maadhiin Tayuub
Tan iyo markii uu madaxwayne Siilaanyo qabtay talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa naafeeyey qaranka khilaafyo, ururo qabiil, is-kooxaysi, salaadiin iyo kala yaac xisbiyo, arrimahaasoo markoodii hore ka bilawday xukuumadda KULMIYE ee talada haysa, kadibna taasi sababtay in madaxweynaha iyo xukuumadiisu ku fashilmaan hawlaha qaranka.
Waxa la odhan karaa xukuumadda KULMIYE way ku fashilantay in xal laga gaadho mushkiladaha iyo dhibaatooyinka la soo darsa, haddii dhibka yimaad wax xal ah laga gaadhi waayana waxa inaga burburaya qaranka Somaliland oo ku dhisan wada-tashi iyo isku tanaasul xooggan.
Waxa ayaan-darro ah in xal waara laga gaadhi kari waayo, laguna dhammayn waayo arrimo dhibaato ku ah qarannimada Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin tabashooyinka reer Awdal, khilaafka ururka SONYO iyo kuwo hore oo dalka burburin gaadhay sida khilaafkii xisbiga KULMIYE, murankii baarlamaanka iyo xukuumadda oo saamayn ku yeeshay ilaa adduunka, caalamkuna arrintaas ka hadlay.
Adduunka ayaa ina bidaya, inoona soo doonta siyaabaha lagu xalliyo khilaafyada, iyadoo markasta tusaale loo soo qaato hannaanka xallinta mushkiladaha, balse, waxa ayaan-darro ah, ceebna ku ah qaranka Somaliland in aynu xallin kari wayno arrimaha yaryar ee ka jira gudaha dalkeenna.
Waxa kaloo dalka ka bilawday ururo qabiilo ah oo ka abuuray xaafadaha iyo degmooyinka magaalooyinka Somaliland, iyadoo haddii arrimahaasi sii socdaan ay dhici karto in dalku fawdo iyo qas galo, awooda dawladnimaduna meesha ka baxdo, taasina waa mid u baahan in si degdeg ah looga hortago.
Madaxweyne, waxa muuqata in kooxaha masuuliyiinta ah ee kula shaqeeyaa inay ku fashilmeen sidii xal looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka xilligan taagan, loona baahan yahay in aad samayso Wasaaradda Xallinta Khilaafyada iyo midaynta bulshada, haddii aan arrintaas si degdeg wax looga qabana ay meesha ka bixi karaan dhismaha iyo tacabka muddada dheer qaatay ee loo galay yagleelida qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo aan leeyahay haddii xukuumaddu xal waara ka gaadhi weydo tabashooyinka reer Awdal waxa ka faa’iidaysan kara cid leh ujeedooyin kale oo cadaw u ah jiritaanka Somaliland, iyadoo ay sidoo kale layaab tahay in xukuumadda talada haysaa meesha ka saartay Golihii Guurtida oo ah kuwii dhisan nabadgelyada iyo xasilloonida qaranka Somaliland.
Arrintaasna waxa caddayn u ah sida xukuumaddu aanay ugala tashan Golaha Guurtida sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan degaanno gudaha Somaliland, waxayna meesha wax ka dhacaan u dirtaa kooxo wasiirro ama siyaasiyiin ah oo inay wax sii xumeeyaan mooyaane aan wax xal ah gaadhi karin, halka ay ahayd in xildhibaanno guurtida ah loo diro arrimaha u baahan xalka degdeg ah.
By.Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)