W/Q. Fuad Fartaag 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi siddii uu ugasoo laabtay Dalka dariska ee itoobiya, dusidii uu hoosahaanta ugu dusay Farmaajo waakii Afka xidhay ee diiday inuu uga warbixiyo shacabkiisa wuxuu daarnaa socdaalkiisii kadaf-kadafta iyo kadiska ahaa iyo cidduu la kulmay cidda ay ahayd.
Dhanka kale waatii fiila Soomaaliya Afka furatay soona bandhigtay sawiro uu Farmaajo dhabarka kasii taabanaayo Madaxweyne Muuse, si kastaba ha ahaatee Mudane Muuse isagoo aan shacabka weli wax war ah siin, waakii tegay Golaha baarlamaanka Somaliland intuu kaxaystay haween durbaano u tuma oo u mashxarada oo goobtii baarlamaanka ka dhigay meel xaflad aroos ka dhacayso oo kale, dadba yaabye, waxase yaab noqotay khudbadii uu Madasha ka jeediyey Mudane Muuse oo ahayd khudbad maqaamkeedu hooseeyo oo aan kafiirsasho, baaraandeg iyo meel u day lahayn.

Aaraarta uu ku tiraabaayey qaarkood meel ku dhacbay ku ahayd milgaha maamuus ee magaca uu qaranka u huwan yahay, isaga oo u hadlay idhagaysta uun, kuna soo afmeeray xikmad suugaameed uu si guracan u mariyey una Magac dhabay oo aan goobta munaasib ku ahayn iyo inay Af madaxweyne kasoo baxdo toona, waxaase yaab leh cidduu hadalka ka hor jeedinaayey ayaa ahayd xildhibaano Meesha iska soo yuurura mudo Somaliland Saddex Madaxweyne is kala bedeleen iyaga oo ku jooga Golaha sifo Dumuqraadiyada iyo shuruucda dastuurka Somaliland iyo kuwa caalamiyaga ahba baal marsan.

Sababtoo ah Xildhibaanada ugu badan Xisbi ahaan waxay ku joogaan magacii Xisbigii UDUB ee saaxada siyaasada Somaliland ka baxay, aduunka waa kow wadan Xisbi baaba’ay oo aan jirin sharci dejintii iyo ansixintii u joogto. Shacabkuna aanay dhaadahayn, xukuumadan Muuse danbaa ugu jirta Xildhibaanadan bilaa Xisbiga golaha ku jooga, waayo si sahlan ayuu wuxuu doono u marsanayaa oo ay ugu ansixinayaan, Taasna caddayn waxa inoogu filan xubnaha komiishanka ee muranku ka joogo uuna soo magacaabay Madaxweynuhu isaga oo og inaanay shuruudihii xeerka ku duugnaa aanay buuxunahayn se Baarlamaankan xubnaha ugu badani ay CALOOSHOOD-U SHAQAYSTAYAALKA yihiin aan matalin Xisbi jira ay duuduub ugu ansixiyeen una yihiin iyagu sababta uu macmiisha Mudane Muuse Biixi uga dhigtay ilameeraysada uu Dalka ku hagaayo.

Dhanka kale khudbadii uu jeediyey Madaxweyne Muuse inteeda badnayd isagaa weedhihiisa wax isku yeelay ummadiina istusay se tan uu kaga dhawaajiyey inuu xisbiyadii furaayo, wakhtigeedii marka la gaadho waa lasoo wada dhaweynayaa si waafiya, balse salaad walba wakhtigeedaa la tukadaa, Siddoo kale iyadoo jamacii oo faral ah lagu jiro sune lama tukado, siddaa laajigeed waynu wada ogsoonahay Baarlamaanka intay tiro leeg yihiin xildhibaano Xisbigii ay Golaha ku yimaadeen saaxada siyaasada ka baxay, waa labo meelood oo meel in ku dhow, waana CALOOSHOOD-USHAQAYSTAYAAL.
waxayna Golaha u fadhiyaan si ay Xukuumadu sifo sharciga baal marsan u adeegsato, xisbiyadii kasoo baxay axsaabtii ugu danbeeyey cid magacooda kusoo baxday kuma jirto Golaha baarlamaanka, markaa siddee ayey caddaalad iyo Dumuqraadiyad u noqonaysaa isaga oo Golihii sharci dejinta aannu ku salaysneyn axsaabta qaranka ee jirta wakhtigan xaadirka ah in qorshe Axsaab ku salaysan la horkeeno?!

Siddee Bay se xildhibaano UDUB, ah oo xisbigoodii ka jaqaafiyey saaxada siyaasada baarlamaanka u fadhiyi karaan iyada oo wadanku Xisbiyo qaran oo sharci ahi jiraan, balse iyaga aannay cid u joogin?.

Xukuumaddu qorshe aan suuro gal ahayn ayay qorshaysatay markay labada sano u kordhisay Xildhibaanada UDUB, si marka ay tobankii sano buuxsamo tidhaa wakhtigii axsaabta la furayay ayaa la gaadhay, si Xildhibaanadan UDUB, ka hadheenkuna iyaga meesha u joogaan weligood, Tolow Xisbiyada jira in qaar saqiiray wax u ansixiyaan ma yeeli doonaan?

Ilaahay ha sahlee xukuumadani tay keentaaba tii hore ka daran, xiisadan Muran ee komiishanku Halkuu ka sal dhigi waayey waa xildhibaanadan bugta ah ee wax ansixinaaya, Halkay jamhuuriyad barakaysan burbur u horseedi kartaana waa iyaga, halka doorasha in loo qabto u baahan waa baarlamaanka.

Hadal iyo dhamaan xisbiyadii hore ee tobon-jirsanaaya oo aan Golihii baarlamaanka ciddi u fadhiisan oo siyaasad dheeli tiran dalkii ka jirin iyo Gole Xisbiyada wada metela oo lagu wada kolsoon yahay, siddee Bay suuragal u noqon karaysaa in Xisbiyo kale lafuro? Waxan madaxwe Muuse baarlamaanka looga dhex mashxaraday ee wasiiradiisuna ugu sacabo tumayaan, wax kale maaha, Maantana Xisbiyadaan furayaa waa UDUB haysii fadhido Baarlamaanka iyo ila meerayso hor-leh.

Illaahay baa Mahad leh

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda Tafaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com