Degdegsiimada, Deeqsinimda iyo  Daryeelka Bulshadu, Waa Deeq ay Dhigeed dheer tahay Shirkadaha Dahabshiil Group oo si waafiya uga tisqaaday guud ahaan dunida afarteeda dacal waxay dayax habeen dam ah usoo baxay ka noqotay Qaarada Africa, oo si hufnaan iyo hagar la’aan ah ay u baahi tirtay bulshada ku nool gabi ahaan.

La jaanqaadka tignoolajiyada casriga ah ee dhinacyada xawaalada, isgaadhsiinta, iyo internetkaba waxay kamid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee ka suurto galiyey gayigan aynu ku noolnahay ee SomalilandShirkada Dahabshiil.

Dahabshiil Group Dayaxa Geeska Africa.

Waxay si kalfuran oo kasmo iyo garasho badani ku jirto ugu adeegtaa dhammaan bulshada ku kala nool daafaha dunida.

Waa shirkad amaano iyo aragti ku raaligalisa, uguna adeegta bulshada.

Aan ku horeeyo Somaliland qiyaasta dadka ku nool dalka marka laba loo qaybiyo waxaa xaqiiq ah in xidhiidh toosa ah ay la leeyihiin shirkadaha dahabshiil gobol kasta iyo degmo kasta oo ay ku nool yihiin, taas bulshada badankeeda ehelkoodu uga soo diraan lacago oo si dhib la’aan iyo warwer la’aan ah uu qof walbaaba u helo dhaqaalihii loosoo mariyey.

Taasi waa adeega ay qabato oo kaliya balse waxaa taa barbar socota garab istaaga iyo gacansiinta ay bulshadeeda mar walba la garab taagan tahay, waxaan tiro lagu koobi Karin dhismayaasha la wada leeyahay ee dhinacyada baahiyaha bulshada ee ay ka hirgalisay guud ahaan deegaanada ay somaalidu degto. Degmo kasta iyo tuulo kasta,

Waxaan cidna xaqiri karin doorka ay ku leedahay hirgalinta dhismayaal iyo mashaariico ay ku baxaan malaayiin dollar oo ay ka fulisay jaamacadaha, iskuulada, Goobaha Caafimaadka iyo Cusbitaalada, dadka danyarta ah iyo taageerada bulshada la tabaalaysan abaaraha iyo duruufaha nololeed.

Dhinac kale aan u holodo, wali ma isticmaashay adeega dhinaca internetka ee ay bixiso shirkada Somtel oo kamida faracyada shirkadaha dahabshiil group, kama daallo, kama xiisodhaco, waa khad aan marnaba kugu ridaynin werwer iyo walaac aad ka qaado internetka oo kaa googo’a ama kaa cuslaada, waxan odhan karaa waxa uu kamid yahay internetka shirkada somtel oo badiba bulshada Somaliland isticmaasho wuxuu qayb laxaad leh ka yahay macaamilka iyo la jaanqaadka dunida casriga ah ee hadda loo jihaystay.

Marka laga yimaado sida ay u dhex mushaaxday dhammaan gobolada, degmooyinka, iyo tuulooyinka Somaliland oo ay si hagar la’aan ah ugu hagar baxday kuma koobna oo kaliya, balse dahabshiil group ay sidaa si lamid ah faracyo waaweyn oo waxtar u leh ku leedahay dalalka aynu dariska nahay sida Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Djabouti intaaba ay si waafiya uga shaqeyso bulshadana ay ku celiso hadba faaiidada ay ka hesho dadka ku nool dalalkaa ay ka shaqeyso.

Talaabooyinka Ku dayashada mudan waxaa kamida sawirkan aan usoo qaatay tusaale kooban, waa hooyo danyar ah oo ku sugan magaalada muqdisho sida igu maqaale ah, waxaa si kadis ah  ay waddo ugu kulmeen  Cabdirashiid Ducaale  oo ah masuulka ugu sareeya Shirkadaha Dahabshiil Group, oo ka dalbatay gacan qabasho iyo caawimo iyadoo sida idiin muuqata uu ku qaabilay waji furan iyo dabacsanaan ay ku dheehan tahay deeqsinimo dunwanaag iyo daacadnimo eebe u dhaliyey.

Aragtidayda gaarka ah waxaan qirayaa inay Dahabshiil group tahay shirkad la nool duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkeedu, si qotodheer oo aan lagu cabiri Karin qalina ay ugu warhayso, inta tabaalaysan, waa talaabo mudan ku dayasho ay tahay in shirkadaha kale ee faceeda ahi ay kagaga daydaan.