qoraalWaxa xaqiiqo ah in waxyaabaha dawladi siyaasadeeda u gaarka ay ku hagtaa dalkeeda iyo ummadeeda hadba waxii maslaxadeedu ku jirto, ayada oon jeebkeeda kala soo baxayn. Hayeeshee tixtaacaysa kalana soo dhex baxsysa sooyaalka taariikheed ee u diwaan gashan, ayagoo gaar u eegaya daraasaad ku sameynaya xidhiidhka caalamiga ah ee u dhaxeeya ayada iyo dawladaha wax soo kala dhex galeen.
Waxyaabaha ugu badan ee aduunka wax laga qoro Waxaa ugu badan taariikhda dagaalada iyo waxa sababa, si daraasaad kaa laga bartey looga korodhsado cilmi-nabadeed dufaac unoqda dhib kasta oo timaada ama kusoo fooleh si xal loogu helo. Hadaba waxaasoo culuun taariikheed dagaal ah ee Jaamacadaha lagu barto sida politics and international relations, international studies, social science, conflict and wars iwm ee siyaadiyiinta iyo hogaamiyeyaashu aduunku bartaan waxay ku tusinaysaa ooy kuu cadeybeysa muhiimiyada ay hogaamiyeyaasu ugu fadhiyan wadamada ay masuulka ka yihiin si ay uga jiraan inay dagaal indho la’aan ku galaan.
Waxaa dhawrkii cisho ee udambeeyey warbaahinta Somaliland kasoo baxbaxayey hadal haynta ololaha dagaalka duqaynta ah ee Yemen dawlada Sucuudiga iyo xulafada ay hogaaminaysa ka wado, taasoo Somaliland qudheeda gacanta loo hadashay.
Waxay dadka reer Somaliland dawladooda ku fahmeen hadalada kasii hordega ah ee qaar ka mida masuuliyiinta sarsare oo dawlada Somaliland dhagaha shacabka ku ridayaan isuna dayayaan aqbalsiinta isticmaalka garoonka diyaarada ee Berbera.
Su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, waa maxay heshiiska Caalamiga ee taariikh ahaan Somaliland la wadaagtaa dawlada Sucuudiga, dawlada Yemen ee burburaysa iyo Xuutiyiinta qudhoodaba, waxaase faa’iido iyo khasaare inoogu jira?
Aniga oo soo koobaya hadaan taariikhda dambe ee Somsliland la wadaagto labada dalba eego intaan xasuusto ilaa wakhtiyadii sagaashamadii. Runtii waa mid xanuuun badan oo dhaqaale burbur iyo dagaal siyaasadeed oo Somaliland lagu mijo xaabinayo si Somaliland loo hoos geeyo Somaaliya Sacuudigu dhaqaale badan ku bixiyo asagoo isla wakhtigaa cuno qabatayn dhaqaale inagu soo rogey markuu adhigii aynu dhoofsan jirey inaga joojey, kasoo markaas ahaa ilsha kaliya ee dhaqaale ee an haysanay. Waxaa Sucuudigu markiiba heshiis la galay dalka New Zealand oo uu udigo rogtay asagoo adhigii ay ubaahnayn halkaas ka bilaabay inuu kala soo dego. Waxaa iyana nasiib daro weyn noqotay in dantu inoo geysay in adhigii aan Yemen udiro, inaga oo gacanta kaga uga galiney shirkado iyo shaqsiyaad Yemeni ah. Wax aduun ah ama lacag ah oo dadkaa reer Somaliland loo hor marin jirey may jirin oo waxay heshiis kula galeen markey Sacuudiga ka soo iibshaan iney lacagta siiyaan. Waxaa isla halkaas ku kacay tujaar badan oo reer Somsliland ah markii qaarkood sanado lacagba lasiin waayey taasoo dawlda Yemena wax uga qaban weyday amase muwaadiniintooda garab weyn siisay. Waxaa kaloo adhigii dhamaa loogu soo badali jirey caagadaha biyaha lagu dhaansado iyo buskud Abu-walda. Waxaase lama ilaawaana markabkii qaxootiga Soomaaliyeed ka buuxay ee Madaxweynihii Yemeneed Cali Cabddla Saalax uu udiiday inay soo cago dhigtaan iyo in biyo loo fidiyo, isla halkaasna dad Carrur u badani haraad ugu dhinteen halka intii soo hadhay oo dumar ahaydna askartu kaxaysteen. Waxaa dumarkaas ku jirtay gabadh, iyadoo Umul ah ay goobtaas ay ku kufsadeen, iyagoo ninkeedina ku hor garaacay. Dhacdadaa Waxaa si muuqaala usoo report garaysay Raaqiya Oomaar 1993, iyadoo sarkaalad sare ka ahayd wakhtigaas Hay’adda Caalamiga ah ee African human rights Watch, ka u shaqayneysay.
Su’aasha labaad waxay tahay in dagaalkan qayb aan ka noqono maxaa faa’iido inoogu jirta ? Waxaan filayaa in jawaabtu gaaban tahay oo shilimaad uun ay hoos imanayso hayeeshee khasaaru yahay mid shilimaad kaasi uu dhimbiilo daba ku noqon doono.
Dagaalada halkaa ka curtaa saameyn weyn ayey inagu yeelan doonaa maadaama oo aanu dagaalku ahayn mid dad iyo dawlado kale Yemen kusoo duuleen oo laga caabinayo ee uu yahay dagaal sokeeye oo dhexdooda ah, islamarkaana xuduud iyo wakhti uu dhamaan doona aanu jirin. Duqaynta dusha laga wadaa ay kaliya tahay wakhti lumis iyo burbur xoogan oo dhimadho, qax iyo kacdoomo kale uun sii abuura. Dalkeena oo dalkale laga duulaa waxay gogol xaadha u tahay godob siyaasadeed oo dadka iyo dalka reer Somaliland u curtay.
Si kasta ha ahaatee Waxaa dantu ku jirtaa in Somaliland xuduudadeeda, mid bad iyo mid barriba control adag saarto una suuro geliso dadka muwaadiinta ah ee reer Somaliland ee ku soo laabmaya wadankooda isla markaana dadka qaxootiga ah ay meel gooniya oo magaalooyinka ka durugsan u qorsheyso.
Waxaan marlabaad dawlada Somaliland uga digayaa iney faraha kala baxdo iyo shirarka arrinkan ku lug leh ee Sudan ay dawladahan lagala qayb geleyso ayaga oo eegaya maslaxada iyo danaha dalka ee mustaqbalka fog.

By Sociologist Saeed Issa Eleyeh
saeed_isma@live.co.uk