guled ahmed jamaDawladdii Dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay burburtay sannadkii 1991ki. Bulshadii Soomaaliyeed ee dalkeedu burburay dunida inteeda kale way ilawday. Qaarkood xilligaas waa isku tashadeen sida Somaliland, halka qaar kalena dagaalo ay ka sii curteen, sida Somalia.
Dunidu way ka aamustay ka dib markii uu guuldarraystay hawlgalkii Maraykanku hoggaaminayey ee Qaramada Midoobayna ku jirtay ee loogu magac daray “Soo Celinta Rajada”. Taasi waxay keentay in dunidu faraha ka qaado Somalia. Macaluul, colaado iyo falal dembiyeedyo abaabulan ayaa gudaha dalka ka socday laakiin dunidu dareen may siin. Kumanaan qof ayaa ku dhimanayey maalin walba dagaalo sokeeye, dumar badan ayaa la kufsanayey, kumanaan ciyaal ah ayaa la askaraynayey iyada oo dhammaan falalkaasi haddii ay ka dhici lahaayeen meel aan ahayn Somalia la samayn lahaa farogelin degdeg ah iyo in la maxkamadeeyo saraakiisha ku lugta leh sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday.
Waxaase indhaha caalamku u soo jeesteen Somalia markii duruufaha xasilooni darro ee gudaha ka jiray ay halis geliyeen amnigii caalamka sida budhcad badeed iyo kooxaha xagjirka ah. Labadaasiba waxay si weyn u taabteen amniga dunida iyo dhaqaalaha caalamka.
Haddaba jawaabta labadaas laga bixiyey waxay noqotay in lala dagaalamo oo keliya kooxaha ku lugta leh islamarkaana wadamada deriska ah loo ogolaado inay gudaha soo farogeliyaan. Nasiibdarro wax xal ah taasi ma keenin. Sida ay baahisay hay’adda xuquuqal-insaanka u dooda ee Human Rights Watch, weli waxaa ka socda Soomaaliya ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga haweenka oo xataa gaadhay in ciidamada nabad ilaalintu ay hab abaabulan uga ganacsadaan jidhka haweenka, iyaga oo ka faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuu ka badbaaday xasilooni darradaa ka jirta Soomaaliya, wayna la dagaalantay kooxaha dembiilayaasha abaabulan, waxay qaadatay nidaamka is xukun habka dimoqraadiga ah. Waxa la ansixiyay dastuur ilaaliya xuquuqda aadanaha, waxana la qabtay doorashooyin is-daba joog ah oo dadku fursad u heleen inay u coddeeyaan cida xukumaysa. Laakiin dhammaan tallaabo kastoo Somaliland u qaadday dhinaca dimoqraadiyadda iyo ilaalinta amniga gobolka jawaabteedu waxay noqotay in lagu abaal mariyo go’doomin caalami ah.
Kadib weeraradii dhacay sannadkii 2001 ee lagu bartilmaameedsaday daarihii ganacsiga dalka Maraykanka waxay dhalan-rogmay shuruucdii wadamada dunida ee muhiimada siinayey xuquuqda aadanaha, waxaanna soo kor maray in mudnaanta la siiyo ammaanka. Taasi waxay keentay in la soo saaro shuruuc aan tixgelin badan siinayn nolosha dadka iyo xuquuqda aadanaha toonna, laakiin ku foogan amniga guud. Taasina waa sababta keentay in bangiyadu ay aad uga baqaan nooc kasta oo lacag diris ah. Waayo waxaa ka dambeeya shuruuc faraysa inay aqoonsadaan cida lacagta diraysa iyo cida loo dirayo.
Haddaba, Xawaaladuhu waxay noqdeen cida samata bixisay dadkii Soomaaliyeed ee la illaaway. Sida dalalka kale ee Afrikaanka ah dadka qurba-joogta ah ayaa lacag badan u soo dira qoysaskooda danyarta ah ee dalkooda ku nool. Nasiib-darro xilligan waxaa la joojiyey xawaaladihii (dalka Maraykanka), taasina waxay halis gelinaysaa kumanaan qof. Waxaa malaayiin qof oo xawaaladaha ku tiirsan loo ciqaabayaa hal qof oo dembiile ah. Way dhacaysaa in qof ku dhex dhuunto, laakiin kee xaq mudan malaayiin qof oo la dayacay oo aan haysan dawlad oo ku nool goobo colaado ka jiraan in loo ciqaabo qof dembiile ah?
Taasi miyaanay dhiirigelin u noqon karin cida la leeyahay waa dembiilayaal ee awgood dadkan loo go’doomiyey in fikradooda dadka danyar ahi u dhega nuglaadaan? Waxaan beesha caalamka u soo jeedinaynaa inay tixgeliyaan xuquuqda dadka danyarta ah ee aan la siyaasadayn. Waxaan codsanaynaa in la taageero baaqii Senator Keth Elison ee xataa Madaxweyne Obama saxeexay ee ahaa in loo qiil dayo hannaanka lacag dirista Soomaalida, gaar ahaan in la fududeeyo shuruucda la xidhiidha dhinaca lacag dirista.
Waxaan dunida leenahay meel cidlo ah ha kaga tegina dadka Soomaaliyeed ee ku eega indho naxariis leh, haddiise lagu guul darraysto in la dhawro xuquudooda aasaasiga ah ee ah inay nooladaan, waxay bulshada danyarta ah baraysaa inaan dunidu run ka sheegayn ilaalinta xuquuqda aadanaha, hase ahaatee ay tahay la jiifiyaana bannaan.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
dafac02@hotmail.com
http://www.guleidjama.blogspot.com/