abdulahiwayab

Waxa indhaweydba dibed iyo gudaba si ballaadhan loogu falanqeynayey fagaarayaasha siyaasadda xubno kooban oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Xirsi Xaaji Cali Xasan oo horena gadh-wadeen uga ahaa kooxdii Wasiirrada ahaa ee isku saacadda iskood uga wada dareeray Xukuumaddii ay haaneedka u hayeen. Tallaabada labaad ee xubnahan ay u qaadeen dhinaca siyaasadda oo ay muddo dedaal ugu jireen in koox ahaan aanay kala go’in, balse mar dambe la kala xidhiidh furtay, ayaa xubnihii ka hadhi kari waayey hoggaamiyahooda [Xirsi] isku soo shubeen xisbiga WADDANI oo malaha ka dhex arkeen inay ka heli karaan danahooda siyaasadeed oo sidii uu sheegay Maxamad Biixi Yoonis-ba aanu mansab ka hooseeya Madxweyne u soo doonan xisbiga uu ku soo biiray, inkastoo aanay taasi dhicin oo Cabdiraxmaan Cirro cidkula tartamin xilka jagada Madaxweynenimo ee xisbiga WADDANI.
Si kastaba ha ahaatee, waxa iyana dareen laga bixiyey is-muujintii, mashxaraddii iyo durbaannadii ka baxayey goobtii xafladdu ka dhacday oo sawaxankii iyo saansaantii ka muuqatayba la mid ahaayeen munaasabadihii kacaanyannada oo kale ee baabuurta gelbiska ah lagu keeni jiray goobaha xafladaha. Halkaa dhaafin maayo faallaynta guud ee madashii Xirsi loogu caleema-saaray hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI. Sidoo kale waxa laga ansixiyey ergooyinkii Golaha Dhexe kaalinta jagadaa cusubi ku yeelan doonto Xisbiga, haddii ay aqbalaan Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku, iyagoo mar walba u eegi doona xeer Lam. 14 oo ah xeerka lagu maamulo xisbiyada Somaliland.
Arrinka falanqeyntiisu ugu hadal haynta badnaa waxa uu ahaa kaalinta Hoggaamiyaha Xisbiga ee Xirsi lagu soo dhaweeyey oo weli aan la garan meesha uga bannaan Hoggaamiye Xisbi nidaamka siyaasadeed ee aan qaadannay oo ah ka nooca Mareykanka ee [Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen],iyo nidaamka axsaabta oo yeelanaya guddi hoggaamineed oo leh Guddoomiye iyo ku-xigeen iyo tan kale ee ah hoggaamiyaha oo ay ku dhaqmaan sida badan dalalka nidaamkooda siyaasadeed yahay ka [Ra’iisal-wasaaraha], xsbiyaduna yeeshaan Hoggaamiye iyo Guddoomiye, sida Boqortooyada Ingiriiska oo kale, taasoo uu hoggaamiyuhu yahay qofka isku soo taagaya u tartanka jagada Ra’iisal-wasaaraha, iyadoo Guddoomiyaha xisbiguna noqonayo ka maamula hawlaha diyaarinta qabshada shirarka iyo hawlaha maamulka, sida shaqaaleynta hawlwadeennada shaqada xisbiga.
Sidaa awgeed, kaalin uga bannaan haba yaraatee ma jirto hoggaamiye xisbi nidaamka siyaasadeed ee aynu qaadanay ee Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen oo isla markaana ka lagu saleeyey xeerka dhismaha xisbiyada qaranka ee dalka.
Waqtigii uu isbiga KULMIYE ku guuleystay doorashadii Madxtooyada ee sannadkii 2010-kii, waa kii Xirsi Cali Xaaji Xasan la siiyey xil ku cusbaa dalkeenna oo sidii loogu dhawaaqay ahayd [Chief of Cabinet], balse ka ku habboonaa in loogu yeedho u ahaa (Chief of Staff), waayo jagada hore ee Chief of Cabinet waxa ah Madaxweynaha, ka kalena waa ninka masuulka ka ah dhammaan hawlaha shaqo ee xarunta Madaxtooyada, kaasoo aan xilkiisu u baahnayn in laga ansixiyo Golaha Sharci-dejinta.
Run ahaantii Xirsi ilaa jagadaa loogu beddelay Wasiirka Madaxtooyada lama horgeyn ansixintiisa Golaha Wakiillada. Taa hore ee uu soo hayey uma baahna ku noqod sidii uu jagadaa ugu xidhay illinkii loo mari jiray Madaxweynaha ee bal hadda kan cusub ee uu ula tagay Xisbiga WADDANI ee loogu dhawaaqay Hoggaamiyaha Xisbiga oo isna uu maqalkiisu ku cusub yahay dhegaha bulshada iyo sidoo qaab dhismeedka xisbiyadaba la arki doonee.
Subax dhaweyd oo aan goob ku kulanay dhawr suxufi oo ah hal-doorka warbaahinta, ayaa Saaxiibkay Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Burco, caana ka noqotay. Saaxiibkay waxa nooga sheekeeyey nin Cali-Suufi la yidhaa oo ku noolaa Burco, ayaa had goor jawaan ku sidan jiray masaska noocyadooda kala duwan, kuwaasoo uu mararka qaar intuu mid ka mid ah ku soo maro gacantiisa uu dadka qaar hadduu doono ku salaami jiray, si ay uga argagaxaan.
Ninkaas ayaa nasiibkiisa maalin maalmaha ka mid ah nin Jarmal ah looga warramay in Burco uu ku nool yahay nin masaska jawaan isaga sita oo aanay isaga waxba yeelin. Ninkii Jarmalka ahaa oo isaga laftiisu u baahnaa masaska Afrika, ayaa ka codsaday ninkii inuu la baadi doono ninka haya masaska si uu uga iibsado. Goob uu inta badan nasiino u ahayd Cali-suufi oo jawaanka masasku ugu jiraana isbarbar dhigi jiray ayey u soo dhaqaaqeen. Markuu sheedda ka arkay ninkii waday gaalka Jarmalka, ayaa intuu farta ku fiiqay halkii uu fadhiyey ku yidhi; “Waan nasiib badanahay oo ninkii hayey masasku waa ka geedkasa hoos fadhiya.”
Siday u socdeen ayey dul-istaageen Cali-suufi oo jawaankii masasku ka buuxeena dhinac yaalo. Salaan kadib, waxa uu ninkii reer Burco ee waday ninka Jarmalka u sheegay Cali-suufi, inuu ninka Jarmal doonayo inuu ka iibsado masaska uu soo qabqabtay. Cali-suufi oo hadalkaa ku farxay ayaa ugu jawaab celiyey inuu ka iibinayo intuu u baahan yahay, wuxuuna u sheegay tiradii jawaanka ugu jirtay oo dhammayd 36 mas (lix iyo soddon mas). Ninkii Jarmalka ahaa ayaa ka dalbay Cali-suufi inuu bal masaska tuso noocyadooda, taasoo uu Cali-na intuu si degdega u sarakacay oo dabadeedna intuu kor u qaaday u furay afkii jawaanka.
Ninkii Jarmalka ahaa waxa uu masaskii iska reebay 6 kaliya oo uu u arkay inay ahaayeen noocyada ugu halista badan. Qiimihii markii lagu heshiiyey gorgortan dheer kadib, ayuu ninkii Jarmal ka soo saaray jeebka dambe boorso cas oo lacag doollar ah ugu jirtay. Markuu soo saaray lacagtii ee uu damcay inuu u tiriyo ayaa Cali-suufi oo aan horeba u arag doollarka uu ku yidhi ninkii reer Burco, “Waar anigu badaw baan ahay keymahaa isaga jira oo ma kala aqaan doolarkee, waxad u sheegtaa ninkan saanta-cad inaan lacag soomaali doonayo.” Ninkii reer Burco ee gadh-wadeenka u ahaa Jarmalka, ayaa Cali-suufi u sheegay inuu isagu uga beddelayo sarriflayaasha isla imikaba, isagoo ninkii Jarmalna u turjumay hadalkii Cali oo uu si aad ah ugu qoslay ninkii Jarmalka ahaa.
Bakhaar weyn oo kuwa raashinka ah ayaa looga sarrifay lacagtii oo waqtigaa ahayd tii Giimaabrta loo yiqiin. Markii rabdado isku xidhxidhan oo aad u tiro badan la isku dul-dhigay ee loo tiriyey ayuu Cali-suufi si farsamo ah jawaankii oo lixdii mas ee khatarta badnaana ku dhex jiraan ugu gurtay lacagtii isla jawaankii, masakiina dusha soo mariyey, dabadeedna intuu afka ka xidhay jawaankii oo degta u soo ritay la sii lugeeyey ilaa qol yar oo uu u hoyan jiray oo ah kuwii la dhisay waqtigii Ingiriiska.
Waxba yaanan hadalka idinku daaline, laba tuug oo bakhaarkii ka soo raacay Cali-suufi, ayaa iyana u soo horfadhiistay makhaayad yar oo ka soo horjeeday qolkiisa. Jaad ayaa Cali-suufi kasoo iibsaday makhaayadii labada tuug u soo fadhiisteen. Markuu si wacan u mirqaamay ee jaadkiina dhammeystay, ayaa intuu soo qufulay albaabkii qolka uu u casho tagay hudheel ka yara durugsanaa. Labadii tuug ayaa iyana markiiba soo daba-maray oo si dhakhsaha u jebiyey qofolkii yaraa, si degdehsiinyo lehna ula soo booday jawaankii oo kula dhaadhacay dooxii Burco.
Lixdii Mas oo sufuudhii lacagta cadho oo iyagii cadho darteed fajaaso iskala daaleen, ayey labadii tuug mar allaale markay xadhigii afka ka fureen jawaanka ee mid walba dhinac isyidhi qabo ayey labadoodu mid kastaba dhawr jeer oo degdega dhag-dhag kaga siiyeen qanniinyo, isla goobtiina uu mid walba ku dhacay bartii uu taagnaa, sidaana kaga baxday naftii oo ay labadii tuug ku geeriyoodeen.
Cali-suufi oo horeba habeennimadii u sheegay dad badan in aanay ka macaashi doonin cidda ka xaday lacagtii, ayaa markii waagu baryey loo sheegay in jawaankii iyo lacagtii oo wax yar oo ay ka dhuf-dhufteen dadkii dooxa soo maray lagu hayo saldhiga booliska.
Haddaba, markuu sheekadii dhammeeyey saaxiibkay Xagar, ayaan anigu waxan ku idhi “Waar waaba sheeko cajiib ah ee tolow xisbiga WADDANI ma dareensan yihiin inay soo xeraysteen masas iyo in horeba loo yidhi, ciddii masas korsataa iyaga malge ama ninkii mas korsadaa isaga malag.” Bal xukuumaddii iyo xisbigoodii KULMIYE tii kala raacday waa loo joogee, tan cusub ee dambana aan sugno waqtigeeda.