qoraalQoraa Maxamed Faarax Qoti

Muddo haatan laga joogo sannado iyo waxoogaa waxa dhagahayaga ku soo duulayey warar aan sal iyo raad toona lahayn, kaasoo ahaa, in wiil ka mid ah qoyska Madaxtooyaddu uu xil-qarsoon ka hayo xukamadda hadda taladda dalka haysa ee uu hogaaminayo, Madax-weyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), waxaanu leenahay hanbalyo, hanbalyo, mudane Madax-weyne xilka-muuqda ee aad u magacowday, Mudane Baashe Cawil Cumar, sababtoo ah xilka-qarsoon xilka- muuqdaa dhaama.
Sidoo kale, haddii dadka lagula dhaqmo cadaalad darro, dacaayaddo iyo inay xilal-qarsoon ka hayaan xukumadda kama saarto dadnimadda, laakiin kuwa ku dhaqmaya laftigooda ayey kharibtaa, sidaa daraadeed, Safiirka cusub ee Imaaraatka Carabta mudane, Baashe Cawil Cumar, waxaanu Alle ugaga baryeynaa inuu garab-mariyo qocondhada iyo duufaanta siyaasadda ee turunturadda badan, isla-markaana uu u fududeeyo xilkaa cusub ee loo magaaabay.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti