale shicibku waxay jidh-diidaan marka ay arkaan wasiir baabuur SURF ah kula wareegaya meel fagaare ah oo kala wareegaya gabadh xog-hayn aha ma horjooge ka ah Hay’add yar waxa kale oo la arkaa wasiir la shiray ama heshiis la saxeexaya sarkaal hoose oo ka wakiil ah hay’add Nairobi degan.
Runtii waa dhaqan aad u liita oo meel kaga dhacaya haybada dawladnimada iyo karamadii wasiirnimada , hawlahan oo kale waxa ku filan agaasimaha guud ama agaasimayaasha waaxyaha.
Wasiirku wuxuu leeyahay warbixinta iyo wixii ka soo baxa kulamadaa, isaga waxa looga fadhiyaa inuu la yimaado siyaasad, hal abuur iyo aragti uu ku hago wasaaradiisa.
Gabogabo : Somaliland maanta waxay maraysaa suryo cidhiidhi ah waxa ku socda dagaalo caalami ah iyo kuwo gobolka ah oo wajiyo badan iyo ujeedooyin kala duwan leh sidaa daraadeed madaxweynaha waxa looga fadhiyaa oo ay ummadu ka sugaysaa inuu la yimaado fikrado cusub, siyaasad firfircoon iyo istaraatijiyadii lagaga badbaadin lahaa xogaga sharka ee isku soo bahaystay inay xagal daaciyaan ama is hortaagaan qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland .
C/raxmaan Cadami
abdirahamanadami@yahoo.com