Garyaqaan BarkhadGaryaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
Ilaahay (SWT) wuxuu shareecada u soo dejiyey ilaalinta shan shay oo kala ah:
· Nafta qofka oo aan si yar dilkiisa loo xalaashan karin
· Maalkiisa
· Cirdiga
· Caqliga
· . Diinta
Waxaa in dhaweydba xummad xoog badan shacabka gudde iyo dabada ku beeray falalka foosha xun ee sida joogtada ah ugu soo noqnoqonaya dalka gudihiisa, gaar ahaan waxaa xannuun iyo xanaf badan ku reebay quluubta kumanaan qof xaqdarada iyo xabadda lala dhacay qoys ka mid ah qoysaska qaranka ugu suntan taarikhda dib-u-xoreynta dalka, waxaa galay daaradooda boolis aan wadan waaran maxkamadeed oo soo qabasho ah, waxanay qabteen aabihii qoyska, wayna xidheen, waxooga kadibna waxaa madaxa laga toogtey wiil yar oo uu dhalay, waxa kaloo isla toddobaadkan Gobolka Awdal ka dhacay dil aad u fool xun, kaas oo lagu dhaawacay laguna dilay saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.
Waxa kaloo shalay geeriyooday wiil yar oo raas ku baxsatay saldhiga booliska ee Ibraahim Kood ee magaalada Hargeysa.
Intaas oo dhami markay dhacayaan xukumadeena xurmo daran waxay awood u wayday xallinta amuuran anfariirka iyo argagaxa ku beeray bulshada.
Madaxweynuhu wuxuu awoodi kari waayey inuu shir degdeg ah isugu yeedho goolihiisa wasiirrada iyo laamaha ammaanka ee ay khuseyso arrimaha aminga dalku si looga soo saaro jawaab celin waafi ah oo shacabku ku laab qabowsadaan.
Waxaa ayaan-darro weyn ah in uu Madaxwynuhu ka hadli kari laayahay dhibaatada baaxadaas le’eg ee dalka u hogaamintiisa hayo ka dhex jirta.
Waxay awoodi kari waayeen kooxaha la shaqeeyaa inay booqdaan maatida dhibaatadani ku dhacday oo ay la wadaagan murugada iyo muraaro-dillaaca ka muuqda malaha wayba ku mafsuudsan yihiin dhibta haysta bulshade!
Dunida dhacdooyinkan kuwo ka yaryar oo khalad masuul sameeyey ah ayaa wasiirro dhami iyo taliyayaal dhami xilka isaga casilaan, laakiin kuwani way garan waayeen taasna, waayo shacab nacas ah oo aan damiir damqada lahayn ayey arkaan siday doonaana ka yeelayaan.
Wuxuu Alle diiday daadinta dhiigga qofka muslimka ah shareecada iyo barta ay ka istaagteyna waxaa ku soo orooray aayado badan iyo axaadiis.
Shil waa dhici karaa, khalad waa ka iman karaa, balse su’aasha aan is weydiinayo ayaa wali ah sidee ayey ku dhici kartaa in 7 xabadood lagu dhufto qof maxbuus ah xeerka booliska, distoorkeena iyo diinteenaba meel ay kaga jirtaa ma jirto.
Waxaa lagu andacoodaa tayo la’aan iyo qalab la’aan ayaa haysta booliska yaa ka masuul ah tayeyntooda iyo qalabeyntooda?
Boolisku wuxuu u baahan yahay (Police Protection material) oo ah qalabka wax iska caabinta booliska oo dunida meel kasta laga soo heli karo, tusaale ahaan marka ay rabshado jiraan, sida mudaharaada iwm, marka uu gudanayo waajibaadkiisa shaqo.
Su’aasha kale ee meesha ku jirtaa ahaa ah waa dilkii saddexaad ee toddobaad gudihii dhaca sameeyeena askar ta tirsan ciidanka wiilkii hore ee lagu toogtey Hargeysa, saraakishi Boorama lagu toogtey iyo wiilkan hadda dhintey Alle swc dhamaantood ha u wada naxariistee meeyeen saraakiishi boolisku iyo taliyihii bileysku? Meeday Wasaaraddii Arrimaha Guduhu?
Waxaan leeyahay Madaxweyne, laba midkood unbaa ku gudboon in aad ummadda u sheegto in aanad awoodi karin hogaaminta dalka oo aad is casisho iyo inaad awoodaada uu Alle ku siiyey, kuna qoran Distoorka ee sharciga aad u leedahay adeegsato oo aad xil ka qaadis ku sameyso Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudaba labadoodaba, maxkamadna waliba la soo joojiyaa haddii kale waxaad sugtaa waa iyadoo suuqa la isku dhex toogto.
Ma jeclid in si kibir ah laguu xidho. Ma jeclid in wiilashaada madaxa xabbad lagaga dhaco. Ma jeclid in dulmi lagugu sameeyo ha u quudhin shicibkaaga intaanad naftaada la jecleyn.
Waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa qoyska iyo qaraabada uu wiilkaasi ka baxay Anigoo la wadaagaya murugada iyo muraara dilaaca haysta
Allow dalka iyo dadka adigaa u maqan
Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun
Email: Barkhad909@live.com